Noqo Freelancer Aan Laga Maarmi Karin
Suuqa shaqadu waa mid si xawli ah isu bed-bedelaya, waxaana sii kordhaya baahidii loo qabay Freelancer hal-abuur leh, iyadoo kumanaan shaqo hawada ka baxayaan, halka in kalena ay suuqa shaqada ku soo biirayaan.
Haddaba sideed ku noqon kartaa Freelancer muhiim ah, oo aan laga maarmi karin, ama ugu yaraan sideed ku noqon kartaa qof aan si fudud loogaga maarmi karin.
1. Nooca Xirfadda
Nooca xirfadda aad ku shaqaysato, ama shaqada aad hayso waxay qeyb weyn ka ciyaartaa muhiimaddaada iyo sii jidhitaankaaga, hadii aad shaqo fudud hayso, si fudud ayaa lagaaga maarmi karaa.
Sidaa darteed, baro xirfadaha high value-ka ka leh suuqa shaqada, taasoo keensanaysa in aan si fudud lagaaga maarmin, sidoo kale adeegso AI-da si aad wax-soo-saarkaaga u kordhiso.
Academy-deena waxaad ka baran kartaa tiro xirdafo ah, oo badankood la xihdiidha tignoolajiyadda, xulo mid ama dhowr ka mid ah koorsooyinkeena ⬇️.
2. Sumcaddaada Shaqo
Sumcadaada shaqo ayaa sidoo kale qeyb ka ah muhiimaddaada, iskuna day inaad sidii ugu fiicnayd u gudato shaqadaada, mararka qaar haday suuragal kuu tahayna ka badi.
Sidoo kale, in deadline-ka la dhaafiyo waa kuu sumcad xumo ka Freelancer ahaan, waana inaad wakhtiga kama danbaysta ah ku soo gudbisaa mashruuca ama ku fulisaa shaqada.
Bixi adeeg heer caalami ah, adigoo shaqadaada ama mashruucaaga la lamaanaysiinaya afkaar cusub, ama kuwo hore u jiray sidii loo hormarinaya.
3. Xidhiidhkaaga
Xidhiidhada shaqo ayaa iyadana door weyn ka qaata jidhitaankaaga iyo muhiimaddaadaba, waxaana la yidhaahdaa xidhiidhada wanaagsani waa furayaasha guusha.
Sidaa darteed, dhis oo maalgali xidhiidho wacan, oo tayo sare leh, adigoo dabcinaya dabcigaaga, si xushmad lehna jawaabaha u bixinaya.
Sidoo kale noqo mid la-la doodi karo, oo wax la-la falanqayn karo, isla markaana natiijo miro-dhal ah la-la gaadhi karo
Gabagabadii
Inaad noqoto freelancer aan laga maarmin waa safar dheer oo u u baahan aqoon, dulqaad, isbedel joogto ah, iyo isgaarsiin heer sare ah.
Waxayna talooyinkan kaa caawinayaan inaad noqoto mid uusan si fudud suuqa shaqadu u saamayn, ileen adiguba waxaad tahay mid la jaan-qaadaya suuqa shaqada.
Booqo bogga koorsooyinkeena, oo xulo mid ama dhowr ka mid ah koorsooyinkeena, adigoo gujinaya badhankan hoose.