Nvidia waa shirkad soo saarta chips-ka lagu dhiso computer-ka isla markaana ka caawiya dadka adeegsiga computer-ka sida muuqaal saamaynta iyo gaming-ka.
Nvidia in badan oo ah chips-ka ay soo saarto ayay ka gadi jirtay shirkadaha computer-ka soo saara si uu uga caawiyo dhinaca caqliga macmalka ah (artificial intelligence) sameyntiisa.
Haddaba korodhka ku yimid xawaaraha ay ku socoto teknooloojiyadda caalamka iyo sida tartan loogu jiro inay cid walba samaysato qalab ka horumarsan ka kale ayaa ka dhigtay shirkaddan Nvidia inay shaaciso soo bandhigidda supercomputer AI ku shaqaynaya kaas oo cid walba ay haysan karto oo gurigeeda ay dhigan doonto qiimahana inuu $3000 ka bilaabanayo ayay sheegeen.
Computerkan cusub ee ay Nvidia soo saarayso ee loogu wanqalay Digits Machine, waxa uu soo bixi doonaa bisha May, xajmi ahaan waxa uu le’eg yahay uun buug waxa uuna ka kooban yahay “super chip” ay samayso Nvidia oo lagu magacaabo GB10 Grace Blackwell, kaas oo loogu talo galay inuu computer-ka u diyaariyo tababar uu ku sameeyo noocyada kala duwan ee AI-ga.
Sawrika computerka xigasho :-msn.com
Computerkan waxaa ku jira 128GB oo unified memory ah (CPU iyo GPU oo la isu daray) iyo 4TB oo NVMe storage ah.
” In cid walba oo saynisyahan ah ama cilmi baadhe ama arday la soo hordhigo supercomputer awooddan leh waa mid kor u qaadaysa awoodda iyo cimriga uu yeelan karo AI-gu” Huang oo ah maamulaha shirkadda Nvidia ayaa ku sheegay madashii bandhigga.
Nvidia ayaa tidhi computerkan Digits machine ee looga soo gaabaaday “deep learning GPU intelligence training system“, waxa uu awood u lahaan doonaa inuu ku shaqeeyo hal language model kaas oo ilaa 200 billion oo hawlo qaban kara, waa halbeeg adag in la suuro galiyo maanta.
Haddii laba Digits machine la isu xidho iyadoo la adeegsanayo qalab si degdeg ah wax u tabinaya, waxa uu computerkan yari ku shaqan karaa programs-ka ugu adag ee ay Meta adeegsato ee Llama model, kaas oo leh ilaa 405 billion parameters.
Digits waxaa uu u fududayn doona cid walba oo wax xiisaynaysa ama samaynaysa cilmibaadhis models cusub oo u soo dhawaan kara CPT–4 ama Google Gemini iyaga jooga gurigooda, balse labadan model ee saree ee aan kor ku soo sheegnay waa kuwo adeegsada meelo waaweyn oo Microsoft iyo Google ay leeyihiin oo xogaha lagu kaydiyo wayna ka awood wayn yihiin waxa uu Digits awoodo.
Nvidia waxay ka mid ahayd shirkadaha ugu waaweyn ee dhinaca horumarinta AI-ga ka qayb qaatay, saamiga shirkaddeeduna cirka ayuu isu shareeray dhawrkii sano ee u dambeeyay maadaama shirkadaha teknooloojiyadda ee waaweyn ay u tartameen iibsashada chips-ka ay soo saarto, kaas oo aad uga caawinaya soo saarista AI-yada.
Shirkadda Nvidia waxay ku dadaashay inay ka dhigto hardware-ka iyo software-kaba mid u diyaarsan AI-ga, sidoo kale inay wax soosaarkeeda badiso waxay tilmaamaysa meesha uu u socdo suuqa teknooloojiyaddu.
Marka la soo saaro, Digits waxa uu noqon doonaa computer si shakhsiyan ah loo isticmaalo kan ugu awoodda badan.
Our Courses
- Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
- Forex Trading A-Z Af-soomaali
- Website Design WordPress.
- Dropshipping Mastery Course
- Somali alibaba Online Course
- MongoDB No-SQL Database
- Ultimate react JS course
- HTML and CSS beginner to advanced Course
- Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
- Facebook Ads (Digital Marketing).
- Somali Alibaba Online Course.
- Git and Github Course
- Modern Javascript master Course
- Graphic Design Course.
- Basic Computer and Office Mastery.
- Premiere Pro (Video Editing).
- Blogging & Monetisation(WordPress).
- E-commerce Course.
- Tailwind CSS modern Course.
Our Services
- Website Design
- Business Consulting
- Digital Marketing