Open Interest

  • November 26, 2024
  • Comment 1

Open interest waa hab lagu ogaanayo inta position ee sell ama buy ah ee ka furan qandaraas cayiman, sida Bitcoin perpetual futures ama Ethereum call option.

Waxa uu raadraac ku sameeyaa wadarta guud ee qandaraasyada furan sida options-ka ama Futures-ka, si gaar ah open interest-gu waxa uu diiradda saaraa inta qof ee hadda ku jirta qandaraasyada.

Tani waxay kaa caawinaysaa inaad ogaato inay lacag cusub ku soo qulqulayso qandaraaska ama inay lacag ka baxayso, sidaa darteed traders-ka ayaa danayn gaar ah siinaya open interest-ga si ay u ogaadaan hantida soo galaysa qandaraaska iyo baahida loo qabo.

Open interest, fahan guud

Open interest waxa ay sheegaysaa tirada positions-ka ka furan ee suuqa, ha noqoto positions-ka la sii dhigtay ee uu suuqu soo taabtay ama kuwa uunan soo taaban iyo sidoo kale qandaraasyada mustaqbalka (Futures contracts), waxa ay hoos u dhacdaa open interest-gu marka positions badan la xidho, waxa uuna kor u kacaa marka positions la furo.

Tusaale, aan ka soo qaadno OI Bitcoin option inuu yahay 5, kadib marka uu Cabdi furo 5 contract ee option-kaas waxay wadarta guud ee open interest-gu noqon 10, marka ganacsade kale uu xidho position 3 contract ah, Cabdina uu 5 contract kale uu dib u furo OI-ga waxaa ku biiri 2 oo waxa uu guud ahaan noqon 12.

Sida inoo muuqata in position la xidho waxay dhimaysaa OI-ga halka in la furaa ay kordhinayso.

Halkee ayaad ka heli kartaa xogta open interest?

Open interest-ga stock market-ka waxa aad ka heli kartaa website-yada kala ah:-

  • CME group
  • Barchart.com
  • Investopedia
  • OCC
  • Nasdaq

Crypto marka loo yimaaddana waxa aad ka heli kartaa open interest-ga website-yadan:-

  • CoinGlass
  • CryptoQuant
  • The block
  • Binance
  • Coinanalyze

Ogow website walba xogtiisa si ka duwan ka kale ayuu u soo bandhigi karaa haddaba ha moogaan inaad dhawr website la socoto.

Muhiimadda open interest-gu uu leeyahay

Maadaama ay ka mid tahay open interest Waxyaabaha ugu waaweyn ee aad uga shidaal qaadanayso suuqa aad galayso waa inaad si wacan baadhitaan ugu samaysaa, haddii OI-gu yar yahay taasi waxay ka dhigan tahay suuqa dad yar ayaa ku jira oo liquidity ma leh taasi oo ka dhigaysa inuu suuqu dhaqaaq badan samayn, open interest-gu maalinba si weeye oo waa inaad kala garataa maalmaha aad position furayso iyo maalmaha kale.

Sidee loo taxliilyaa open interest-ga?

Inaad open interest-ga daraasayso waxa ay kaa caawinaysaa inaad garato jihada suuqa isla markaana aad ogaato inuu maalinku yahay maalin ku habboon shaqada, badanaa traders-ku waxa ay u taxliilyaan sidan hoose:-

  • Haddii qiimaha coin-ku kordho sidoo kale waxaa biiraysa OI-ga kolkaa kor u socodka suuqa ayaa adag.
  • Haddii qiimaha coin-ku hoos u dhacana OI-ga ayaa iyadna hoos u dhacaysa markanna hoos u socodka suuqa ayaa adag.
  • Haddii qiimaha coin-ku kordho OI-guna uu hoos u dhaco taasi waxay ka dhigan tahay kor u socdka suuqa ayaa daciif ah.
  • Haddii qiimaha coin-ku hoos u dhaco OI-guna kordho taasi waxay ka dhigan tahay hoos u socdka suuqa ayaa daciif ah.

Ogow mar walba ha moogaan baadhitaan adiga kuu gaar ah tani maaha la talin ganacsi kaliya waa xog aan ku ogaysiinayno mahadsanid.

Our Courses
  • Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
  • Forex Trading A-Z Af-soomaali
  • Website Design WordPress.
  • Dropshipping Mastery Course
  • Somali alibaba Online Course
  • HTML and CSS beginner to advanced Course
  • Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
  • Facebook Ads (Digital Marketing).
  • Somali Alibaba Online Course.
  • Modern Javascript master Course
  • Graphic Design Course.
  • Basic Computer and Office  Mastery.
  • Premiere Pro (Video Editing).
  • Blogging & Monetisation(WordPress).
  • E-commerce Course.
Our Services
  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing   

1 Comment

  1. Su aahan fadlan igaa jawaab wll
    1. Traffic website kaaga ee soomalia kaa soo booqanaya adsense
    Imisa ayuu 1 click kuu siiyaa .
    Waxa aan rabaa inaan bilaabo adsense

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×