Peter Todd, ninka HBO ay tidhi waa Satoshi Nakamoto!

  • October 9, 2024
  • Comment 0

Television-ka HBO ayaa filinkiisa Money electric: the bitcoin mystery, ku sheegay in Peter Todd uu yahay ninka qarsoon ee Bitcoin sameeyay ee Satoshi Nakamoto.

39 jirka u dhashay dalka Canada ayaa lagu garan ogyahay waxqabadka uu kasoo qabtay bitcoin aasaasitaankeeda iyo horumarintiisa uu horumarshay cryptada kale iyo sidoo kale Blockchain Softwares-ka.

Haddana, Todd waa uu iska diiday inuu yahay Satoshi inta uu filinku soo bixin iyo kadib marka uu suuqa galayba, isaga oo si cad ugu sheegay bartiisa X oo yidhi “ma ihi Satoshi“.

BitMEX Research, ayaa 8 October baryootoda X ku sheegay in caddaymaha ay HBO soo bandhigeen ee ay ku sheegeen in Todd uu yahay satoshi ay ahaayeen  wax lagu qoslo oo aan lahayn sabab loo aamini karo.

Satoshi Nakamoto

                                                                            Source: BitMEX Research

Peter waxa uu ka mid yahay dadka fara ku tiriska ah ee kala shaqeeyay nakamoto samaynta Bitcoin si cadna ula xidhiidhay inta ay ku guda jireen barnaamijka Bitcoin ka hor inta nakamoto la waayin 2011kii, tan ayaa ka mid ah caddaymaha uu soo bandhigay soo saaraha filinka, Cullen Hoback, sheegayna in Todd uu noqon karo nakamoto.

Todd waxa uu ahaa 23 jir markii uu Nakamoto soo saaray Bitcoin white papers oo u noqotay waa’ cusub bilawga decentralised peer-to-peer payment system.

Waraysi 2019kii laga qaaday Todd ayuu ku sheegay inuu ahaa 15jir markii ugu horreysay ee uu la xidhiidhay raggii ugu horreeyay ee horumarinayay Bitcoin Hal Finney iyo Adam Back.

Todd  ayaa ahaa qofka soo galiyay Bitcoin platform-yada Coinkite july 2014kii iyo Verisat oo ku ahaa la taliye guud 2015kii.

Sidoo kale waxa uu ahaa shaqaale caawimaad ah dhinaca Linux system iyo Starnix muddo 3 bilood ah 2001dii, waxa uuna qabtay hawlo goos goos ah muddadii u dhaxaysay 2007dii ilaa 2008dii.

Waxa uu ka soo qabtay boosas kala duwan dhibaca Cryptada, oo ay ka mid yihiin cilmi baadhe sare oo uu ka ahaa shirkadda Mastercoin oo ahayd isgaashsiin digital ah iyo protocol ku dhisan Blockchain-ka 2014kii.

Todd ayaa ka ahaa sidoo kale cilmi baadhe sare 2014kii Dark wallet, oo ah bitcoin wallet.

Isku soo wada duub oo sida la aaminsan yahay waa in ninkan Todd uu ahayn Satoshi sidaa darteed uunan ahayn aasaasaha Bitcoin.

Our Courses
  • Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
  •  Website Design WordPress.
  • Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
  • Facebook Ads (Digital Marketing).
  • Somali Alibaba Online Course.
  • Graphic Design Course.
  • Basic Computer and Office  Mastery.
  • Premiere Pro (Video Editing).
  • Blogging & Monetisation(WordPress).
  • E-commerce Course.
Our Services
  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×