Print on Demand: Waa Maxay, Sideena Lacag Looga Sameeyaa?
“Print on Demand” oo loo soo gaabiyo “POD”, waa nooc ka mid ah ganacsiyada e-commerce-ga ah, ee ku salaysan dalabka.
“Print on Demand” waa “Daabacaadda Dalabka Ku Salaysan” waana in aad daabacdo dalabkii (sida dharka, buugaagta, maacuunka, posters-yada, gogosha, iyo ugu badnaan wax kasta oo la daabaci karo), marka uu macmiilku soo dalbado kadib.
Sidee Buu U Shaqeeyaa Print on Demand-ku?
Si aad u fahanto sida uu u sahqeeyo, tusaale yar aan kaa siiyo daabacaadda.
Sida dabiiciga ah, marka aynu rabno in warqad ama shahaado la inoo daabaco, waxaynu u tagnaa maktabadaha, kuwaas oo aynu ka dalbano in ay inuu daabacaan warqadan ama shahaadadan aynu sidano, iyagoo markaa ka dib noo shaqaynaya, oo bilaabaya daabacaadda.
Print on Demand waa sidaas oo kale, hasa yeeshee wuxuu u dhacaa qaab online ah, marka aad wax soo dalbato, kadib bay shaqada daabacaada bilaabmaysaa.
Si kale hadii aynu u dhigno, waa ganacsi ku xidhan uun dalab, mar allaale marka uu macmiil wax soo dalbado, kadib bay shaqdu bilaabmaysaa.
Sidee Baa Lacag Looga Sameeyaa Print on Demand-ka?
2 qaabba lacag waad uga samayn kartaa, kow: inaad si buuxda iskugu filnaato, labo: inaad xubno kale ku tiirsanaato.
Tusaale, inaad si buuxda iskugu filnaato waxaan ula jeedaa:
- Inaad mishiinkii daabacaada soo iibsato
- Inaad soo iibsato wixii aad daabacaysay, ee aan ahayn wixii laguula iman doono
- Inaad hesho goobtii aad wax ku daabacaysay
- Inaad soo diyaarsato naqshadihii daabacaadda
- Inaad adigu badeecooyinka dirto
Halka, inaad xubno kale ku tiirsanaato aan ula jeedo, inaad adigu kaliya naqshadaha diyaariyo, wixii ku saabsan badeecadda la daabacayo, daabacaadda lafteed, diristii, iwm, aad xubno kale u wakiilanayso.
Si aad lacag uga samayso Print on Demand-ka ah inaad xubno kale ku tiirsanaanyso, raac tillaabooyinkan soo socda:
1. Dooro Nich Gaar Ah
Dooro nich gaar ah, ama beegso suuq gaar ah, sida dharka, maacuunka, gogosha, buugaagta, iwm.
Bilawga horena sii gaar noqo, oo kaliya ha beegsan suuqa dharka, ee beegso suuga funaanadaha ee dharka, ama si gaar noqo, oo beegso suuqa funaanadaha caruurta ee dharka.
Mar allaale marka aad wax ku gaar noqoto, waa mar kasta ay guushaadu dhawdahay, ha noqon “sheekhul kulli“.
2. Curi Naqshado Soo Jiidasho Leh
Create garee naqshado bilic ahaan qurux badan, ama micno samaynaya, adiga oo kaashanaya naqshadeeya taf ah, ama adigu si iskaa ah u baranaya naqshadda.
Hadii aad barto inaad barato Adobe Photoshop, qaado koorsadan hoose:
3. Xulo Oo Dooro Partner-kaaga Ganacsiyeed
Shirkadaha bixiya adeegyada POD-ka waa ay badan yihiin, sidoo kalena waa ay kala duwan yihiin, sidaa si la mid ahna qaarkood waa caalami, qaarka kalena waa locally (gudeed), waxaana ka mid ah:
- Printful
- Printify
- Shopify
- Etsy
- Teespring
- Redbubble
Shirkadahan, qaarkood waa madal dhamaystiran, oo kuu haysa badeecadii iyo daabacidii, iyo goobtii wax laga iibsanayay, sida “Redbubble” oo kale, adigoo kaliya naqshadahaaga soo post-garaynayo.
Halka qaarka kalena ay yihiin kuwo kaliya badeecaddii iyo daabacidii iyo diristii kuu haya, laakiin aan kuu haynin goobtii wax lagu iibinayao, oo aynu ula jeedno website-kii.
Xulo midka ku habboon baahiyahaaga gaarka ah, isla mar ahaantaana suuqa aad beegsanayso ku habboon.
4. Yeelo Goobtii Aad Wax Ku Iibinaysay
Yeelo oo samayso website-kii ama platform-kii aad wax ku iibinaysay, sida inaad ka dhex samaysato Shopify, WooCommerce, Etsy, iwm, ama bilawga hore sociaal media sida (Instagram Store-ka).
Hadii aad rabto in laguu dhiso website POD ah, la xidhiidh shirkadeena “NaqshadPrime“, oo ah shirkad dhista website-yada, adigoo gujinaya link-gan.
5. Suuqgee Ganacsigaaga
Tallaabada ugu danbaysa ee aan ku soo gabgabaynayo qormadan ayaa ah, suuqgeynta, inaad si joogto ah u suuqgayso ganacsigaaga, oo mararka qaar olole xayaysiimeed fasaxdo, oo mararka qaar iskaashiyo samayso, iwm.
Adeegso habka ama tubta ku habboon ganacsigaaga, suuqgeyntuna waa ay ballaadhan tahay, kuweeda ugu wax tarka badanna waxaa ka mid ah:
- Social Media (Facebook, Instagram, TikTok…).
- SEO (inaad soo daabacdo qormooyin ama maqaalo).
- Email Marketing (inaa samaysato list email-lo ah).
- Influencers (inaad saameeye wada-shaqaysaan).