Remote Jobs – Mustaqbalka Shaqooyinka

  • October 1, 2024
  • Comment 0

Remote Jobs – Mustaqbalka Shaqooyinka

Remote job-ku waa hanaan cusub oo shaqaalayaasha u suuragalinaya inay shaqooyin gaar ah qabtaan, iyagoon ku khasbanaanin in ay imaadaan goobtii shaqada, ama xafiiskii shaqada.

Remote job-ku ayaa noqday hanaan cusub oo shaqo, oo si weyn ugu soo kordhay adduunka, gaar ahaan kadib faafitaanka cudurka COVID-19.

Wuxuuna shaqaalaha u suuragaliyay inay shaqeeyaan iyagoo jooga meel kasta oo adduunka ka mid ah.

Remote jobs-yadu waxay leeyihiin faa’iidooyin aad u tiro badan.

Mid ka mid ah faa’idooyinka uu leeyahay waxaa ka mid ah in shaqaalaha uu siinayo dabacsanaan aad u weyn, taas oo u ogolaaneysa inay isku dheelitiraan shaqadooda maalinlaha ah iyo nolol maalmeedkooda.

Sidoo kale faa’idooyinka uu leeyahay waxaa ka mid ah in shirkadihii ka dhimayo kharashyadii faraha badnaa ee ka bixi jiray, maadaama aanay ku khasbanayn in ay kiraysteen xafiisyo shaqo, iyo adeegyadii ka dhalanayay yeelashada xafiis shaqo, iwm.

Waxaan iyadana la illoobi karin, caqabadaha ugu waa weyn ee ay leeyihiin remote jobs-ku, oo ay ugu horreeyaan, nidaamka ama maamulka shaqo, bad-qabka xogta ganacsi ee la is-waydaarsanayo, is kaashi la’aanta ama is-kaashi xumida, maadaama ay hawl-wadeenadu kala joogaan goobooyin kala duwan.

Hasa yeeshee sida muuqata waa caqabado la xallin karo, qaarkoodna xalkooda gacanta lagu hayo, halka in badan oo ka mid ah la xalliyay.

Waxaa jira goobo badan oo fudaydinaya wada-shaqaynta fog, sida

  • Slack
  • Zoom
  • Microsoft Teams
  • Google Workspace (G Suite)
  • Dropbox
  • IWM


Remote jobs-yadu waxay kaalin weyn ka qaadan doonaan, isla mar ahaantaana qaabayn doonaan mustaqbalka shaqooyinka.

Iyagoo shaqaalayaasha siinaya fursado shaqo oo cusub, sidoo kalena ganacsatada ka dhimaya kharashaadyadii faraha badnaa ee uga bixi jiray kiraynta iyo maaraynta xafiisyada shaqada.

Gunaanad

Remote jobs-yadu waxay haatan u muuqataa in ay noqon doonaan hanaan shaqo oo waara, oo beddelaya qaabka ganacsiyo badan ay u shaqeeyaan.

Remote job-ku waxay shirkadaha u suurtogeliyaan inay shaqaaleeyaan xirfadlayaal leh khibrado kala duwan, iyada oo aan loo eegin goobtooda juqraafiyeed.

Tani waxay kordhisaa fursadaha shaqo ee ay helayaan xirfadayaasha hal-abuurka ah.

Barashada xirfad maahan mid aad u adag, waxaadna haatan awoodaa inaad si fudud ku barato ugu badnaan xirfad walba, adigoo qaadanaya koorsooyin online ah, ama ka qayb galaya tababarada la bixiyo.

Baro oo ku soo biir academy-deena, oo ka xulo mid ama qaar ka mid ah koorsooyinkeenan hoos ku xusan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×