Robots-yado ma noqon doonaan baddalka bini’aadamka

Robots-yado ma noqon doonaan baddalka bini'aadamka "Amazon"?
  • November 16, 2022
  • Comment 0

Robots-yado ma noqon doonaan baddalka bini’aadamka “Amazon”?

Robots-yado ma noqon doonaan baddalka bini'aadamka "Amazon"?

Mustaqbalka, Amazon waxaa laga yaabaa inay ku tiirsanaato robot-yo, ” Waxa aan qaban doono shanta sano ee soo socota waxa ay ka badnaan doonaan wixii aan qabanay tobankii sano ee la soo dhaafay” ayuu yiri Joe Quinlivan, madaxweyne ku xigeenka Amazon, mar uu shir jaraa’id qabtay.

Shirkadda Amazon oo uu aasaasay Jeff Bezos 28 sano ka hor, ayaa soo bandhigtay hal-abuurkeedii ugu dambeeyay, oo ah robots-yo huruud ah oo lagu magacaabo Sparrow, oo awood u leh inay wax daalacato, xulato, oo ay kala soocdo, sidoo kalena ay maarayso oo ay maamusho malaayiin badeecado oo leh qaabab iyo cabbiro u gaar ah. Si ka duwan robot-yadii ka horreeyay, kuwaas oo kaliya hagi karayay baakadaha ay alaabtu ku jirto, Sparrow waxay tafatiri kartaa alaabta iyada oo ay ugu wacan tahay tuubooyinkeeda cylindrical ah.

Shirkaddu waxay sheegtay in Sparrow ay si hufan oo badbaado leh u fulin karto hawlgallada. “Sparrow waxay qaban doontaa hawlo soo noqnoqda, taas oo awood u siinaysa shaqaalaheenna inay wakhtigooda iyo tamartooda diiradda saaraan waxyaabo kale, iyagoo sidoo kale horumarinaya amniga.

“Tani waa inay u ogolaataa shaqaalaha inay joojiyaan qabashada hawlaha soo noqnoqda oo ay diiradda saaraan waxqabadyada muhiimka ah” ayuu yiri Ty Brady, Madaxa tignoolajiyada ee Amazon Robotics.

Saraakiisha Amazon ayaa xaqiijiyay in isticmaalka Robot-yada ee shirkadda ay horseeday abuurista in ka badan hal milyan oo shaqo sannadihii u dambeeyay, gaar ahaan dhinaca Injineerinka, iyo sidoo kale dayactirka, iyo sidoo kale shaqooyinka farsamoyaqaannada iyo hawl-wadeennada.

In kasta oo cilmi-baarayaasha ka socda Jaamacadda Berkeley ay ku xuseen daraasad qabsoomtay 2019, in tignoolajiyadu ay fududeysay shaqooyinka qaar ee bakhaarrada, waxay ku nuuxnuuxsadeen inay sidoo kale gacan ka geysan karto kordhinta hawlaha iyo xawliga shaqada iyadoo la qaadanayo habab cusub oo lagula socdo shaqaalaha.

Waxay tusaale u soo qaateen ciyaarta muuqaalada ee Amazon MissionRacer, kaas oo ay shaqaaluhu ku tartamayaan inay si degdeg ah u fuliyaan amarada macaamiisha. Sida laga soo xigtay isla ishaas, loo-shaqeeyayaashu waxay sidoo kale isticmaali karaan robots-yo si ay u yareeyaan heerka shahaadooyinka looga baahan yahay shaqada, si loo yareeyo tababarka iyo kharashyada qorista, taas oo keeni karta mushaar la’aan iyo shaqo la’aan.

Amazon Waa shaqo bixiyaha labaad ee ugu weyn Maraykanka marka laga reebo shirkadda Walmart, waxayna ilaa hadda ku guuleysatay inay ka hortagto shaqaalaha inay sameystaan ​​ururo, marka laga reebo hal bakhaar oo ku yaal New York.

Amazon waxa kale oo ay qorshaynaysaa in dhamaadka sanadka ay fuliso qorshaheeda ku aadan gaadiidka dornes-ka (Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn) ee qaada badeecadaha fudud, ee gayn doona labada magaalo ee California iyo Texas. Iyadoo ujeedku yahay dadaal lagu doonayo in lagu soo gaabiyo wakhtiga u dhexeeya macmiilka iibsanaya alaabta iyo helitaankiisa.

Sparrow waxa ay hadda ka hawl-gashaa hal bakhaar oo ku yaalla Texas si loogu tijaabiyo, balse shirkaddu waxa ay qorshaynaysaa in ay dalka oo dhan ay gaarsiiso isla sannadka soo socda.

Sparrow waxaa lagu qorsheeyay AI kaas oo ogaan kara faraqa u dhexeeya alaabada iyadoo lagu saleynayo qaabka iyo cabbirka. Waxay markaa isticmaali kartaa gacanteeda koob nuugid si ay u soo qaadato oo u kala soocdo alaabta iyada oo ku saleysan nooca badeecada ama halka loogu talagalay.

Amazon ayaa dib u riixday cabsida laga qabo in Sparrow uu qabto shaqooyinka dadka.

Shirkaddu waxay sheegtay in robot-ka loogu talagalay inuu la shaqeeyo shaqaalaha, ee aanuu ka soo horjeedin, si uu u qabto hawlaha soo noqnoqda.

Sii Daalaco: Canada Oo Qorsheyneysa Inay Soo Dhoofsatao Nus-Milyan Qof Oo Xirfadlayaal Ah Sanadka 2025-Ka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×