Saamilyada Amazon oo dalbaday iibsashada Bitcoin

  • December 15, 2024
  • Comment 0

.Maxaa dhici lahaa haddii ah Amazon gadato Bitcoin?, iyada oo Bitcoin ay sannadkan kacday 125%, qaar saamilayda ka mid ah ayaa ku doodaya inay tahay xilligii ugu wanaagsanaa ee la maalgashan lahaa Bitcoin.

Amazon oo ah mid ka mid ah shirkadaha ugu saamaynta badan caalamka ayaa la tacaalaysa cadaadis uga imanaya dhinaca maalgashadayaasha saamiga ku leh shirkadda, iyaga oo dalbaday in hantidooda ay Bitcoin ku soo daraan.

Saamilayda ayaa ku cadaadinaya Amazon inay ugu yaraan hantida ay haysato ku kaydiso Bitcoin haba ahaato in yar sida 5%.

Cadaadiska waxaa sababay kor u kaca lagu arkay shirkadaha MicroStrategy iyo Tesla, iyaga oo Bitcoin ka dhigtay mid ay isaga difaacayaan sicir bararka isla markaana ay faa’idada kasoo galaysa muddada dheer eegaya.

Bitcoin way dhaqaaq badan tahay oo khasaare laxaad leh ayaa kaa soo gaadhi kara, balse saamilaydani waxay ku doodayaan shirkad sida Amazon u weyn wax u dhimi mayso isla markaana Bitcoin way ka faa’ido fiicnaan doontaa bonds-ka oo ah lacagta dawladda la daymiyo.

Haddii la is barbardhigo, MicroStrategy oo Bitcoin si aad ah u maalgashatay ayaa xilliyadii u dambeeyay qiimaha saamigeedu kor u kacay 450%, iyada oo Amazon oo ah 51% ka kor u kac fiicnayd.

Saamilayda ayaa leh $585 billion oo hanti ah oo $88 billion ka mid ah lacag ahaan ama dayn dawladda la daymiyay oo faa’ido badan lahayn ay tahay, Amazon waa inay ku laabataa habka ay wax u maalgashanayso.

Amazon kali ah ma ahine dhammaan shirkadaha waaweyn ee ay Microsoft ka mid tahay ee aan maalgashan Bitcoin waxay waajahayaan cadaadis kaga imanaya dhinaca saamilaydooda.

Bitcoin waxay baddeli kartaa maareynta hantida shirkadaha

Haddi shirkadaha sida Amazon iyo Microsoft ay Bitcoin ku soo daraan kaydkooda, waxay keensan kartaa in si heer caalami ah dib loogu laabto habkii loo maareyn lahaa hantida shirkadaha.

Caadi ahaan shirkaduhu waxay kaydsan jireen lacagta kaashka ah, deymaha iyo saamiyada oo ah kuwo dhammaan qatar badan lahayn isla markaana faa’ido yar laga fili karo ayay kaga bixi jireen xilliyada kala guurka.

Balse Bitcoin oo ah hanti ili-ma-qabatay ah isla markaana tirada suuqa taalla jaan go’an tahay, waxay u muuqataa inay tahay waxaan caadi ahayn, balse marka loo eego kor u kaca ay samaynayso waa wax in la daraaseeyo u baahan.

Markii la ansixiyay Spot Bitcoin ETF-kii ugu horreeyay bishii January ee sannadkaan ayaa Bitcoin u ahayd guul weyn, waxayna ka dhigtay Bitcoin mid shirkadaha waaweyn ay raadsadaan.

December 9keedii dhammaan Spot Bitcoin ETF-yadu waxay haysteen $115 billion Bitcoin u dhiganta, taas oo ka dhigaysa ETFyada ugu koboca badan taariikhda aadamaha.

Waxa kasii yaabka badan waa rabitaanka joogtada ah ee Bitcoin loo qabo, laga bilaabo November 29keedii, Spot Bitcoin ETF-yadu waxay diwaangaliyeen iibsashada Bitcoin oo keli ah taas oo $3 billion iu soo dartay maalmo gudahood.

Shirkado sida Amazon iyo Microsoft ah, inay Bitcoin ku darsadaan kaydkooda waxay hagaajinaysaa maaraynta hantidooda siyaabo badan, xitaa haddii ay in yar oo 5% ah ku maalgashadaan waxay keenaysaa is-baddal weyn haddii Bitcoin ay mustaqbalka dhaafto Dahabka.

Waxaa dheer, inay shirkadahan Bitcoin haystaan waxay la jaanqaadsiinaysaa aduunkan horumaraya iyo jilbo-culusta sida BlackRock oo kale ah oo soo galay suuqan Bitcoin.

Our Courses
  • Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
  • Forex Trading A-Z Af-soomaali
  • Website Design WordPress.
  • Dropshipping Mastery Course
  • Somali alibaba Online Course
  • Ultimate react JS course
  • HTML and CSS beginner to advanced Course
  • Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
  • Facebook Ads (Digital Marketing).
  • Somali Alibaba Online Course.
  • Git and Github Course
  • Modern Javascript master Course
  • Graphic Design Course.
  • Basic Computer and Office  Mastery.
  • Premiere Pro (Video Editing).
  • Blogging & Monetisation(WordPress).
  • E-commerce Course.
  • Tailwind CSS modern Course.
Our Services
  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing   

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×