Sababta Uu Website-ku Lama Huraan U Yahay
Mid ka mid ah sababaha ugu muhiimsan ee website-ku u yahay wax muhiim ah, ayaa ah in uu kuu oggolaanayo inaad gaarto macaamiil cusub, oo ka baxsan deegaankaaga.
Waagii hore, internetka ka hor, suuragal ma aysan ahayn, amaba waa ay adkayd in la helo macmiil ka baxsan xeen-daabka garashadaada.
Hasa yeeshee, soo if-baxa internetka ka dib, gaar ahaan yeelashada website, waxaa suurtagal noqotay in xeen-daabkaa laga tillaabsado gabi-ahaantii.
Internet-ku waa goob aan xadidnayn, waxaana jira dad badan oo internet-ka ka raadsada badeecooyinka ama adeegyada ay u baahan yihiin, yeelashada website-kuna wuxuu fursad kuu siinayaa in aad ka muuqato goobahaas, hadiise aadan lahayn nasiib xumo, waad waayaysaa dadkaas.
Ka ganacsi ahaan, wakhti xaadirkan waa lama huraan inuu ganacsi kastaa yeesho website dhamasytiran, kaasooy u dhamasytiran yihiin dhamaan baahiyihii uu u baahnaan lahaa macmiilka, ama dadyawga la bartilmaameedsanayo, sida xogaha, warbixinada, adeegyada, su’aalaha soo noq-noqdda, iwm.
Sidoo kalena, haka reebin iskood u shaqaysatada, oo uu website-ku iyaguna u noqonayo CV elegtaroonig ah, oo ay ku soo bandhigi karaan wax-qabadyada ay fuliyeen, kuwa haatan ay gacanta ku hayaan, iyo kuwooda gaarka ahba, sidoo kalena ay ku soo bandhigi karaan goobaha lagala soo xidhiidhi lahaa, si cidii wax uga baahata si fudud ula xidhiidho.
Daraasad la sameeyay 2021-kii, laguna sameeyay in ka badan 1,200 oo ganacsate ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba 23% ganacsiyada yar yar aysan lahayn wax website ah, taasoo ka dhigan in 4-tii ganacsiba uusan 1 ka mid ah lahayn wax wabsite ah.
Ganacsato iyo iskood u shaqaystayaal badan ayaa laga yaabaa inay u maleynayaan in ganacsigooda ama mashruucooda uu kaliya ku filan yahay haysashada akoonnada baraha bulshada sida Facebook, TikTok, Instagram, Twitter, IWM, hasa yeeshee waxay moogan yihiin wax badan.
Yeelashada website waa u muhiim mashaariicda aan ujeedkooda lacag ahayn iyo kuwa uu yahayba, maxaa yeelay “haatan” badanaa dadku waxay si maalinle ah ugu dhex nool yihiin internet-ka dhexdeeda, taasoo mudan in aad adiguna kula dhex noolaato, hadaa tahay ganacsade ama iskii u shaqayste, amaba fariinsside.
Hadii aad ku sii socoto “Iska idha-tirka muhiimadda uu leeyahy website-ku“ waxaad luminaysaa fursado aad iyo aad u tiro badan, oo laga yaabo hadii aad ka faa’idaysan lahayd, aad isu mahadin lahayd, maadaamaad qaadatay go’aan ah inaad yeelato website, isla mar ahaantaana aad yeelatay.
Website-ku waa aalad muhiim ah oo lagu gaaro guulo iyo horumarino joogto ah, kaliyana kuma koobna in badeecadda ama adeegyada shirkadda lagu soo badhigo, ee sidoo kale wuxuu dhisaa sumcadda shirkadda, sidoo kale xidhiidhada macaamiisha iyo shirkadda ayuu xoojiyaa.
Haddii aad tahay iskii-u-shaqayste ama ganacsade waxaa muhiim ah inaad yeelato, ama uu ganacsigaagu yeesho website awood u leh inuu ka qayb qaato guushaada iyo kobcinta mustaqbalkaaga.
Hadii aad rabto inaad yeelato website, ama aad rabto inaad ganacsigaaga u yeesho, la xidhiidh shirkadeen ah “NaqshadPrime“, oo ah shirkad dhista website-yada, adigoo gujinaya link-gan., ama gujinaya badhanada hoosta kaaga muuqda.