Shaqooyinka Ugu Badan Ee Halista Ku Jira Inay Baaba’aan
Tignoolajiyada ayaa si xawli ah u beddeleysa habka ay dunidu u shaqeyso, taasoo keentay walaac ku aadan shaqooyinka qaarkood, oo u muuqata amaba qaarkood lumiyay qiimahoodii.
Tignoolojiyada sida garaadka samayska ah (AI), robot-yada, iyo farsamooyinka automation-ka ah ayaa haatan qaarkood qabta shaqooyin ay horay u qaban jireen aadanaha.
Suurtogalnimada Shaqooyinka Qaarkood Inay Baaba’aan
Shaqooyinka halista ugu jira inay baaba’aan way tiro badan yihiin, waxayna intooda badani la xidhiidhaan shaqooyinka soo noq-noqda ee aan dadaal maskaxeed u baahnayn, waxaana ka mid ah:
- Shaqaalaha wax-soo-saarka warshadaha: Robot-yada qaar ayaa haatan si fudud u buuxin kara, una qaban kara shaqooyinkii ay qaban jireen qaar ka mid ah shaqaalayaasha ka shaqeeya wax-soo-saarka warshadaha, sida qaadista, iyo geynta, amaba si guud isku socodka raridda badeecooyinka warshadda gudaheed.
- Shaqaalaha adeegga macaamiisha (Customer service): AI-da sida Chatbots-yada ayaa haatan awooda inay daboolaya oo ay ka jawaabaan ugu badnaan su’aalaha macaamiisha, taasoo yareyneysa baahidii badanayd ee loo qabay shaqaalaysaashan.
- Darawaliinta: Gawaarida iswada ee loo yaqaan “self-driving cars” ayaa hoos u dhigaya baahidii loogu qabay shaqaalayaasha darawaliin ah, iyadoo haatan ay jiraan wadamo adeegsada gawaarida iskood-isku-wada, oo ay ka mid yihiin shiinaha, imaaraadka carabta, maraykanka,iyo waddo ka tirsan qaaradda yurub.
Sababaha Shaqooyinkan Ay U Baaba’ayaan
- Horumarinta Tiknoolajiyada Awgeed: Xawaaraha ay tiknoolajiyada casriga ah ku socoto waa mid qayru macquul ah, taasoo wax tignoolajiyad ku dhisan (sida software-rada, iyo mishiinada) ka dhigaysa inay qabtaan shaqooyin ay qaban jireen shaqaalayaal.
- Dhimista Kharashyada Awgeeed: Ganacsiyada badankood waxay door bidaan inay adeegsadaan farsamooyin iyo xeelado hoos u dhigaya kharashaadka ay bixiyaan, iyagoo mushaharkii shaqaalayaasha ku bedelanaya robot-yo ama software-ro qaban kara isla shaqooyinkii ay qaban jireen, hasa yeeshee ka mushahar yar.
Gabagabadii
Inkastoo ay jiraan cabsi ku saabsan baabi’idda shaqooyinka qaar, hasa yeeshee waxaa dhanka kale jira fursado shaqo oo cusub, oo ka dhalanaysa tignoolajiyadda.
Wakhti xaadirkan, waa muhiim in qof walba uu isdiyaariyo, diin ahaan, aqoon ahaan, iyo xirfad ahaanba, si uu ula jaanqaado dunidan, gaar ahaan suuqa shaqada.
Xirafadaha cusub ee tignoolajiyadda ku salaysan ayaa noqon doona kuwa ugu qiimaha badan, dhanka suuqa shaqada.
Baro oo ku soo biir academy-deena, oo ka xulo mid ama qaar ka mid ah koorsooyinkeenan hoos ku xusan.