Sidee ayay Bitcoin ku badbaadi kartaa?

BITCOIN
  • February 28, 2025
  • Comment 0

Sida aan u jeedno toddobaaddadan dambe waxaa Bitcoin ku socday hoos u dhac xooggan haba u darnaato kan u dambeeyay oo ay ka hoos martay $80,000.

Kyle chasse oo ah aasaasaha shirkadda Master Ventures ayaa tidhi ” Bitcoin waxay u baahan tahay dad aamminsan ee uma baahna shirkado waaweyn oo haddii hoos ay u dhacdo iska iibinaya oo aan dan ka lahayn Bitcoin, iyaga oo rajaynaya macaash aan khasaare loo filayn“.

Qiimaha Bitcoin hoos ayuu u socon doonaa ilaa laga helayo dad Bitcoin aaminsan halka hadda ay suuqa qabsadeen dad ganacsi waqti gaaban ah ugu jira Bitcoin oo isla marka ay hoos u dhacdaba suuqa ka baxaya, fikirkan waxaa qaba qof ka ganacsada crypto.

Shirkadaha maalgashi ee waaweyn waxa ay Bitcoin ugu jireen ganacsi aynan khasaare badan ugu talo galin

” In bilo ah, shirkadaha maalgashi waxay Bitcoin ugu jireen ganacsi waqti gaaban ah oo aynan khasaare badan ugu talo galin, maadaama suuqu kor u socday, iyaga oo adeegsanaya BTC spot ETF-yada iyo CME futures-ka ” chasse ayaa yidhi.

Waxa kale oo uu yidhi Bitcoin hoos ayay u socon ilaa ay ka khasaarayaan shirkadahan oo la liquidate-gareeyo kadibna ay isku soo hadhaan dadka suuqan aamminsan.

Bitcoin waxay u baahan tahay ganacsato xaqiiqi ah ee uma baahna shirkado faa’idada kala baxaya mar kasta” ayuu yidhi.

Shirkadaha waaweyn dan kama leh Bitcoin” ayuu ku daray.

Micheal Saylor oo aan in badan uga hadalnay maqaalladeenna oo ah nin aad u taageero Bitcoin ayaa bartiisa X soo dhigay hadal u dhigan ” iibi kallidaada haddii xaalku kugu adkaado, balse Bitcoin ha iska iibin”.

Cryptocurrencies, Markets
                                                                         Xigasho:- Michael Saylor

Qiimaha Bitcoin ayaa ka hoos maray $80k markii koowaad laga bilaabo November 10keedii sannadkii tagay ee 2024, iyada oo heerkaas jabisay xilligii dib loo doortay Trump.

Bitcoin ayaa ka hoos martay $80k, kadib 3 bilood.

Taxliiliye ka Shaqeeya shirkadda Swyftx ee Pav Hundal ayaa u sheegay Cointelegraph iyada oo Bitcoin ay hoos u socoto, intii ugu badnayd ee dad aan aamminsanayn Bitcoin ahaa in suuqa laga saaray.

Waxa uu maluhu u badan yahay in Bitcoin ay hoos u sii socon doonto, balse waxa ay u eegtahay in khasaarihii u badnaa uu dhacayHundal ayaa ku daray hadalkiisa.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xogta sicir bararka ee February 28keeda soo baxaysa ay suuqa hagaajin doonto, haddii ay noqoto mid ka yar heerkii la filanayo.

Hadda ka ganacsiga Bitcoin waa uu dhintay, lacagaha ayay la baxayaan iyaga uu suuqa kaga baxaya khasaare” chasse ayaa yidhi.

Laga bilaabo xilligii Bitcoin ay hoos uga dhacday $90,000 February 25keedii, taxliiliyeyaal badan waxa ay canaanteen dhaqaalaha Maraykanka iyo cashuuraha uu Trump ku soo rogay dalalka dariskiisa ah, iyaga oo ku tilmaamaya mid burburiyay dhaqaalaha Bitcoin iyo guud ahaan suuqa crypto.

Our Courses

  • Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
  • Forex Trading A-Z Af-soomaali
  • Website Design WordPress.
  • Cisco Certified Network Associate (CCNA 200-301)
  • Dropshipping Mastery Course
  • Somali alibaba Online Course
  • MongoDB No-SQL Database
  • Ultimate react JS course
  • HTML and CSS beginner to advanced Course
  • Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
  • Facebook Ads (Digital Marketing).
  • Somali Alibaba Online Course.
  • Git and Github Course
  • Modern Javascript master Course
  • Graphic Design Course.
  • Basic Computer and Office  Mastery.
  • Premiere Pro (Video Editing).
  • Python for beginners
  • Blogging & Monetisation(WordPress).
  • E-commerce Course.
  • Tailwind CSS modern Course.
Our Services
  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×