Suuqa crypto iyo 2025!

  • January 1, 2025
  • Comment 0

Assalamu calaykum wa raxmatullahi wa barakatuh, dhammaan akhristayaasheenna waxaan u rajaynayaa sannad wacan oo barwaaqaysan insha’Allah inoo ahaada sannad aan ka midha dhalinno yoolalkeenna.

Maanta waxaan maqaalkan dheer kaga hadli doonna suuqa crypto iyo waxyaabaha la filanayo inay ka dhici karaan sannadkan cusub ee 2025ka.

Hordhac

Suuqa crypto sannadkan 2025, waxaa loo filayaa inuu samayn doono koboc xoog leh, taasi oo ay keeni doonto la qabsiga ay la qabsadeen shirkadaha waaweyn suuqan crypto, shuruucdii cadaadiska ku hayay suuqa oo laga dhimay iyo sidoo kale horumarka ay samaysay teknooloojiyadda caalamku ayaa u noqon doona shidaalka suuqan cirka marin doona.

Bitcoin ayaa waxaa loo filayaa inay gaadhi doonto $250,000 ugu yaraan marka loo eego hab-dhaqankii ay lahaan jirtay Halving-ka kadib iyo sidoo kale maalgashiga ay ku samaynayaan shirkadaha waaweyn ayaa saamayn soona.

Suuqa crypto ayaa isna la saadaalinayaa inuu MarketCap-kiisu gaadhi doono $3.4 trillion iyada oo Altcoins-ku ay koboca ka qayb qaadan doonaan.

Balse qatartii suuqa ee ahayd isbaddalka degdegga ah ee qiimaha iyo dhaqaalaha caalamka waa sidii uun, waana waxyaabaha cid kasta oo suuqan inay gasho rabta looga baahan yahay inay xisaabta ku darsato.
Sannadkan 2025, waxaa uu noqon doonaa figta u sarraysa ee koboca crypto muddadii ay soo jirtay iyada oo ku socon doonta dhaqaaqii 2024 oo ahaa sannad taariikhi ah oo crypto ay guulo badan xaqiijisay.

Sidoo kale waxaa suuqa kor u kaciisa ka qaadan doona xeerarka iyo shuruucda oo laga fududeeyay sida in la hirgaliyay ETF-yada Bitcoin iyo Ethereum, dawladaha oo qorshaynaya inay kayd-ka hantida adag ku daraan Bitcoin, shirkadaha waaweyn ee Bitcoin maalgashanaya, teknooloojiyadda oo horumartay sida AI agents la hirgaliyay iyo real world tokenisation la sameeyay.

Dhammaan waxyaabahaasi waxay la dhigi doonaan crypto mid ku faafta qaybo badan oo ka mid ah dhaqaalaha caalamka, inaad fahantaana waxay kaa caawin doonta sidii aad dhinacaaga uga raaci lahayd geeddi socodka suuqan isla markaana aad hanti uga samayn lahayd.

Waxyaabaha crypto kor u qaadaya

1. Bitcoin halving

2024 waxaa dhacay Bitcoin halving kaas oo dabadii ay Bitcoin samaysay kor u kac gaadhaya 146%, in kala badh la yareeyo faa’idada ay miners-ku helayaan waxaa si togan uga falceliyay shirkadihii waaweynaa iyo shaqsiyaadkiiba, maadaama ay filayaan yaraanshaha ku yimid Bitcoin-ta suuqa taalla inay kor u qaadi doonto qiimaha Bitcoin.

                                                        Kor u kaca ay sababeen halving-nadii hore.

Halving-kii 2024 waxa uu raaci doonaa uun hayyaan soo jireen ahaa oo 2016kii Halving-ka kadib Bitcoin waxay ka kacday $600 ilaa $20,000 ayay gaadhay isla sannadkaas dhexdiisa, sidoo kale 2020kii Halving-kii dhacay Bitcoin waxay ka kacday $8,000 waxayna gaadhay $69,000 sannadkii ku xigay ee 2021.

Bitcoin isla waddadaas ayay haysaa waxaana la filayaa in geeddi socodkan ay raadraacdo.

2. ETF-yada Bitcoin iyo Ethereum oo la ansixiyay

Haayadda SEC ayaa samaysay tallaabo taariikhi ah sannadkii 2024ka maadaama ay ansixisay ETF-yada Bitcoin iyo Ethereum.

In la ansixiyaa waxay noqotay hadaf taariikhi ah oo crypto looga dhigayo mid sharciyaysan oo la maalgashan karo, taasi oo u fududaysay shaqsiyaadka xiisaynaya Bitcoin iyo Ethereum inay maalgashan karaan oo hanti-dhowr iyo ammaan ay heli doonaan isla markaana waxoogu yahay mid sharciyaysan oo buuq ku furnayn.

                 Qulqulka hantida soo gashay Spot Bitcoin ETF-yada aasaaskooda ilaa hadda  xigasho:- The block

La qabsiga shirkadaha waaweyn

Kadib markii ETF-yada la ansixiyay waxaa durtaba ku xigay maalgashiga shirkadaha waaweyn ee Bitcoin sida BlackRock, Grayscale, Fidelity iyo ARK, iyada oo 21shares-koodu uu kor u qaaday kaydkooda Bitcoin.

BlackRock iShares Bitcoin Trust ETF ayaa waxay maalgashadayaashoodu haystaan 71,000 BTC, sidoo kale Grayscale iyo Fidelity ayaa iyana maalgashadayaashoodu haystaan 44,000 BTC midkiiba, sidoo kale ARK ayaa maalgashadayaashoodu haystaan 32.8% Bitcoin-ta ay ARK haysato.

In sidaa degdegga ah loogu soo kala badiyo Bitcoin ayaa xaaladda suuqa dejisay qiimahana kor u qaadday.

ETF-yo kale oo codsi ku jira.

Iyada oo laga qiyaas qaadanayo ansixinta Bitcoin iyo Ethereum ETF-yadooda, 2025ka waxaa la filaya inay SEC ansixiso ETF-yo kale oo ilaa 10 ah oo codsi dhiibtay.

Solana(SOL) ETFs iyo XRP ETFs ayaa ka mid ah, in la ansixiyaana waxay kor u qaadaysaa soo jiidashada suuqa isla markaana maalgashi fara badan ayay keeni doonaan maadaama ay yihiin laba shirkadood oo suuqa crypto meel laxaad leh ugu fadhiya.

3. Saamaynta siyaasadda Trump

Guusha Trump ee doorashadii sannadkii tagay waxay miiska dhaqaalaha Maraykanka keentay xubno crypto u ah taageere weyn, sidoo kale Trump ayaa crypto ku sheegay middii uu ku dabooli lagaa daynta fara badan ee lagu leeyahay dawladdiisa.

Hadalladiisa iyo hadallada xubnahiisa uu doortay ee ay ku taageerayaan crypto ayaa soo jiidatay in maalgashadayaal badan ay suuqa soo galaan dad badanna ay daneeyaan.

Trump iyo soo bandhigidda kaydsiga Bitcoin

Mid ka mid ah waxyaabaha la taaban karo ee maamulka Trump uu ka baddeli doono Maraykanka waa kaydsiga Bitcoin.
Tani waxay Bitcoin ka dhigi doonta mid ku biirta kaydka hantida qaran ee Maraykanka loona maarayn doono sida loo maareeyo dahabka.

In Maraykanku Bitcoin kaydsado waxay kala duwaysaa hantida ay haystaan isla markaana waxay kaga hortagi karaan sicir bararka dhacaya.

Kaydsiga Bitcoin ee Maraykanka ayaa ka dhigi doona Bitcoin mid sharciyaysan oo la aammini karo isla markaana sugnaanshaheeda la isu hallayn karo.

Haddii la hirgaliyo qorshahaas Bitcoin waxay noqon doontaa mid saamayn xooggan ku leh dhaqaalaha adduunka isla markaana waxuu kor u qaadi doonaa qiimaha Bitcoin.

Muhiimadda maqaalkan akhriste waa inaad ka faa’idaysato waqtigaada aad internet-ka ku luminayso isla markaana aad ka shaqaysato online-ka.

Hoos waxaan kuugu taxayaa course-yo jaban oo aad ku baran karto sidii online-ka looga shaqaysan lahaa isla markaana aad uga dhigan lahayd meel kale oo uu dakhli kaasoo galo.

Our Courses
  • Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
  • Forex Trading A-Z Af-soomaali
  • Website Design WordPress.
  • Dropshipping Mastery Course
  • Somali alibaba Online Course
  • MongoDB No-SQL Database
  • Ultimate react JS course
  • HTML and CSS beginner to advanced Course
  • Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
  • Facebook Ads (Digital Marketing).
  • Somali Alibaba Online Course.
  • Git and Github Course
  • Modern Javascript master Course
  • Graphic Design Course.
  • Basic Computer and Office  Mastery.
  • Premiere Pro (Video Editing).
  • Blogging & Monetisation(WordPress).
  • E-commerce Course.
  • Tailwind CSS modern Course.
Our Services
  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing  

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×