Talooyin Guud Oo Ku Saabsan Cryptocurrency-ga

  • August 2, 2024
  • Comment 0

Talooyin Guud Oo Ku Saabsan Cryptocurrency-ga

1. Baro Aasaaska Suuqan

Kahor intaadan maalgashan cryptocurrency, waa muhiim inaad si fiican u barato sida uu u shaqeeyo suuqan, sida ay u shaqayso teknoolojiyadda blockchain iyo noocyada kala duwan ee cryptocurrencies-ka.

2. La Soco Wararkii U Danbeeyay

Suuqa cryptocurrency-ga waa mid aad u isu bed-bedelaya, sidaa darteed waxaa lama huraan ah in la-la soco wararka iyo dhacdooyinka ugu danbeeyay, ee muhiimka ah ee saamayn kara qiimaha cryptocurrencies-ka ee aad maalgashanayso.

3. Kala Du’ Maalgashigaaga

Ha gelin dhammaan lacagtaada hal cryptocurrency oo kaliya, maxaa yeelay kala duwanaanta maalgashi, adigoo iibsanaya cryptocurrencies kala duwan waxay yareyn kartaa halista khasaaraha.

4. Adeegso Wallet Ammaan Ah

Waa muhiim inaad lacagahaaga ku kaydiso wallet ammaan ah, sidaa darteed hadii aad adeegsan karto waxa loo yaqaan “hardware wallets” way fiicnaan lahayd, sababtoo ah waxay bixiyaan amni dheeraad ah marka loo bar-bardhigo wallet-yada online-ka ah.

5. Maalgasho Lacag Aad Ka Maarmi Karto

Maalgasho lacag aanad ka qoomamaynayn ama aad ka maarmi karto hadii aad khasaarto, maxaa yeelay suuqan cryptocurrency-ga waa mid aan badanaa la saadaalin karin, sidoo kalena ah mid aad isu rog-roga.

6. Yeelo Maalgashiga Fog

Haddii aad qorsheynayso inaad cryptocurrencies-kaaga kaydsato muddo dheer, ama aad qorshaynayso inaad samaysato maalgashi muddo dheer ah, ha isku dayin inaad ka faa’iideysato isbeddelada yaryar ee ku imanaya qiimaha suuqa, ee sug oo dulqaado si aad u hesho faa’iidooyinka waaweyn ee mustaqbalka.

7. Ka Qeyb Gal Tababarada Iyo Koorsooyinka Cusub

Ka qeyb gal koorsooyinka iyo tababarada ku saabsan cryptocurrency-ga si aad u kordhiso una xoojiso aqoontaada ku aadan cryptocurrency-ga. Waxaa jira ilo badan oo online ah oo kaa caawin kara inaad noqoto maalgaliye wanaagsan.

Mid ka mid ah ilahaas waa madasheena “Gelle Bashir Academy“,

Hagaag, hadii aad xiisaynaysid barashada cryptocurrency bilaw ilaa dhamaad, oo ay faham yari kaa haystato ama si guud aad tahay qof aan gabi ahaantiiba aqoon u lahayn, waxaynu kuu diyaarinay koorso kaa haqab tiraysa baahidaa ah aqoon yarida.

Koorsadani waxaynu ugu talagalnay qof kasta oo bilaw ku ah, ama dhexdhexaad ku ah lacagahan loo yaqaan “cryptocurrency”, isla mar ahaantaana doonaya inuu suuqan ku soo biiro, oo uu maalgashto, ama ugu yaraan uu faham buuxda ka qaato.

Koorsadani waxay kuu ballan qaadaysaa barashada iyo hormarinta aqoontaada maaliyadeed, gaar ahaan “cryptocurrency”, iyadoo dhisaysa xirfadahaaga iyo farsamooyinkaaga, isla mar ahaantaana ku baraysa wax kasta oo ku saabsan “cryptocurrency”, bilaw ilaa dhamaad.

Xooji oo dhis aqoontaada maaliyadeed, gaar ahaan lacagahan loo yaqaan “cryptocurrency”, oo ku soo biir koorsadeenan la magac baxday “crypto bilaw ilaa dhamaad, af:somali”.

Booqo website-keena ah “gellebashir.com”, oo halkaa iska diiwaan gali, ama nagala soo xidhiidh whatsapp numberkeenan ah +252-90-5582875, oo bilaw safarkaaga cusub ee ku aadan barashada cryptocurrency.

Our Services

  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing

Our Courses

  • Crypto Bilaw Ilaa Dhamaad Af:Somali Course
  • Ecommerce & Marketing Course
  • Graphic Design Course-Master Class
  • Video Editing in CapCut | Beginner to Pro | Desktop + Mobile Course
  • Basic Computer And Office Mastery
  • Blogging Google AdSense Course
  • Somali Alibaba Online Course

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×