Telegram Ma Xeerarka EU Ayay Jabisay, Maxaase Durov Loogu Xidhay Faransiiska.

  • August 30, 2024
  • Comment 0

France ayaa xidhay pavel durov oo ah milkiilaha iyo aasaasaha Telegram waxaana loosoo jeediyay eedaymo la xidhiidha app-kiisa Telegram inkasta oo EC (European commission) oo france ay ka mid tahay ay eedaymaha iska fogaysay.

EC waxay xaqiijisay in falka durov loogu haysto faransiiska uu waxba ka galin European digital service act(DSA) oo ah haayad xakamaysa muuqaallada xeerka ka baxsan, xayaysiimaha beenta ah iyo dadka soo bandhiga xogta aanan sal iyo raadka lahayn.

Haddaba haddii DSA ay waxba ka galin eedaymaha lagu haysto durov maxaa faransiiska loogu cunaqabateeyay?

Ma telegram ayaa u hagaansamin xeerarka EU(European union)-ka ? Qodobbadan hoose ayaan ku qaadaa dhigaynaa.

1- Telegram waa inuu u hogaansamaa xeerarka DSA inkasta oo horey uu ugu gudbiyay xogta 45milliom oo telegram adeegsada.

Kadib markii pavel durov lagu xidhay faransiiska Aug, 24keedii telegram waxuu soo saaray maqaal sheegaya in caqabadaha haysta ay tahay mis ay ka siman yihiin dhammaan platfrom-yada la isticmaalo oo ay iyaguna is hagaajin doonaan iyaga oo ku dadaalaya ilaalinta xogta shaqsiyadeed ee adeegsadayaasha telegram.

DSA( digital service act) ee yurub waa qaabdhismeed xakamaynaya apps-ka la adeegsado ee online-ka ah sida apps-ka suuqa ah, kuwa baraha bulshada ah, kuwa wax lagusoo gudbiyo iyo kuwa kale oo ay ka ilaaliso inay wax xeerka ka baxsan ay soo gudbiyaan ama xog marin habaabis ah ay dadka ku faafiyaan.

DSA waxaa la hirgaliyay 2022kii balse waxaa awoodda inay wax qasabto la siiyay feb 17,2024kii iyaga oo platform walba siinayaa afar bilood si uu xeerka u waafaqo hadii uu ka leexsanaa.

DSA waxay sheegtay in platform-yada ay diiradda saarayso ay yihiin kaliya kuwa leh 45million oo adeegsade iyo waxii ka badan oo intaas waxii ka yar waxay u daysay in xukuumaduhu ay iskood u xakameeyaan.

Sidoo kale EU (European union) ayaa si xidhiidh ah baadhitaan ugu haysay telegram inuu ku guuldarraystay soo gudbinta xog saxan oo sheegaysa inta qof ee adeegsada telegram.

2- Faransiiska ayaa ku ganaaxday durov lacag u dhiganta 10 sano oo xadhig ah

Xafiiska cunaqabataynta ee france ayaa ku xukumay durov lacag hordhac ah Aug, 28keedii iyaga oo ku eedeeyay aasaasaha telegram inuu sameeyay app fududaynaya wax kala iibsi xeerka baal marsan, waxayna si rasmi ah ugu xukumeen ganaax dhan $550,000.

Sida ay sheegeen xafiiska cunaqabataynta u qaabilsan ee faransiiska waxay baadhitaanka bilaabeen feb,2024 balse waydiimaha maxkamaddu waxa ay bilaameen july,8 2024 bil ka hor xidhitaankiisa paris lagu xidhay.

Tani waxay si taban u saamaynaysaa dhamaan tokens-ka ku dhisan telegram sida Notcoin, Dogs iyo Toncoin oo hoos u dhac xooggan ka muuqdo.

Our Services

  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing

Our Courses

  • Crypto Bilaw Ilaa Dhamaad Af:Somali Course
  • Ecommerce & Marketing Course
  • Graphic Design Course-Master Class
  • Video Editing in CapCut | Beginner to Pro | Desktop + Mobile Course
  • Basic Computer And Office MasteryBlogging Google AdSense CourseSomali Alibaba Online Course.

WhatsApp-keenna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×