Tignoolajiyadda iyo Mustaqbalka Shaqooyinka

  • September 12, 2024
  • Comment 0

Tignoolajiyadda iyo Mustaqbalka Shaqooyinka

Tignoolajiyaddu waa mid si joogto ah u horumareysa marba marka ka danbaysa, iyadoo saameyn xooggan ku yeelatay dhinacyo badan oo nolosheena ka mid ah.

Tikgoolajiyaddu waxay horseed u tahay isbeddel waa-weyn oo uu ka kaw yahay suuqa shaqada.

Inkastoo ay jiraan cabsi ku aaddan in ay tignoolajiyaddu meesha ka saari doonto, amaba se ay ka saartay shaqooyin badan, haddana waxaa jira faa’iidooyin badan oo ay tignoolajiyadda keentay.

Wax-soo-saarka shaqo ayaa kor u kacay, qaladaadkii badnaa ee shaqooyinka ka dhici jiray waa la dhimay, taas oo ka dhigeysa shaqooyinkii inay noqdaan kuwo fudud oo tayo leh.

Shirkado badan ayaa haatan adeegsanaya tignoolajiyadda si ay u yareeyaan kharashaadka, isla markaana ay u kordhiyaan wax-soo-saarka, taas oo faa’iido weyn u leh ganacsiyada.

Sidoo kale, xafiisyada iyo shirkadaha waa-weyn waxay adeegsanayaan software casri ah oo u sahlaya shaqaalaha inay wakhtigooda in ka mid ah badbaadiyaan, isla mar ahaantaana wax-soo-saarkoodu uu kordho.

Robot-yada, garaadka samayska ah (AI), iyo automation-ka, ayaa isbeddello weyn ku sameeyay shaqooyinkii aynu naqaanay.

Shaqooyin badan ayaa hoos u dhac ku yimid sababtuna waa tignoolajiyadda.

Automation-ka oo kaliya wuxuu si gaar ah u beddelay shaqooyin badan oo ay kaw ka yihiin warshadaha wax-soo-saarka, iyadoo haatan mishiinno casri ah ay qabtaan shaqooyin ay horay u qaban jireen shaqaale badan.

Tusaale ahaan, shirkadaha wax-soo-saarka waxay warshadahoodu bilaabeen inay ku tiirsanaadaan robot-yo iyo mashiino iskood u qabanaya shaqooyinkii loo diray, sida inay qaadaan xamuulo fud-fudud iyo xamuulo cul-culusba, taasoo meesha ka saartay muruq-maalayaashii ka shaqayn jiray shaqooyinka xamuulka.

Run ahaantii, mustaqbalka shaqooyinku waxay u egtahay inay hogaamin doonaan kaliya dadka leh xirfadaha casriga ah, ee qarnigan 21aad.

Taasoo ka dhigan in qof kasta oo doonaya inuu ku sii jiro suuqa shaqada uu ku khasban yahay inuu la qabsado isbeddellada cusub ee tignoolajiyadda, isla mar ahaantaana uu barto xirfadaha cusub.

Baro oo ku soo biir academy-deena, oo ka xulo mid ama qaar ka mid ah koorsooyinkeenan hoos ku xusan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×