Hadal uu xalay madaxweynaha Maraykanka ee Trump uu soo dhigay bartiisa X ayaa gilgilay guud ahaan suuqa crypto, haba ugu saamayn weynaado XRP, SOL iyo ADA e’.
Waxaa kor u kac fiican sameeyay saddex Coin oo kala ah XRP, SOL iyo ADA inkasta oo uu ka daba keenay maqaal kale oo uu ku xusay Bitcoin iyo Ether.
Waxaan ogeyn in kooxda Ripple ay caleemasaarka Trump aad uga qayb qaateen oo maaliyad dhan $5million oo XRP ahaan ah, taas oo la odhan karo waa sababta uu coinanka uu xusay ugu horreysiiyay XRP.
Maadaama saddexdan coin ay falcelin xooggan sameeyeen wax yar kadib hadalka Trump, ma dhaci kartaa in coinanka kale ee ay isu yihiin altcoins-ka ay iyaguna kor u kacaan?.
Bitcoin, ayaa sidoo kale yeelatay iibsi xooggan kadib markii axaddii shalay uu Trump ku xusay iyada iyo Ether, XRP, ADA iyo SOL inay ka mid noqon doonaan kayd-ka crypto ee ay yeelan doonto dawladda Maraykanku.
Hadalkan waxaa uu kor u qaaday dhammaan qiimaha coinanka uu doortay madaxweynuhu.
Marka laga yimaaddo kaydsiga Maraykanka ee crypto, waxaa kale oo calaamad u noqon karta kor u kaca Bitcoin in shirkadda BlackRock ay ETF-keeda Bitcoin ee iShares Bitcoin ETF Trust (IBIT) ku dartay qaybta ay ku kaydiso hantida ka badan $150 billion sida uu sheegay wargayska Bloomberg.
Suuqa crypto iyo xogtiisa maalinlaha ah xigasho:- coin360
Dhanka kale, dadka qaar ayaa filaya in hoos u dhaca Bitcoin uu sii socon doono oo ilaa aagga $70k ay ku soo laaban doonto.
Taxliilinta qiimaha Bitcoin
Bitcoin waxa ay samaysay hoos u dhac weyn, balse hadalkan Trump iyo sababaha aan kor ku soo sheegnay darteed waxa ay soo jabisay laba resistance oo suuqa hoos u celinayay taasi oo noqon karta ama la dhihi karo waa caddayn sheegaysa in suuqu kor u socon doono.
Taxliilinta BTCUSDT Xigasho:- Tradingview
Waxaa sidoo kale inoo muuqata in candle-kii toddobaadlaha(Weekly) ahaa uu ku xidhmay meel ka sarraysa $91k oo ahayd resistance, haddaba waxaa si aad ah loo filan karaa in hal mar uu dib ugu soo laabto qiimuhu $91k oo uu support ka dhigto kadib kor u kac kale uu bilowdo.
Suuqa crypto marnaba caajis ma leh inta uu Trump joogo maalinba marxalad ayaa ku waajihi doonta waa inaad la qabatintaa futsadahana ka faa’idaysataa.
Our Courses
- Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
- Forex Trading A-Z Af-soomaali
- Website Design WordPress.
- Cisco Certified Network Associate (CCNA 200-301)
- Dropshipping Mastery Course
- Somali alibaba Online Course
- MongoDB No-SQL Database
- Ultimate react JS course
- HTML and CSS beginner to advanced Course
- Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
- Facebook Ads (Digital Marketing).
- Somali Alibaba Online Course.
- Git and Github Course
- Modern Javascript master Course
- Graphic Design Course.
- Basic Computer and Office Mastery.
- Premiere Pro (Video Editing).
- Python for beginners
- Blogging & Monetisation(WordPress).
- E-commerce Course.
- Tailwind CSS modern Course.
Our Services
- Website Design
- Business Consulting
- Digital Marketing