CPI ama consumer price index waa hab lagu cabbiro sicir bararka iyada oo la is barbardhigayo isbeddelka ku yimaada qiimaha salladda alaabta ah ee ay dadku adeegtaan maalin walba.
Alaabta la xisaabinayo ayaa ahaanaysa midda dadku ay jeebkooda ka adeegtaan isla markaana si maalinle ah loogu baahan yahay ee lagu dari maayo alaabaha sharaf ama faan ahaan loo iibsado.
Waxyaabaha la xisaabinayo waxaa ka mid ah cunnada Iyo cabbiraanka, guryeynta, caafimaadka, wxbarashada, is-gaadhsiinta, gaadiidka iyo adeegsiga tamarta.
CPI-gu waxa uu soo bandhigaa saamaynta ay leedahay qaraarrada ay horey uga qaadatay dawladdu dhinaca dhaqaalaha isla markaana waxa uu saameeyaa qaraarrada ay mustaqbalka qaadan doonaan.
CPI-gu waxa uu badanaa tusaa xogta dadka magaalooyinka deggan isaga oo aan tilmaameyn reer miyiga iya xogta goobaha qaar.
Waa maxay faa’idada CPI-gu?
The Bureau of Labour Statistics(BLS) oo ah xafiiska xogta shaqaalaysiinta ee Maraykanka ayaa ku qeexay CPI-ga inuu yahay midka ugu weyn ee loo adeegsado cabbirtaanka sicir bararka.
ganacsiyo badan ayaa xogtan CPI-ga u adeegsada si ay u saadaaliyaan hawlaha ay qabanayaan lacagta ku baxaysa, halka maalgashadayaashu uga qiyaas qaataan macaashka ay ka heli doonaan maalgashigooda.
Sidoo kale waxa ay dawladda ka saaciddaa maaraynta dhaqaalaha dalka, xogtan CPI-gu run ahaantii cid walba waa ay saamaysaa haba u saameyso siyaabo kala duwan e’.
Sidee loo ururshaa xogta CPI-ga?
Maraykanka ahaan waxaa xogtan laga ururshaa 75 magaalo, 23,000 oo ganacsi yaryar ah, qiimaha kirada ama guryeyntana waxaa laga soo ururshaa 50,000 guri oo kireysan.
Waxaana xogtan loo soo saara si bille ah.
Xogtan CPI-ga waxaa markii ugu horreysay ay soo baxday 1913kii taas oo ka dhigaysa xilligii ugu horreysay ee xogtan loo adeegsado mid sicir bararka lagu cabbiro.
Sidee ayuu u saameeya dadka ?
Haddii xogta CPI-gu kor u kacdo waxay tilmaamaysa kor u kac ku yimaadda sicir bararka, taas oo hoos u dhigaysa awoodda wax iibsigaaga.
Dhanka kale haddii uu hoos u dhaco CPI-gu waxay tilmaamaysa hoos u dhac ku iman doona sicir bararka taas oo kor u qaadaysa awooddaada wax iibsi, hoos u dhaca sicir bararka waxaa la moodaa in uu wax fiican yahay, balse haddii uu xadka dhaafo dhaqaalaha dalka ayuu dumin karaa.
” CPI-gu waa u muhiim qofka caadiga ah maadama ay tahay inuu is barabardhigo isbeddelka ku imanaya alaabaha uu u bahaan yahay iyo mushaharkiisa” Peter Westin ayaa yidhi isaga oo ah caawiyaha professor-ka Finance-ga jaamacadda DePaul, waana soo saaraha cilmi lagu magacaabo Stratonomics oo sheegaya ” haddii korodhka ku yimaadda sicir bararka uu ka sarreeyo korodhka ku yimaadda celceliska mushaharrada, haddaba qiimaha mushaharrada hoos u dhac ayay ku jiraan.”
Halkaas waxaa ka muuqda in CPI-gu uu saameynayo dadka caadiga ah iyi awoodda lacagta jeebka ugu jirta.
Our Courses
- Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
- Forex Trading A-Z Af-soomaali
- Website Design WordPress.
- Dropshipping Mastery Course
- Somali alibaba Online Course
- MongoDB No-SQL Database
- Ultimate react JS course
- HTML and CSS beginner to advanced Course
- Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
- Facebook Ads (Digital Marketing).
- Somali Alibaba Online Course.
- Git and Github Course
- Modern Javascript master Course
- Graphic Design Course.
- Basic Computer and Office Mastery.
- Premiere Pro (Video Editing).
- Python for beginners
- Blogging & Monetisation(WordPress).
- E-commerce Course.
- Tailwind CSS modern Course.
Our Services
- Website Design
- Business Consulting
- Digital Marketing