Wax Ka Ogoow Cybersecurity Iyo Qaybihiisa
Tan iyo markii uu internet-ku noqday qayb muhiim ah oo ka mid ah nolol-maalmeedkeena sida, inaynu wax ka barano, wax ka iibsano, wax isku-dhaafsano, waxaa lama huraan noqotay sidii loo ilaalin lahaa xogahaas.
Marka laga hadlayo cybersecurity, waxaa qiimaynta halisyada suurtagalka ah ee iman karta, iyo noocyada weerarada ee la soo qaadi karo, ama lagu soo qaadi karo nidaamyada, iyo ka hortagiisa.
Cybersecurity waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan markii la joogo internet-ka iyo ilaalintiisa, iyadoo laga hortago xatooyooyinka iyo xadgudubyada dhijitaaleed ee dhacaya.
Waa Maxay Cybersecurity?
Cybersecurity, ama amniga internet-ka, waa ilaalinta xog kasta oo internet-ka ku jirta oo muhiim ah, oo aysan sida caadiga ah loo baahnayn in ay cid kaste ogaato, ama hesho.
Cybersecurity ayaa loola jeedaa in la yareeyo halista ku aadan in la soo weeraro, loona dhaco xog internet-ka ku jirta, taasoo xasaasi ah, aanna loo baahnayn in ay taalo meel public ah, sida xogaha milatari ee ay dawladi leedahay, ama xogaha macaamiil ee uu bank leeyahay.
Waxaa jira qaybo badan oo isku xiran oo ka shaqeeya ilaalinta amniga internet-ka, fahamka qaybahan kala duwanna waxay kaa caawinaysaa inaad si fudud oo habsami leh u ilaashato xogahaaga gaark ah, ha noqdaaan kuwa shirkadaada, ama ha noqdaan kuwo shakhsiyeed.
Sidoo kale fahamka qaybahan kala duwan ee cybersecurity iyo habka ay u wada shaqeeyaan ayaa ah wax muhiim ah, si loo helo nidaam amni dhameystiran, waxaana ka mid ah:
- Network Security
- Data Security
- Application Security
- System Security
- Cloud Security
- Endpoint Security
- Operational Security
Sababta Ay U Muhim Tahay Cybersecurity
Ilaalinta amniga internet-ka ayaa ah arin muhiim ah, oo muhiim ah, maxaa yeelay haddii aysan maanta jirin lahayn nidaamyo amni ah oo xooggan, sida aynu internet-ka u adeegsano umaynaan adeegsaneen.
Bank-yada ama shirkadaha kale ee maaliyadeed maanta badankooda internet-ka ayay adeegsadaan, xogohoodana waxay ku kaydiyaan internet-ka, mar hadii la jabsadana khasaaro weyn baa halkaa ka dhalan karta, iyagoo halkaa ku lumin kara lacago aad tiro badan.
Cybersecurity waa qeyb muhiim ah oo ka mid ah ilaalinta xogta iyo nidaamyada ku shaqeeya internet-ka.
Iyadooynu ognahay in ay tignoolajiyadu sii horumarayso, sidoo kale weerarada cyber-ka sii kordhayo, waxaa lama huraan noqotay in la barto hababka iyo xeeladaha looga hortagi karo weeraradaa, ama hadii ay dhacaan loo yarayn karo khasaaraha ka dhalan kara.
Sidaas darteed, cybersecurity waa aqoon ay barashadeedu lama huraan tahay wakhti xaadirkan, gaar ahaan ku tahay cid kasta oo doonaysa inay internet-ka ku dhex kaydiso xogo xasaasi ah.
Gunaanad
Hadii aad rabto inaad noqoto Cybersecurity, waxaa lama huraan ah inaad si joogto wax u barato, una tababarato, isuna hormariso, maxaa yeelay maalinba maalinta ka danbaysa waxaa soo if baxaysa hab cusub oo loo dhaco xogta.
Waana sababtaas sababta aad ugu khasban tahay inaad mar walba update ahaato, si aad ula socoto is-bedelada cusub ee dhacaya, gaar ahaan ka dhacaya internet-ka
Cisco Certified Network Associate (CCNA 200-301)
Gelle Bashir34 Lessons
$30
Development
Python For Beginners
Gelle Bashir28 Lessons
$30
WhatsApp-Keena