Xeeladda tuugnimo ee Ponzi scheme

  • October 14, 2024
  • Comment 0

Ponzi scheme waa xeelad tuugnimo oo ah in dadka iska diwaan galiya shirkadda la siiyo lacagta dadka iyaga gadaashood ku soo biiraya shirkadda, waana xeelad aad ugu soo badanayda gayiga soomaaliyeed.

Taariikhda ponzi scheme

Ponzi scheme waxaa loogu magac daray Charles Ponzi oo ahaa nin talyaaniga u dhashay maraykankana ku soo galay qaxooti ahaan waana ninkii ugu horreeyay ee xeeladdan dad ku dhacay.

1920kii ayuu Ponzi adeegsaday xeeladdan isaga oo u ballan qaadaya dadka maalgashaday lacagtooda inuu 50% oo faa’iido ah uu siin doono dhawr bilood gudahood.

Ponzi waxa uu siin jiray dadka hore 50% oo faa’iido ah isaga oo ka bixinaya lacagta dadka dib iska soo diwaan galiyay shirkadda, isla markaana kuwa ka dambeeya kuwa hadda cusub looga qaadi doono faa’idada kuwa ka sii dambeeya.

Ponzi fikraddiisa dadka suuq-geeya iyo kuwa ku shaqaystaba waxay u ballan qaadaan dadka in ay heli doonaan faa’ido aad u badan muddo yar gudaheed qofka oo aan bixin wax dadaal ama juhdi ah sidoo kale aan lacagtiisu galaynin khasaare.

Ponzi scheme shirkadaha ku dhisan waxay u baahan yihiin mar walba in lacag cusub ay soo gasho system-ka oo ay maalgashi helaan si ay ugu bixiyaan dadkii hore faa’idadooda, taasi hadday dhici waydo shirkaddaasi way dumaysaa maadaama ay dadkii hore la baxayaan lacag badan oo ah tii loo ballan qaaday, balse tuugtu waqtigaa lama sugaan dadka ee ka hor ayay system-ka damiyaan.

Ponzi waxa uu ka dhacay dadkii maalgashaday shirkaddiisa hanti dhan $15m($220m maanta ah u dhiganta),

Haddaba Ponzi halkee ayuu ku dambeeyay?

Charles Ponzi kadib markii lagu fahmay in xeeladdan uu dadka ku dhacayo waxa uu i cararay dhanka Brazil ka hor dagaalkii labaad ee adduunka, maraykanku markii dagaalka uu galay kadib waxa uu xidhiidhka u jaray dawladaha Brazil.

Ponzi waxa uu bartay af ingiriiska iyo af faransiiska waxa uuna noqday turjumaan,

Ponzi waxa uu dhintay January 19, 1949kii waxa uuna ku dhintay hospital loogu talo galay dadka tabaalaysan, isaga oo waxba haysan ayuu halligmay.

Dhacyadii ugu waynaa ee xeelddan lagu gaystay qarniga 20aad iyo 21aad.

2016–2018: Bitconnect’s cryptocurrency investment program ayaa dhacday hanti dhan $2.6 billion.

2012: Allen Stanford ayaa adeegsaday Ponzi scheme isaga oo sameeyay bank bug ah oo uu ku dhacay $7 billion.

2008: Tom Petters ayaa dhacay $3.65 billion ku dhacayna dadka shirkaddiisii Petters Co. Inc.

2008: Bernie Madoff, guddomiyahiu hore ee Nasdaq stock exchange ayaa ka dhacay maalgashadeyaasha hanti dhan $65 billion, taas oo ka dhigaysa dhacii ugu waynaa ee taariikhda lagu gaysto xeeladdan ponzi scheme.

Tilmaamaha lagu garto ponzi scheme.

  • In lagu dhaho faa’ido badan ayaad helaysaa adiga oo aan dadaal bixin.
  • In lagu dhaho lacagtaada waa damaanad qaadaynaa oo ku qasaari maysid faa’ido mooyee.
  • In lagugu dardargaliyo inaad dad kale ugu yeedho shirkadda si aad commission uga hesho wax walba oo ay qabanayaan.
  • In la garanayn cidda shirkadda iska leh.

Siyaabaha la iskaga ilaalin karo ponzi scheme

  • Inaad daraasayso wax walba oo aad maalgashanayso.
  • Inaad ku kalsoonaan cid walba oo faa’iido bilaa dadaal iyo tacab ah kuu sheegta.

Our Courses
  • Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
  •  Website Design WordPress.
  • Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
  • Facebook Ads (Digital Marketing).
  • Somali Alibaba Online Course.
  • Graphic Design Course.
  • Basic Computer and Office  Mastery.
  • Premiere Pro (Video Editing).
  • Blogging & Monetisation(WordPress).
  • E-commerce Course.
Our Services
  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×