7 Tillaabo Oo Kuu Ogolaanya Inaad Yeelato Xirfadda Qancinta

7 Tillaabo Oo Kuu Ogolaanya Inaad Yeelato Xirfadda Qancinta
  • January 25, 2023
  • Comment 0

7 Tillaabo Oo Kuu Ogolaanya Inaad Yeelato Xirfadda Qancinta

7 Tillaabo Oo Kuu Ogolaanya Inaad Yeelato Xirfadda Qancinta

Khubaradu waxa ay Xirfadda Qancinta u kala saaraan fanka iyo cilmiga uu qofku si cajiib ah u soo bandhigo mawduucyo uu uga gol leeyahay in uu dadka saamayn ku yeesho oo uu ku riixo in uu go’aan ama hab-dhaqan gaar ah qaato.

Xirfadda qancinta waxa loo arkaa mid ka mid ah xirfadaha isgaadhsiineed ee ugu muhiimsan ee ay tahay in la barto si aan hawsheenna ugu gudanno si xirfadaysan. waxaannu hoos ku iftiimin doonaa -eebe idamkii- talaabooyinka qaarkood oo kuu ogolaan doona inaad si fiican u barato xirfada qancinta ama xirfadda wax-ka-dhaadhicinta.

1- Baro Dhanka Kale

Haddi aad la hadlayso dhegaystayaal, koox yar ama hal qof, waa inaad marka hore ogaataa astaamahooda, dabeecadooda, iyo heerka dhaqankooda, tani waxay kaa caawinaysaa inaad isticmaasho habka ku habboon, taasina waxay kuu fududaynaysaa, si aad fariintaada ugu gudbiso si wax ku ool ah, saasina aad ku qanciso.

2- Is Baro

Waa in aad isbartaa bilowga shir kasta, sida in aad sheegto magaca shirkadda aad u shaqaynayso, jagadaada shaqo, markaa qofka aad la hadlayso waxa uu dareemaya raaxo, taasina waxa ay kordhinaysaa suurtogalnimada in uu ku qanco waxa aad ka hadlayso, sababtaas awgeedna tallaabadan waxaa loo arkaa mid ka mid ah tillaabooyinka ugu muhiimsan ee ay tahay inaad u hoggaansanto si aad u barato xirfadda qancinta.

3- Wanaagsanow

Hadafkaaga ugu weyn waa in aad qanciso qofka aad la hadlayso, sidaa awgeed waa in aad ka fogaataa hab-dhaqanada kakan hubsona in aad u debecsanto hadalkaaga, maadaama qaabka degani uu kuu saamaxayo in aad si habsami leh u gudbiso fikradahaaga. Saasina uu ku qanaco qofku waxaad tiraahdo diidmo la’aan.

4- Adeegso Doodo Macquul Ah

Dadku ma rumaystaan ​​fikrado iyo xogo aan ku dhisnayn caddaymo sax ah, aan lahayn doodo macquul ah, iyo sidoo kale aan lahayn ilo lagu kalsoonaan karo, haddii aad soo bandhigto fikradaha noocaan ahi, waxaa hubaal ah inaad ku guul-darraysan doonto inaad qanciso, sidaas darteed, waa inaad fikraddaada ku xoojisaa doodo macquul ah, caddaymo sax ah, iyo ilo la hubo. Tani waxay xaqiijin doontaa inay ku qanacsanadaan wax kasta oo aad tiraahdo.

5- U Fiirso Dhaqdhaqaaqa Jidhkaaga

Qofka aad la hadlayso waa inuu dareemaa inaad ku kalsoonaadaa naftaada, haddii uu dareemo inaad dareento cabsi, welwel, ama laba-labayn, waxaa yaraanaysa qanacsanaanta uu ku qanci lahaa fikradahaaga. Sababtan awgeed, waa inaad fiiro gaar ah u yeelataa dhaqdhaqaaqa jidhkaaga, sida inaad si kalsooni leh u dhoola cadeyso, u fadhiisato si toosan, iyo inaad isha ku hayso qofka kula hadlaya, ama cidda aad la hadlayso.

6- Soo Bandhig Fikrado Cad Cad

Waxaa aad muhiim u ah in fikradaha aad soo jeedineyso ay noqdaan kuwo cad, maadaama fikrado qalafsan oo is biirsaday ay qaadaneyso waqti dheer in la rumeeyo, taasina waxay hoos u dhigtaa habraaca qancinta, sidaas darteed waxa ay khubaradu ku talinayaan in si cad oo fudud loo soo bandhigo fikradaha. Kaas oo awood kuu siin doona inaad si sahal ah ugu qanciso dhageystayaashaada.

7- Daacad Ahaw

Daacadnimadu waa mid ka mid ah tillaabooyinka ugu muhimsan ee ay tahay in aad ku dhegganaato, dadku si dabiici ah ayey u rumaystaan ​​qofka runta sheega sidoo kalena ay u neceb yihiin qofka beenaalaha ahi, sida darteed waa in aad daacad ka ahaataa kelmad kasta oo aad ku odhanayso cidda kula sheekaysanaysa, taas oo ugu danbayntii keensanysa in aad ka dhaadhiciso wax kasta oo aad rabto.

Sii Daalaco: 8 Talo Oo Kaa Caawinaya Inaad Ku Qanciso Macmiilka Wax Iibsigaaga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×