XRP oo samaysay kor u kac fiican.

  • November 23, 2024
  • Comment 0

XRP kor u kac xooggan ayay samaysay sababo la xidhiidha shirkadda iska leh XRP ee Ripple oo waxyaabo badan horumar ku samaysay.

Coin-ka XRP ayaa kor u kacay 25% shalay oo keli ah isaga oo ka fiicnaa dhammaan cryptada kale.

Xog ka timid Cointelegraph markets Pro iyo Tradingview ayaa sheegaysa in XRP ay ka kacday $1.079 bishii Nov, 2021kii iyada oo samaysay kor u kac 33% ah 42 bil gudaheed oo $1.438 ay gaadhay ka hor inta ay dib ugu soo laaban qiimaha hadda ay joogto ee ah $1.54.

Lammaane lacageedka XRP/USD ayaa sameeyay kor u kac kala ah toddobaadle 74% ah iyo bille 163%.

Cryptocurrencies, Ripple, SEC, XRP, Markets
                                                                         XRP/USD xigasho: Tradingview

Bal aan isla eegno waxyaabaha kor u kacan sababay.

1- Kor u kaca XRP iyo heshiiska ay Ripple la gashay Mercy corps.

Ripple ayaa shegtay inay wadashaqayn la samayn doonto haayadda Mercy corps qaybteeda ganacsiga u qaabilsan taas oo ay ka caawin doonta haayadda inay u diyaariso ganacsatada curinta leh la qabsiga suuqyada casriga ah.

Ballaadhinta lagu sameeyay wadashaqayntan ayaa noqon doonta bilow cusub oo loogu wanqalay (Furfuriidda kanshooyinka) unlocking opportunity.

Cryptocurrencies, Ripple, SEC, XRP, Markets                                                                                      Xigasho:- Ripple

Wadashaqayntan ayaa ka dhigi doonta mid horumarisa suuqgeyna u samaysa wax soosaarka Ripple sida stablecoin-ka ay Ripple soo waddo ee RLUSD kaas oo loo adeegsan doono kaysiga, lacag diridda iyo in tokenisation lagu sameeyo hantida iliqabatayda ah.

Ripple ayaa raacisay ” anaga diiradda saarayna isbeddelka iyo xalalka la qaban karo Ripple waxay diyaar u tahay inay $5.5m ay ku caawiso haayadda Mercy corps ventures”.

Wadashaqayntani ayaa noqon karta mid kor u qaadda la qabsiga XRP, sidoo kale keenaysa baahi badan oo loo qabo Token-ka XRP.

2- Kor u kaca OI oo saameyay qiimaha XRP

Filashada laga filanayo Trump oo ah nin cryptada u fiican ayaa kor uu qaadday qiimaha Futures-ka XRP iyada oo open interest-gu (OI) uu gaadhay meeshiisii u sarraysay Nov 22keedii.

Open interest oo aan dib ka sharrixi doonno waa wax ay ku qiimeeyaan ganacsatadu halka uu gaadhi doono qiimaha coin-ku si ay u sii maalgashadaan.

OI-ga XRP ayaa gaadhay meeshii abid i sarraysay oo ah $2.41 billion Nov 22, iyada oo 10% ka sarraysa halka maalinkii ka horreeyay ay joogtay oo ah $2.18 billion sida ay sheegtay CoinGlass.

Cryptocurrencies, Ripple, SEC, XRP, Markets                                                          Open interest-ga XRP xigasho:- CoinGlass

XRP waxa ay kacday 208% iyada oo ka soo kacday $0.50 doorashada Maraykanka ka hor iyo hadda oo ay joogto $1.54.

Our Courses
  • Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
  • Website Design WordPress.
  • Barashada Forex Course
  • Dropshipping Mastery Course
  • Somali alibaba Online Course
  • HTML and CSS beginner to advanced Course
  • Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
  • Facebook Ads (Digital Marketing).
  • Somali Alibaba Online Course.
  • Modern Javascript master Course
  • Graphic Design Course.
  • Basic Computer and Office  Mastery.
  • Premiere Pro (Video Editing).
  • Blogging & Monetisation(WordPress).
  • E-commerce Course.
Our Services
  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing   

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×