NVIDIA: Hogaamiyaha Shirkadaha

  • June 25, 2024
  • Comment 2

NVIDIA: Hogaamiyaha Shirkadaha

Maalmo ka hor bay ahayd, markii aan qormo ka qornay “NVIDIA“, iyadoo qiimo ahaan suuqa kaga jirtay kaalinta 3-aad, hasa yeeshee haatan waa hogaamiyaha shirkadaha adduunka oo idil.

Dhawaan bay ahayd, markii aynu NVIDIA u saadaalinaynay kaalinta koowaad, oo aynu lahayn: “Suuragal miyay tahay in shirkad aan sidaa caan-u-ahayn dhaafto Apple iyo Microsoft? Waa wax aan loo baran sow ma ahan?“, haatanna waxay ku jirtaa kaalinta koowaad.

Dib ugu noqo qormadeenii hore, hadii aad rabto: NVIDIA Miyay Dhaafi Doontaa Apple Iyo Microsoft?

NVIDIA waa shirkad caan ku ah soo saarista kaararka garaafyada (GPUs) iyo chips-yada elektarooniga ah. Waxaa la aasaasay sannadkii 1993.

NVIDIA waxay hormuud ka noqotay horumarinta tiknoolajiyada AI-da (Garaadka Samayska Ah) iyo barashada mashiinka (machine learning).

Iyadoo la adeegsanayo GPUs-keeda awoodda sare leh, shirkaddu waxay fududeysay horumarinta iyo tababarka AI-da, taasoo kor u kac weyn u keentay dhawaanahan danbe.

Dabcan hormarkan weyn waxaa ka qayb qaatay tayada badeecadeeda oo hormarsan, hormarinta joogtada ah ee ay waddo, iyo iyadoon lahayn tartamayaal waa-weyn, oo kula tartama suuqa.

NVIDIA waxay si joogto ah ugu dadaashaa inay horumariso badeecadaheeda, iyadoo soo saarta noocyo cusub oo kaararka garaafyada ah (GPUs) iyo tignoolajiyo cusub oo looga faa’iideysan karo dhinacyo kala duwan.

NVIDIA waxay noqotay hoggaamiye aan la loodin karin oo ku xeel dheer soo saarista GPUs, Chips, iyo xalalka tiknoolajiyada.

Marka laga soo tago wax-qabadkeeda, NVIDIA waxay sidoo kale ku guuleysatay inay hanato kalsoonida maalgashatada saamilayda, iyadoo la timid xalal tiknoolajiyeed oo casri ah iyo adeegyo tayo sare leh.

Our Services

  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing

Our Courses

  • Crypto Bilaw Ilaa Dhamaad Af:Somali Course
  • Ecommerce & Marketing Course
  • Graphic Design Course-Master Class
  • Basic Computer And Office Mastery
  • Blogging Google AdSense Course
  • Somali Alibaba Online Course

2 Comments

  1. Inaa ii soo jawaabta Rajeynaa
    Ustaad Waan ku salaamay Waxaan Ahey ardey Hada dhameeyay Waxbarashada Dugsiga Sare
    Waxaan Bartay Hada Xirfada Blogging Walina Bilow ayaan Ahey
    Marka Waxaana Xooga Fahmi la,ahey
    Shirkadda Blogger ma dadka Websitekayga Soo booqdo ayey lacag igu siineysaa
    Mise Dadka Xayeysiinta Furo
    Mida kale Shuruudaha Noo soo duub Oo blogger ah Hal Vedio
    Inaa ii soo jawaabta Rajeynaa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×