Yeelashada Blog WordPress Ah

  • October 8, 2024
  • Comment 2

Yeelashada Blog WordPress Ah

Yeelashada blog WordPress ah waa tallaabo fudud oo wax ku ool ah, oo aad ku billaabi karto safarkaaga cusub.

Faa’idooyinka Uu WordPress-ku U Leeyahay Blog-ga

1. U fudud isticmaalka:

WordPress si aad u isticmaasho kaagama baahan inaad aqoon badan u yeelato coding-ka iyo si guud programming-ka.

Interface-keeda oo aad sahlan awgeed waxaad awood buuxda u leedahay inaad si fudud ku maamusho blog-gaaga.

WordPress waa mid user-friendly ah, waana mid ka mid ah CMS (Content Management System – Nidaam Maareeya Xogata Website-ka) ugu fudud adduunka.

2. Kharash yarida:

In kasta oo “WordPress.org” uu u baahan yahay marti-gelin (hosting) iyo domain name, haddana wuxuu weli yahay mid qiimo jaban marka loo barbardhigo goobaha kale.

Waxaa jira plugins-yo badan oo bilaash ah, oo kuu suuragalinaya inaad si buuxda oo fudud u dhisto blog dhamaystiran, iyadoonan kaa bixin kharash fara badan.

3. Dabacsanaan ballaadhan:

WordPress waxaa ka helaysaa plugins-yo tiro badan, oo qaarkood amaba baqankood bilaash ah.

Kuwaasoo kuu siinaya dabacsanaan aad ku samayn karto blog kuu gaar ah, oo u shaqeeya sida aad rabto.

4. U saaxiiba ah SEO-ga:

WordPress waa mid si fiican ula jaanqaadi kara search engine-nada kala duwan, sida Google, Bing, Yahoo, iwm.

WordPress waa mid aad ugu habboon SEO-ga, isagoo blog-gaaga ka dhigaya mid ka soo muuqda kaalmaha hore ee natiijooyinka raadinta, taasoo kordhinaysa tirada booqdayaasha blog-gaaga.

Dabcan, SEO-gu wuxuu u baahan yahay in laga shaqeeyo, oo la wanaajiyo marba marka ka danbaysa, si uu natiijo wacan u keeno.

Gabagabo

Faa’idooyinka aan soo xusnay dartood iyo kuwa kale oo aynaan xusnba, WordPress waxay ka dhigaan mid ku habboon dadyawga raba inay yeeshaan blog tayo sare leh.

Hagaag, hadaba hadii aad go’aansato inaad yeelato blog WordPress ah, 2-dan waddo midkood ayaa kuu furan:

  • Inaad iskaa u dhisitid, hadii aanad garanaynna aad soo baratid.
  • Inaynu inaga kuu dhisno, ood na wakiilato.

Hadiise aad go’aansato inaad barato sida loo dhiso blog WordPress ah, qaado koorsadan, adigoo  ku baranaya sida loo dhiso blog tayo sare leh, misna loogu xidho Google AdSense.

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×