Maxaad Ka Taqaanaa Ganacsiga SaaS?
SaaS waa nooc ka mid ah ganacsiga, kaasoo dhowrkii sano ee u danbeesay aad u faafayay.
“SaaS” waxay u taagan tahay “Software as a Service”, waa nooc ganacsiga ka mid ah, kaasoo ku salaysan rukumasho (subscription).
Waana in ay shirkaduhu softwares-rooda iyo applications-yadooda qaab adeeg ahaan u bixiyaan.
Si Kooban, Sida Uu U Shaqeeyo SaaS?
- Adeeg-bixiyaha: Software-kiisa internet-ka ayuu keenayaa
- Adeegsadaha: Browser-kiisa ayuu ka siticmaali karaa software-ka
- Adeeg-bixiyaha: Si fudud buu software-kiisa u update garayn karaa
- Adeegsadaha: Durbadiiba update-kii cusbaa wuu arki karaa
- Adeeg-bixiyaha: Software-kiisa wuxuu ku kaydinayaa “CLoud-ka”, taas oo ka dhigaysa in uu had iyo jeer diyaar ahaado.
- Adeegsadaha: Wuxuu si joogto ah u heli karaa Software-ka, inta uu helayo internet.
- Adeeg-bixiyaha: Software-kiisa wuxuu u bixinayaa qaab adeeg ah.
- Adeegsadaha: Waxaa Software-ka u helayaa qaab adeeg ah.
- Adeeg-bixiyaha: Software-kiisa wuxuu ka dhigayaa mid subscription ah, oo la rukumto.
- Adeegsadaha: Waxaa Software-ka u rukumnaan karaa si bille ah, ama 3-dii bilooadba mar, ama sanadle.
Si Kooban, Faa’iidooyinka SaaS
- Kharash Yarida: Maadaama software-ka la rukumnaanayo, adeegsadayaashu ama macamiishu uma baahna inay software-ka maalgaliyaan, kharashaadkana waxaa loo bixinayaa si bille ama sanadle ah, taasoo ka dhigaysa kharashaadka bilawga hore mid yar.
- Is-ballaadhinta: Ganacsigan ayaa si aad ugu fiican, una nugul is-ballaadhinta, iyadoo kaliya la kordhinayo tirada ama xaddiga.
- Saadaasha: Ganacsigan ayaa ah ganacsi si saxnimada u dhaw, oo qoto-dheer leh mustaqbalkiisa loo saadaalin karo, maadaama ay tirooyinku “Real Time” yihiin.
- Cusboonaysiinta: Software-ka SaaS-ka ah, hadii wax cilad ah lagu arko, si degdeg ah baa loo update-garyn karaa, iyadoo update-kaas durbadiiba la arki karo, halka Software-rada caadiga ah hadii cilad lagu arko, loona baahdao in la update gareeyo, aan durbadiiba la arkayn update-kaas, ilaa dib loo soo dagsado update-ka cusub, lana install gareeyo.
Si Kooban, Tusaalooyinka Ugu Caansan SaaS
Tusaalooyinkan aynu xusi doono, waa kuwo laga caansan yahay, hasa yeeshee soomaali ahaan waa kuwa noogu caansan, ee aynu adeegsano.
- Google Workspace (Gmail, Google Docs, Google Drive)
- Microsoft 365 (Word, Excel, Outlook)
- Canva
- Zoom
- Shopify
- Dropbox
FG: Word, Excel, aan xusay, waa kuwa browser-ka laga isticmaalo, ma ahan kuwa laptop-yadeena ku jira.
Gabagabadii
Ganacsiga SaaS waa hanaan ganacsi oo aad ugu habboon shirkadaha doonaya inay bixiyaan software-ro ay isticmaalayaashu si fudud u heli karaan, iyadoo la adeegsanayo “Cloud-ka”.
Waa hab fudud, oo wax tar u leh cid kasta oo rabta inay Software-kooda qaab adeeg ahaan u bixiyaan, loona rukunto.
Maxay kula tahay akhriste?. Sideedna u aragtaa ganacsigan?
Yaxye cali
Good jop
Gelle Bashir
thanks wll