Machine Learning: Xirfad Mustaqbal Wacan Leh
Machine Learning (ML) waa qayb ka mid ah, oo hoos timaada garaadka samayska ah (Artificial Intelligence – AI), kaasoo mishiinada iyo kumbiyuutarada awood u siinaya inay si iskood ah wax isu baraan, go’aamana u qaataan.
Waa Maxay Machine Learning (ML)?
Ereyga Machine ayaa u taagan aalad ama kumbiyuutar, ama qalab, halka Learning ay u taagan tahay barasho, taasoo macnaheesu noqonayso Barashada Mishiinka.
Waana in ay aaladu ama qalabku si iskii ah wax isu baro.
Si kale haddii loo dhigo, Machine Learning-ku waa farsamooyin iyo algorithms-yo la diyaarinayo, si ay mishiinadu si iskood ah xogta isu baraan, taasoo keensanaysa in ay mishiinado hadhow wax saadaaliyaan, ka falcelayaan waxyaabaha qaar, sidoo kalena gaadhaan go’aamo, iyagoo aan waliba si joogto ah ugu tiirsanaanayn aadanaha.
Badelkii kumbiyuutarada iyo mishiinada amar toos ah la siin lahaa, si ay u fuliyaan hawl gaar ah, waxaa lagu dhigayaa kuwo iyagu fuliya hawsha aan rabno, inagoon faragalin dheeri ah ku samaynin, iyagoo kaashanaya xogihii hore loogu tababaray, iyo kuwa ay wakhti xaadirkaa helayso.
Noocyada Machine Learning-ka
1. Supervised Learning
Supervised Learning waa nooc ka mid ah Machine Learning-ka, kaasoo lagu tababarayo xog diyaarsan (labeled data), xogtaasoo leh “input” iyo “output,” taasoo u ogolaanaysa inuu daraaseeyo xogtii loo dhiibay, misna uu fahmo xidhiidhada ka dhaxeeya.
Intaa ka dib, mishiinkii ayaa laga codsanayaa inuu shay hebel go’aan ka gaadho, isagoo go’aankiisa ku salaynaya xogtii lagu tababaray.
Tusaale: Mishiinka oo la baray in uu kala saaro emails-ka spam-ka ah iyo kuwa aan spam-ka ahayn iyadoo la adeegsanayo tusaalooyin hore loo tilmaamay.
2. Unsupervised Learning
Unsupervised Learning: waa nooc kale oo ka mid ah ML, kaasoo isagu kaliya xogta la siinayo, isagoo raadinaya waxyaabaha ka dhaxeeya iyo waxyaabaha ay ka wada siman yihiin, iwm.
Tusaale: Mishiinka ayaa la siiyay xog, waxaana lagu odhanayaa, xogtaan koox-koox (grouping) u samee, oo i sii kooxda hebel.
3. Reinforcement Learning
Reinforcement Learning: Isagu wuxuu wax isu baraa hab ciqaab (punishment) iyo abaalmarin (reward) ah, marka uu go’aan saxan qaato abaalmarin ayuu helayaa, marka uu go’aan khaldan qaato ciqaab ayuu helayaa, halkaa oo uu ka baranayo waxa saxan iyo waxa khaldan.
Gabgabadii
Machine Learning waa qayb weyn oo muhiim ah, oo aasaas ah, oo ka mid ah tignoolajiyadda garaadka samayska ah ee Artificial Intelligence (AI).
Waa mishiin si iskeed ah wax isu baraysa, iyadoo bilawga hore kaliya kaaga baahan jihayn iyo xogo yar-yar.