Is-barbardhig: E-commerce vs SaaS
Dunida ganacsiga digital-ka ah markii la joogo, laba nooc oo ganacsi ayaa si aad ah u koraya, una sii fidaya waa E-commerce iyo SaaS (Software as a Service).
Labaduba waxay leeyihiin fursado gaar ah oo kala duwan, waxayna sidoo kale ku habboon yihiin mashaariic gaar ah, aynu ugu horreyn mid waliba qeexno, inkastuu SaaS, hoos imanayo E-commerce-ga, ileen E-commerce-gu waa iib kasta oo internet-ka dhexdeeda ka dhaca,
Waa Maxay E-commerce?
Ganacsiga E-commerce-ga Ahi waa dhaqdhaqaaq kasta oo ganacsi oo ka dhaca intarneedka dhexdeeda, haday noqon lahayd wax iibsiga iyo iibinta badeecadaha/adeegyada
Hadii aad rabtid faahfaahin dheeri ah booqo maqaalkan: https://gellebashir.com/miyay-adag-tahay-inaad-ka-shaqaysato-ganacsiga-e-commerce-ga-ah/
Waa Maxay SaaS?
SaaS waa nooc ka mid ah ganacsiga, kaasoo dhowrkii sano ee u danbeesay aad u faafayay. “SaaS” waxay u taagan tahay “Software as a Service”, waa nooc ganacsiga ka mid ah, kaasoo ku salaysan rukumasho (subscription). Waana in ay shirkaduhu softwares-rooda iyo applications-yadooda qaab adeeg ahaan u bixiyaan.
Hadii aad rabtid faahfaahin dheeri ah booqo maqaalkan: https://gellebashir.com/maxaad-ka-taqaanaa-ganacsiga-saas/
Qodobada | E-commerce | SaaS |
---|---|---|
Nooca Alaabta | Physical & Digital, goods | Digital Services |
Qaabka Dakhliga | Iib (Purchase Model) | Rukumasho bille ama sanadle ah (Subscription Model) |
Tartanka | Dhexdhexaad ilaa heer sare | Aad u hooseeya |
Khatarta | Dhexdhexaad | Aad u sarraysa |
Faa’iidooyinka | Dhexdhexaad | Aad iyo aad u sarraysa |
Caqabadaha | Dhexdhexaad | Aad iyo aad u sarraysa |
Fursadaha
- E-commerce: Iibka online-ka ayaa sii kordhaya sanad kasta, iyadoo dad badan ay doorbidaan inay internet-ka wax ka iibsadaan iyagoo gurigooga jooban, oo aysan bixin. Waxaana jira fursado waa-weyn oo ay ka faa’idaysan karaan ganacsiyada yaryar iyo kuwa waa-weynba labadaba, gaar ahaan hadii la beegsanayo suuqyada caalamiga ah.
- SaaS: SaaS waa mid ka mid ah goobaha ugu kobaca badan dunida iibka online-ka ah, gaar ahaan shirkadaha u baahan inay adeegyadooda qaab onilne ah u bixiyaan, isla markaana si rukumasho ah u soo bandhigaan.
Labadaba E-commerce iyo SaaS waxay leeyihiin fursado waaweyn, laakiin doorashada midkood waxay ku xidhnaan doontaa hadba baahidaada.
Haddii aad rabto inaad iibiso badeecooyin physical ah, ama kuwo digital ah, laakiin iib qudha ah, e-commerce waa doorashada ku habboon mshruucaaga. Haddii se aad rabto inaad bixiso adeegyo software ah oo aad rabto inaad isla adeegii dakhli joogto ah ka hesho, SaaS waa doorashadaada ugu habboon.
Booqo bogga koorsooyinkeena, oo xulo mid ama dhowr ka mid ah koorsooyinkeena, adigoo gujinaya badhankan hoose.