

Miyay adag tahay inaad ka shaqaysato ganacsiga e-commerce-ga ah?. Ugu horrayn, goobtan ganacsiga e-commerce-ga ahi waxay leedahay magacyo badan, sida “ganacsiga elektaroonigga ah, e-ganacsi”, waana ganacsiyadii maxalliga ahaa oo loo bedelay mid elektaroonigga ah, iyadoo hawlgaladoo dhami ka dhacayaan internet-ka dhedeeda, laga bilaabo wax iibsiga, gadashada, iyo wax iibintaba.
Ganacsiga E-commerce-ga Ahi waa dhaqdhaqaaq kasta oo ganacsi oo ka dhaca intarneedka dhexdeeda, haday noqon lahayd wax iibsiga iyo iibinta badeecadaha/adeegyada, iyadoo u ogolaataa dadka, ganacsatada, iyo hay’adaha inay ganacsigooda ka shaqeeyaan iyaga oo aan wax xaddidaad ah la kulmin, haday noqon lahayd mid juqraafiyeed ama mid wakhtiyeedba.
Sidaa darteed, waxaa jira arday iyo dadyaw badan oo raba inay bartaan oo ay ka shaqaystaan ganacsiga e-commerce ahi, hase yeeshee waxay aamin san yihiin inay adag tahay barashadeeda iyo ka shaqaynteeda, halka qaar kalena ay aamin san yihiin inay u baahan tahay raasamaal badan.
Isku soo wada duub “Miyay adag tahay inaad ka shaqaysato ganacsiga e-commerce-ga ah?”, jawaabta oo kooban waa “MAYA“, maxaa yeelay ganacsiga e-commerce-ga ahi waxay ka mid tahay ganacsiyadaha ugu dhakhsaha iyo miro-dhalka badan, oo ay u dheertahay fudaydnimo, waxaana xittaa baran kara oo ka shaqaysan dadka aanan haysan lacag badan oo raasamaal ah.
Markii dhan kale laga eego, dabcan wuu leeyahay dhibaato, si la mid ah ganacsi ama shay walbaa uu u leeyahay faa’iido iyo khasaareba, laakiinse heerka dhibkiisu waa ay ku kala duwan yihiin qofba qofka kale, iyadoo loo eegayo habka iyo waddada (way-ga) uu u marayo.
Soo daalaco hadii aad danaynayso faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan faa’iidooyinka uu leeyahay ganacsiga ee e-commerce-ga ahi.
Soo Daalaco hadii aad danaynayso faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan faa’iidooyinka iyo khasaaraha uu leeyahay ganacsiga e-commerce-ga ah.
Hadii aad doonayso faahfaahin intaa dheeri ah oo ku saabsan “Noocyada Ganacsiga E-Commerce-ga Ah” soo daalaco maqaalkan.
Anagoo ka duulayna muhiimaddan weyn ee ay leedahay ganacsiga e-commerce-ga ahi, waxaan ogaanay in barashada ganacsiga e-commerce ahi iyo ka shaqynteedaba ay xiiseeyaan oo ay daneeyaan arday iyo dadyaw badan oo doonaya inay gaadhaan madax-bannaani dhaqaale, isla mar ahaantaana la jaan-qaaqaan ganacsiyada kale ee dhiggooda ah.
Aduunka Ganacsiga Elektaroonigga Ahi waa adduun weyn oo ballaadhan, se hadii aanad garanayn meel aad ka bilawdo, waxaynu kuu diyaarinay koorso dhamaystiran oo kaa haqabtiraysa dhamaan wixii aad uga baahan lahayd galitaanka Ganacsiga Elektaroonigga Ahi, laga bilaabo helidda fikrad, dhisidda qorshe dhamaystiran, helidda badeecadaha ugu iibka fiican, samaynta website, suuqgeynteeda (Digital Marketing), iyo xittaa curinta nuxurka (Content Creation).
Koorsadani kunawaad waxay ka kooban tahay 50 video, oo iskugu jira Theory, Practise, iyo Presentation, kuwaas oo gacan weyn ka gaysanaya fahamka iyo ka mirodhalinta Ganacsigaaga Elektaroonigga Ah, adigoo awood buuxda u yeelan kara marka aad dhamaysato koorsadani inaad ganacsi kuu gaar ah bilaaban karto.
Hadii aad danaynayso koorsadan waynu kugu soo dhawaynyanaa, iskuna diyaari inaad dhaqaale ahaan madax-bannaanaan doonto –eebe idamkii- Yaa naga mid ah oo doonayya inuu gaaro madax-bannaani dhaqaale?
Ha Ka Waaban Inaad Nagala Soo Xidhiidho Whatspp Lambarkan: +252-90-5582875 Ama WhatsApp Link-Gan: Https://Wa.Link/Zjb442, Ama Telegram Link: Https://T.Me/Gellebashir. Ama aad gujjiso badhankan hoose.
3 Replies to “Miyay adag tahay inaad ka shaqaysato ganacsiga e-commerce-ga ah?”
Wxan rbaa inaa barto bloger
whatsappkena kaso dalbo wll
[…] Sii Daalaco: Miyay adag tahay inaad ka shaqaysato ganacsiga e-commerce-ga ah? […]