Waa Maxay Barnaamijyada Ugu Fiican Ee Loo Adeegsado Raster Graphics?
Haddii aad tahay graphic designer bilow ah, ama khabiir ku graphic design-ka, isticmaalka ama adeegsiga barnaamijyada Graphic Design-ka ugu fiican waa arin mudan in la tixgaliyo, si aad u muujiso kartidaada iyo hal-abuurkaaga ku aadan graphic design-ka, oo aad u badasho fikradaha maskaxdaada ku jira mid muuqaal ah oo ladaalacan karo, sidaa darteed ka graphic designer ahaan waa inaad barataa barnaamijyo dhowr ah oo ku saabsiisan goobtan graphic design-ka ah.
Maqaalkan, waxaan ku baran doonaa software-da graphic design-ka ugu fiican oo ka kooban walxaha ugu horumarsan iyo aaladaha ay adeegsadaan naqshadeeyayaasha xirfadleyda ah, kuwaas oo kaa caawin doona inay soo muujiyaan muuqaal qurux badan.
Waa Maxay Barnaamijyada Raster Graphics?
Sawirada Bitmap ama Raster Graphics waa sawiro ka kooban koox pixels ah oo midba midka kale ku ag yaal.
Pixel kastaa oo iyaga ka mid ahna waxa uu ka kooban yahay midabyo kala duwan. si ay ugu danbayntii u muujisaan sawir dhamaystiran.
Markasta oo ay badato tirada pixels-ka ee sawirka, waxaa badanaya tayada sawirka, sidoo kale markasta oo ay yaraato tirada pixels-ka ee sawirka, waxaa yaraanaya tayada sawirka.
Barnaamijyada Ugu Fiican uguna caansan ee loo adeegsado sawirada bitmapka ama Raster Graphics-ka waxaa ka mid ah:
1. Adobe Photoshop
Waa mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan uguna caansan barnaamijyada graphic design-ka, kuna takhasusay samaynta iyo wax ka beddelka sawirada bitmap-ka, barnaamijkan waxaa la aasaasay 1988 oo ay samaysay shirkadda Adobe, wixii markaa ka dambeeyay Photoshop wuxuu noqday mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan uguna caansan barnaamijyada naqshadeynta kaliya kuma koobna oo keliya goobta samaynta iyo wax ka beddelka sawirada bitmapka, sidoo kale waxaa loo adeegsadaa dhanka naqshadeynta dhijitaalka ah guud ahaan.
Sii Daalaco: Sideed U Noqon Kartaa Naqshadeeye Guulaysta?
2. Affinity Photo
Waa barnaamij ku takhasusay samaynta iyo wax ka beddelka sawirada bitmap-ka, barnaamijkan waxa la sameeyay sannadkii 2015-kii oo ay samaysay shirkadda (Serif), waana barnaamij ka mid ah kuwa ugu caansan ee ay shirkaddu samayso, waxaana adeegsiga barnaamijkan doorbida naqshadeeyayaal badan, iyadoo ay ugu wacan tahay sahlanaanta qaybihiisa kala duwan ee barnaamijka.
3. GIMP
GIMP waa erey la soo gaabiyey GNU Image Manipulation Program, waana barnaamij bilaash ah, in kasta oo software-ka ugu fiican ee dhanka graphic design-ka aanu si dhab ah ugu dhowaan karin awoodaha Adobe Photoshop, hadana waxaan odhan karnaa GIMP waa bedelka ugu fiican ee Adobe Photoshop, maadaama uu qabato shaqo u dhaw tan Adobe Photoshop.
4. Krita
Waa barnaamij bilaash ah oo furan, kuna takhasusay naqshadaynta iyo wax ka beddelka sawirada bitmap-ka, waxaana sidoo kale loo isticmaalaa in lagu beddelo sawirada vector-ka. Waxaana la sii daayay 2005 oo ay sameeyeen kood fanaaniin ah oo ka tirsan (Krita). Mid ka mid ah dhibaatooyinka uu laayahay barnaamijkan waa la’aanta koox taageero ah si ay u xaliyaan dhibaatooyinka aad la kulanto.
5. Canva
Canva ayaa soo if-baxay sanadkii 2013-kii, waxayna si xawli ah uu ugu faaftay naqshadeeyayaasha, iyadoo tirada isticmaalayaasha ay kor u dhaaftay 750,000 oo isticmaale hal sano gudaheed markii la furay, waxaana cad in caannimada Canva ay ugu wacan tahay fududaantiisa. Isticmaalka iyo fursadaha kala duwan ee ay bixiso, kuwaas oo buuxinaya inta badan shuruudaha naqshadeeyayaasha, maadaama ay ku jiraan noocyo badan oo diyaar u ah in si fudud loo la isticmaalo. ina kastoo barnaamijkan qaybihiisa fiicfiican oo ka kooban waxyaabo dheeraad ah ay lacag tahay, hadana waxaa jira qabyo badan oo bilaash ah.
Waa Maxay Barnaamijyada Ugu Fiican Vector Graphics? -
[…] Sii Daalaco: Waa Maxay Barnaamijyada Ugu Fiican Ee Loo Adeegsado Raster Graphics? […]
Dooro Laptop-Ka Ugu Fiican Graphic Design-Ka
[…] Sii Dalaaco: Waa Maxay Barnaamijyada Ugu Fiican Raster Graphics? […]