Waa Maxay Barnaamijyada Ugu Fiican Vector Graphics?

Waa Maxay Barnaamijyada Ugu Fiican Ee Loo Adeegsado Vector Graphics?
  • December 12, 2022
  • Comment 1

Waa Maxay Barnaamijyada Ugu Fiican Ee Loo Adeegsado Vector Graphics?

Waa Maxay Barnaamijyada Ugu Fiican Ee Loo Adeegsado Vector Graphics?

Naqshadeynta ayaa noqotay mid ka mid ah waxyaabaha sida weyn ugu faafay internetka, gaar ahaan naqshadeynta garaafyada, iyadoo ay kor u kacday xiisaha naqshadeynta ka dib markii ay suurtagashay in lacag laga sameeyo naqshadeynta, iyadoo la iibinayo naqshado lagu sameeyo barnaamijyada naqshadeynta garaafka.

Maqaalkan, waxaan ku baran doonaa barnaamijyada naqshadeynta garaafyada ugu fiican ee loo adeegsado vector graphics oo aad ku samayn karto naqshado xirfadeed, kuwaas oo kaa caawin doona inay soo muujiyaan muuqaal qurux badan.

Waa Maxay Barnaamijyada Vector Graphics?

Sawirada vector-ka ah waa garaafyo lagu curiyo barnaamijyada naqshadaynta waxaana inta badan loo adeegsadaaa in lagu sameeyo qaabab gaar ah, qaabab joomatari ah, maababyo, sawirro, dhismayaal, iyo in ka badan.

Iyadoo ay u dheer tahay in sawirada vector-ka ay leeyihiin tayo aad u sarraysa, oo ka badan marka loo eego sawirada bitmap-ka ama sawiradda rester-ka ah, maadaama sawirada vector-ku aanay ku salaysnayn nidaamka pixels ah.

Sii Daalaco: Waa Maxay Barnaamijyada Ugu Fiican Ee Loo Adeegsado Raster Graphics?

Barnaamijyada Ugu Fiican uguna caansan ee loo adeegsado sawirada vector-ka waxaa ka mid ah:

1. Adobe Illustrator

Waa Maxay Barnaamijyada Ugu Fiican Ee Loo Adeegsado Vector Graphics?

Mid ka mid ah barnaamijyada ugu caansan shirkadda Adobe ee u heellan samaynta sawirada vector ah ayaa la sameeyay 1985. Barnaamijkan ayaa aad caan uga ah gaar ahaan naqshadeeyayaasha astaanta iyo guud ahaan naqshadeeyayaasha garaafyada. Halka uu barnaamijku awood kuu siinayo inaad sawirto adigoon ku tiirsanayn pixels.

Software-kan waxa loo isticmaalaa in lagu sameeyo farshaxano, sumado, boodhadhyo, kaadhadh ganacsi ama boodhadhka xayaysiisyada oo dhan waana barnaamij naqshad garaafeed ku habboon oo loogu talagalay farshaxanka sawiridda, qaabaynta boggaga iyo astaanta shirkadaha. Faa’iidooyinka barnaamijka waxaa ka mid ah in uu ka kooban yahay xirmo buuxa oo ah qaab vector ah.

2. Figma

Waa Maxay Barnaamijyada Ugu Fiican Ee Loo Adeegsado Vector Graphics?

Figma waa mid ka mid ah barnaamijyada naqshadaynta ugu caansan ee hadda la taageero. Halka uu barnaamijkani ka kooban yahay waxyaabo badan, sidoo kalena loo isticmaalo naqshadaynta shaqooyin badan, balse waxa uu inta badan ku takhasusay qaabaynta boggaga hore ee website-yada, waxana uu barnaamijkani caan ku noqday habka iskaashiga shaqada, maadaama uu u saamaxayo naqshadeeyayaal badan in ay ku shaqeeyaan mashruuc gaar ah isku mar.

Figma waxaa loo isticmaalaa meelo badan oo ka mid ah nashqada, sida naqshadaynta UI Iyo UX, naqshadaynta vector, sawir dhijitaalka ah, naqshadaynta dukumentiyada iyo naqshadaynta muuqaalaynta macluumaadka.

3. Affinity Designer

Waa Maxay Barnaamijyada Ugu Fiican Ee Loo Adeegsado Vector Graphics?

Waa baddal u dhigmi kara Adobe illustrator, in kasta oo kharashkeedu aad uga hooseeyo Adobe illustrator. Hadana software-ku si habsami leh ayuu u shaqeeyaa, kaas oo wanaajin kara socodka shaqada oo kuu ogolaanaya inaad si xor ah u muujiso hal-abuurkaaga.

Waxa loo isticmaalaa in wax lagaga baddalo sawirada vector-ka iyo sawirada bitmap-ka sidoo kale. Mid ka mid ah faa’iidooyinka barnaamijka ayaa ah inuu la mid yahay Adobe Illustrator marka la eego waxqabadka iyo natiijooyinka xirfadeed.

4. Inkscape

Vector Graphics

Waa barnaamij bilaash ah, oo il furan, waxaana la sameeyay 2003dii isagoo qayb ka ah Mashruuca Software Source.

Inkscape waa mid ka mid ah barnaamijyada garaafyada vector, waxaana lagu tiriyaa inuu yahay mid ka mid ah kuwa ugu awoodda badan ee bilaashka ah ee la bar-bardhigi karo Adobe Illustrator.

Sii Daalaco: Sideed U Noqon Kartaa Naqshadeeye Guulaysta?

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×