Talada Wanaagsan Waxay Burburin Kartaa Riyadaada
Noloshu micno saas ah ma lahan hadii aysan lahayn qorshayaal waaweyn; Dhammaanteen waxaan leennahay himilooyin iyo yididiilo oo aan jeclaan lahayn in aan gaadhno, qaarkeen waa ay gaadheen himilooyinkooda, qaarkeena weli ma aysan gaadhin oo waa ay ku guda jiraan, halka qaar kalena aysan lahayn ama aysan qorshahooda ku darsan.
Laakiin meel kasta oo aad joogto, waxaa jirta dhibaato guud oo aan dhammaanteen la kulanno; taasoo ah in aan u janjeerno inaan raadino oo aan dhegeysanno talooyinka wanaagsan, waxay u muuqataa mid aan dhib lahayn oo faa’iido leh sawo ma ahan?, laakiin dhan kale hadii aad ka eegto, waxaa laga yaabaa in talada wanaagsan ee aad hesho ay burburin karto riyadaada, iyo himilooyinkaaga.
Sidee Buu Qof Talo Kuu Siin Karaa, Haddii Uusan Xitaa Fikrad Ka Qaadan Karin Qorshahaaga?
Marka aad rabto in aad noloshaada wax wayn ka badasho, waxaa dabiici ah in aad dareento baqdino yar-yar, taasoo kuu horseedaysa in aad talo ka raadsato dadka aad ku kalsoontahay.
HALKAN, waxa aad u baahantahay in aad iyo aad, aad uga taxadirto waxa aad waydiisanayso, oo weliba aad aad uga taxadarto cidda aad taladan weyddiinayso, maxaa yeelay talooyinka qaar ee wanaagsan ayaa gabi ahaanba burin kara qorshayaashaada adiga oo aan xitaa ogaanin.
Mar kasta oo fikraddaadu ay adiga kuu gaar tahay, xiiso badan tahay, oo macno badan leedahay, waa ay yaraanaysaa baahida in qof kale uu ku caawiyo. Dunidu had iyo jeer diyaar uma aha fikradaha waaweyn. Tani waa waxa adkeynaya in la fahmo fikradaha wanaagsan ka hor intaynaan arag, ama maqal.
Marka Ay Timaado Fikradahaaga Gaarka Ah, Talada Wanaagsan Runtii Waxay Noqon Kartaa Mid Xun, Markaa Ha Dalban
Talada wanaagsan waxay ku salaysan tahay caqiidada hore. Waxay ku xisaabtamaysaa wixii horay loo qabtay iyo kartidaada aad u malaynayso inaad wax ku qabsan karto, laakiin fikradaha gaarka ah ayaa had iyo jeer jebiya xeerarkan; Waxaa la hirgeliyaa iyadoo ay jiraan dhammaan dhibaatooyinka laga yaabo inay la kulmaan dadka aan si buuxda ugu qalmin inay gaaraan.
La Wadaag Qorshahaaga
Waxa laga yaabaa in ay u ekaato in macnaha hadalkayga uu yahay in aad qorshahaaga qarsato, Laakiin taasi ma aha waxa aan isku dayayo in aan kuu sheego haba yaraatee; Waxaad tahay qofka kaliya ee mudan in lagu maqlo marka ay timaado inaad hesho talo ku saabsan qorshayaashaada waaweyn, laakiin qorshayaasha laftooda waa in aad si xor ah dadka ula wadaagto.
Waxaa muhiim ah in aad dadka u sheegto gaar ahaan kuwa kugu dhow waxaad samaynayso, laakin ha waydiin in aad samaynayso iyo inkale, haddii fikraddaada weyn ay saameyn weyn ku yeelato noloshooda, waxay xaq u leeyihiin inay ogaadaan tan, laakiin xaq uma laha inay kaa hor istaagaan inaad sameyso, ilaalinta dheelitirkaani waxay noqon kartaa mid adag; Laakiin waa lagama maarmaan.
Wakhtiga Fulinta
Waxa ugu muhiimsan ee aad samayn karto markaad fikrad fiican haysato waa inaad hirgeliso. Tijaabadu waa sida kaliya ee aad ku ogaan karto inay shaqaynayso iyo in kale; Dhibaatada halkan, waa in talada wanaagsan ee aad ka hesho asxaabtaada iyo qoyskaaga ay kaa soo horjeedsadaan.
Sababtoo ah, way ku daneenayaan, mana rabaan inay arkaan adigoo guuldaraystay; Markaa taladooda wanaagsan waxay ku salaysan tahay taxaddar, iyo ka fikirid mustaqbalka fog ah, taasoo mudan in laga fikiro, hadana waa dhanka kaliye ee u muuqda iyaga, laakiin adigu waxaa tahay kan kaliya ee dhan walba ka eegi kara fikradaada, sidaa darteed taladooda qaar ee wanaagsan waxay burburin karaan qorshayaashaada ugu fiican.
Sii Daalaco:
Xamsecsamed@gmail.com
Asc mclin Galle bashir su.all
Waxaad artical nooga diyarisa
Host and domain
Shirkadaha bixiya nooshoog
Iyo sidii loo iib san laha lawguna xidhan laha
Gelle Bashir
ok wll
6 Khalad Waa Inaad Iska Ilaalisaa Si Aad Dadka Kale Uga Dhaadhiciso Fikradahaaga
[…] Sii Daalaco: Talada Wanaagsan Waxay Burburin Kartaa Riyadaada […]
6 Khalad Waa Inaad Iska Ilaalisaa Si Aad Dadka Kale Uga Dhaadhiciso Fikradahaaga – My Blog
[…] Sii Daalaco: Talada Wanaagsan Waxay Burburin Kartaa Riyadaada […]