3 Aaladood Oo Ku Salaysan Garaadka Samayska Ah (AI) Isla Mar Ahaantaana Bilaash Ah

  • April 18, 2023
  • Comment 2

3 Aaladood Oo Ku Salaysan Garaadka Samayska Ah (AI) Isla Mar Ahaantaana Bilaash Ah

Kadib markii uu soo ifbaxay wada-sheekaysiga (chatbot) loo yaqaan “ChatGPT”, iyo adeegyada uu bixin karo, iyo siyaabaha aan uga faa’iidaysan karno, garaadka samayska ahi (AI) ayaa noqday mawduucyada ugu caansan uguna xiisaha badan waayadan dambe.

Halkaas oo aalado iyo goobo badan oo kala duwan ay bixiyaan adeegyada ku salaysan garaadka samayka ah, kuwaasoo wanaajin kara wax soo saarkeena, iyagoo si weyn uga qayb qaadanaya una koridhaya mashruuc yadeena ama nolol maalmeedkeena, oo ay ka mid yihiin wax-barashada, wax-qorista, naqshadeynta, suuq-geynta, iyo kuwa kale.

Halkan waxaa ah aaladaha bilaashka ah ee ugu fiican isla mar ahaantaana ku salaysan garaadka samayska ah:

1- Dream: Samaynta Iyo Wax Ka Beddelka Sawirada Iyadoo La Adeegsanayo Garaadka Samayska Ah

Dream waxay kuu ogolaanaysaa inaad curiso sawiro, adigoo kaliya u sheegaya waxa aad rabto inay kuu samayso, iyadoo adeegsanaysa garaadka samayska ah, waxayna kuu soo badhigaysaa wax ka badan hal qaab oo farshaxaneed oo u dhaxeeya xaqiiqda iyo male-awaalka, waxaa intee dheer inaad wax ka bedeli karto sawirka, ama wax ka mid ah sawirka sida midabada oo kaliya, ama qaabka oo kaliya, iwm.

Waxa u gaarka ah boggan ayaa ah inaadan u baahnayn inaad samaysato akoon ama aad is diiwaan galiso si aad u isticmaasho, Dabcan, waxaad heli doontaa astaamo dheeri ah oo dheeraad ah marka aad is diiwaan galiso.

Si aad goobta u gasho guji halkan.

2- Midjourney: Daah Furka Male-Awaalka Sawirada

Midjourney waa aalad ku salaysan garaadka samayska ah oo uu samaysay shaybaar cilmi baaris madax banaan oo fadhigeedu yahay San Francisco, kaasoo dhalin kara misna curin kara sawiro waaqici ah, ama xitaa sawiro khiyaali ah, iyadoo ku xiran faahfaahinta iyo sharaxaadda aad qortay.

Marka hore waa in aad akoon ku lahaataa madasha Discord (hadii aanad lahayna akoon ka soo samayso Discord), kadibna aad tagtaa website-ka Midjourney, kana soo samaysataa akoon, ka dibna aad dib ugu noqo Discord ama Midjourney Discord, Laga bilaabo halkaas, waxaad wada-shaykaysi la yeelan kartaa Midjourney si ay kuugu curiso sawirada aad rabto.

Hdiii aad rabto inaad hesho sharaxaad faahfaahsan oo ku saabsan sida la isku diiwaan geliyo, loona isticmaalo, misna loo qoro erayada, loona dira amarada iyo fariimaha, booqo boggan rasmiga ah ee ay leeyihiin Midjourney.

Si aad goobta u gasho guji halkan.

3- Synthesia: Curinta Muuqaalo Leh Cod Iyo Sawirba, Sii Dheer Tahay 120 Luqadood.

Synthesia waxay kuu curinaysaa muuqaallo daqiiqado gudahood. Curinta muuqaalada iyadoo la adeegsanayo garaadka samayska ah AI waxay kuu kaydinayaan wakhti iyo kharash kaa bixi lahaa hadii aad iskaa u curin lahayd muuqaalada.

Waxaadna muuqaladaada u adeegsan kartaa jilaayaal male-awaal ah, kuwaasoo kala leh jinsiyado iyo midabo kala duwan, oo lagu naqshadeeyay laguna dhisay garaadka samayska ah AI, iyagoo kuu akhrinaya “ku dhawaaqaya” waxa aad qortay.

Waxaad kalood muuqaalkaaga ku dari kartaa qoraallo, garaafyo, iyo animation-no hadba sida aad rabto, ama waxaad isticmaali kartaa qaab-dhismeedyo (template) hore u jiray, kuwaasood wax bedeli karto, una qaabayn karto sida kugu habboon, laakiin xidhmada bilaashka ah ayaa ku xaddidan tiro dadyaw, xarfo iyo kelmado gaar ah muuqaal kastaaba.

Si aad goobta u gasho guji halkan.

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×