Koorsada: Mid Ka Mid Ah Digital Products (Badeecadaha Dhijitaalka Ah)
Sanadihii la soo dhaafay, suuqa alaabooyinka dhijitaalka ah (Digital Products) ayaa kor u kacay, oo ay ugu horrayso samaynta koorsooyinka online-ka ah, hase ahaatee, koorsooyinka online-ka ah ma ahan nooca kaliya ee ka mid ka ah noocyada Digital Products.
Run ahaantii, waxaa jira ilaa dhowr nooc oo kala duwan oo ka mid ah Digital Products ama alaabooyinka dhijitaalka ah, mid kastaana wuxuu leeyahay astaamo iyo faa’iidooyin kala duwan oo u gaar ah.
Si aan fahamka Digital Products kuugu fududeyno, waxaan kuu diyaarinay mid ka mid ah Digital Products ugu waaweyn uguna caansan kaasoo ah Muuqaalada Tacliinta Ah Ama koorsada.
Muuqaalada Tacliinta Ah Ama Koorsada
Muuqaalku: waa nooca nuxurka ugu isticmaalka badan uguna caansan adduunka.
Waxaad koorso dhamaystiran ku diyaarin kartaa qiimo jaban, adigoo adeegsanaya kaamiradda tilifoonkaaga ama kaamirad caadiya, waxaadna sidaa ku samayn kartaa lacag, taasoo kuu noqon karta il dhakli sugan.
Dabacn sidaa soo dhan uma fududa, dadkuna iskama iibsanayaan kooro walba, ee waxay iibsanayaan koorso ka haqab tiraysa dhamaan macluumaadkii iyo xogihii ay u baahnaayeen.
Waana inaad dhowrkan arimood tixgaliyaa marka aad samaynayso koorso:
- Waa in koorsado xogta ay xan-baarsan tahay yeelataa qiimo, isla mar ahaantaana ay adag tahay in si free ah lagu helo
- Waa inaad ku duubtaa meel ama goob degen, isla mar ahaantaana ka madhan buuq iyo qaylo
- Waa in tayada muuqaalku uu noqdaa mid aad sarraysa ama ugu yaraan uu noqdaa ilaa heer macquul ah, oo la arki karo dhamaan faahfaahinta iyo tafaasiisha aad sharaxayso
- Waa inaad adigu laf-ahaantaada isu-soo diyaarisaa, laga bilaabo inaad soo akhrisato ood soo muraajacayso xogaha aad rabto inaad markaa sharaxdo, ilaa wanaajinta jawiga ama xaalada aad ku jirto
- Waa inaad tixgalisaa arimaha farsamada (haday suurtagal tahay), sida iibsashada kaamirad heer sare ah, mikrafoon, leedh, sabuurad, kumbiyootar oo aad dhamaadka ku habayn doonto koorsada, iwm
Aad bay u fiicantahay in aad makarafoon adeegsato marka aad wax duubayso, si codkaaga si fiican uu u maqlo ardayga, inta uu daawanayo muuqaalka, una hadal si tartiib tartiib ah oo dagan marka aad wax sharaxayso, hana ku degdegin sharaxaadda fikradaha
Isku day inaad fikradda koorsada soo koobto oo aad ku soo bandhigto bilowga koorsada, ama bilawga muuqaalka, si aad ardayga ama raacatada uga caawiso inay si wax ku ool ah u fahmaan fikradda koorsada.
Se haddii aad ka mid tahay dadka ka xishooda kaamirada ama soo muuqashada, waxaan kuu sheegayaa inay tani tahay wax iska caadi ah, oo u baahan tababr iyo dulqaad, adigoo xishoodka ka gudbaya wakhti ka dib.
Adeegso xeeladan, hadii aad la il daran tahay xishoodka:
Istaag kaamirada horteeda wakhti gaaban maalin kasta, isla mar ahaantaana duub hadalkaaga, una hadal sidii adiga oo wax sharaxaya ama cashar bixinaya oo kale, diiradda saar dhaq-dhaqaaqaaga jidheed iyo luqadaada jidheed, iskuna day inaad soo jeediso war-bixin kooban.
Intaa ka dib, muuqaalka waxaad u dirtaa saaxiib ama qof aad aaminsan tahay, misna ku fiican arimaha muuqaal duubsita ama ugu yaraan ku aqoon dhaama, waxaadna ka codsataa inuu qiimeeyo muuqaalka, markaa ka dibna dhagayso taladiisa, oo isku day inaad ku dhaqanto, waqti ka dibna waxaad isku arki doontaa –eebe idamkii- inaad ku fiicnaatay muuqaal duubsita.
Abdirisak mohamed jama
Waxan arday doonaya in uu barto koorsada aad soo xayeysiiseen
Wxn rajaynayaa in aad i aqbili doontaan
Waa mahadsantihin
Gelle Bashir
ok wll whatsappka nagala soo xiriir