3 Fikradood Oo Ku Saabsan Curinta Muuqalada YouTube

  • June 15, 2023
  • Comment 0

3 Fikradood Oo Ku Saabsan Curinta Muuqalada YouTube

Curinta Muuqalada YouTube iyo inaad samayso muuqaallo guulo leh ma aha mid fudud, gaar ahaan haddii aad tahay qof bilow ah, isla markaana aanad khibrad badan u lahayn samaynta muuqalda.

Waxaa jira xeelado iyo istaraajiyado loo maro curinta muuqaalada youtube, kuwaasoo kaa caawinaya inaad hesho daawadayaal badan, kordhiso shacbiyadaada, sidoo kalena kobciso koriinka kanaalkaaga.

Maqaalkan, waxaynu ka hadli doonaa –eebe idamkii- 3 fikradood oo ku saabsan curinta muuqaalada youtube, kuwaasoo kala ah:

Fikradda Koowaad: Raac Trend-Yada Jira

Trend baa dhamaada Trend kalena wuu bilaambaa, mar walbana waa inaad la socotaa Trend-yada ku khuseeya, waana inaad u isticmaashaa danahaaga, iyo danaha kanaalkaaga, si aad u koriso una hesho daawadayaal iyo taageerayaal badan oo cusub.

Adeegso Keywords-ka la xidhiidha majaalkaaga ama nuxurka aad kanaalkaaga ku bixiso, Keywords-kuna waa ereyada ay adeegsadaan daawadayaashu marka ay wax baadhayaan.

Aaladahan waxaad ka ogaan kartaa mugga raadinta Keywords-ka ay raadiyaan dawadayaashu:

Fikradda Labaad: Adeegso Cinwaannada Naxdinta Iyo Kuwa La Yaab Leh

Sida ay dadku buugaagta ugu qiimeeyaan cinwaankiisa iyo jaldigiisa hore, waxay sidoo kale muuqaaladana ku qiimeeyaan cinwaankiisa iyo thumbnail-kiisa hore.

Markaa fiiro gaar ah u yeelo cinwaanada iyo thumbnail-lada aad u adeegsanayso muuqaaladaada, si aad muuqaaladaada ugu soo jiiddo dawadayaal badan.

Tusaale ahaan, halkii aad ka odhan lahayd ama aad cinwaanka muuqaalkaaga ka dhigi lahayd  “SIDEE INTERNET-KA LACAG LOOGA SAMEEYAA“, ka dhig sidatan “SIDEE BAY IIGU SUURTAGASHAY INAAN INETERNET-KA BISHII KA SAMEEYO $1000

Dabcan cinwaanka hore ma xuma, hasa yeehsee kan danbe wuxuu soo jiidanayaa indhaha dadka, tasoo samaynaysa farqi weyn, markaa isku day inta karaan kaaga ah inaad cinwaanada muuqaaladaada ka dhigto kuwo soo jiidasho leh.

Laakiinse ka digtoonow, inaad daawadayaashaada marin habaabiso, oo aad been u sheegto ama aad aad uga bad-badiso, maxaa yeelay tani waxay dhibaato u keenaysan koriinka kanaalkaaga, waxaana dhacdo ah inaysan mardanbe ku daawanin daawadayaashaadu.

Waad ku sirin kartaa daawadayaasha inay furaan muuqaalkaaga, adigoo adeegsanaya cinwaano iyo thumbnail-yo soo jiidasho leh, isla mar ahaantaana aan la xidhiidhin muuqaalka, adigoo ujeedkaagu yahay hel dawadayaal badan ama samee lacag badan, iwm, hasa yeeshee maxaa dhici doona marka markaa xiga?.

Waxay u badan tahay (hadaysan ahaynba) inaysan mar kale kanaalkaaga daawanin, sidoo kalena aanay daawanin muuqaaladaada kale, maxaa yeelay been baad u sheegtay, taasoo keentay inaysan mar kale ku aaminin, kaana niyad jabaan.

Cinwaanka ula dhaqan sida ballan aad qaaday oo kale, marka aad muuqaalkaaga cinwaan ku soo qortana waxbaad ballan qaaday, waana inaad fulisaa ballantaa.

Fikradda Saddexaad: Soo Bandhig Wax Cusub Oo Aan La Filayn

Waxaa laga yaabaa xeeladani inay bilawga hore kuula muuqato xeelad layaab lrh, hasa yeeshee xaqiiqdu waxay leedahay taa bedelkeeda, maadaama muuqaalada youtube-ka ku jiraa badankoodu ay isku mid yihiin, gaar ahaan muuqaalada soomaalida, oo badankoodu ay isku mid yihiin, inta muuqaalada soocani soo gudbisana waa in dhif iyo naadir ah.

Taasi waa sababta fursadda caannimada ay u furan tahay dadyawga soo gudbiya nuxurka soocan, isla mar ahaantaana faa’iidada leh, waana inaad si weyn u tixgalisaa qodobkani, maxaa yeelay kaalin weyn buu ku leeyahay koboca kanaalkaaga.

Sii Daalaco: Fikradda Ah “Lacag Samaynta Internet-ka”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×