Sidee internet-ka lacag looga sameeyaa? waa su’aal xiiso leh, una baahan in fiiro gaar ah loo yeesho, loona arko siyaabo kala duwan, maxaa yeelay ilaa hadda waxaa jira dad aaminsan in aan internet-ka lacag laga samayn, oo fikir khaldan ka haysta “Lacag Samaynta Internet-ka“, iyo dad kale oo ku wareersan sida internet-ka lacag looga sameeyo, kana shakisanba fikradda ah “Lacag Samaynta Internet-ka“.
Halka ay jiraan dadyaw ka faa’idaystay internet-ka oo ka sameeyay lacago aan tiro ahaan yareen, iyagoo noloshooda iyo nolosha qoyskoodaba si buuxda isu bedeshay.
“Lacag Samaynta Internet-ka” ayaa laga yaabaa inay riyo u tahay dad badan, fikradda ah lahaanshiyaha mashruuc, kaasoo internetka lacag kaaga soo saara, misna ku siinaya fursad aad waqti kula qaadato qoyskaaga iyo asxaabtaada, dhab ahaantii waa fikrad soo jiidasho leh, in badan oo adduunka ku noolina kumannaan kun, xittaa malaayiin dollar ayay bishii internetka ka sameeyaan.
Tirada isticmaalayaasha internetka bishii Janaayo 2023 waxay gaartay 5.16 bilyan oo qof. Bal ila qiyaas oo ila suurayso in ay jiraan 5.16 bilyan oo qof oo jooga hal meel, adigoo walibana awood u leh inaad gaadho shacbiyad kasta oo iyaga ka mid ah, markaa miyaanay tani albaabbada u furayn fursado badan oo aan tiro-ahaan xad lahayn?.
Internet-ku waa meel uu qofku ku noqon karaan cidda uu rabo, isagoo waliba haysta fursado badan oo kala duwan, oo ay ka mid tahay lacag smaynta.
Waa muhiim in la ogaado hababka iyo waddoyinka kala duwan ee la marayo si internet-ka lacag looga sameeyo, ka hor inta aan la bilaabin, maxaa yeelay waxaa jira waddooyin qaadan doona dadaal iyo wakhti ka badan waddooyinka caadiga ah, taa bedelkeedana waxaad samayn doontaa dakhli dheeraad ah mustaqbalka.
Internetku waa meel aad ugu fiican ganacsatada, wuxuuna siisaa fursad weyn, taasoo ah inay malaayiin macaamiil ah heli karaan, wuxuuna internet-ku u noqotay aalad muhiim u ah.
Waxaa jira siyaabo badan oo internet-ka lacag looga sameeyo, mid ka mid ah siyaabaha ugu wanaagsan uguna wax tarka badan ee maanta jira waa in badeecad/adeeg lagu dhex iibiyo internetka dhexdeeda.
Internetku waxa uu bedelay hababkii dhaqameedka ahaa ee uu ganacsigu u socday, taasoo iyaduna bedeshay qaabkii aynu u noolayn, Internetka waxaa loo arkaa inuu yahay dahabka macluumaadka iyo xoga, iyadoo wakhti kasta iyo meel kastoo lagu sugan yahay laga heli karo xogaha la rabo.
Ma jiro amase way yar tahay maqaal ama qormo ka hadlaya “SIYAABAHA INTERNET-KA LACAG LOOGA SAMEEYO“, oo aan kaalinta koowaad ku jiran “GANACSIGA E-COMMERCE-GA AH“, waxaanna wada ogsoon nahay in ganacsiga e-commerce-ga ahi uusan wakhti xaadirkan kaliya ahayn doorasho furan, ee uu yahay doorosho lagama maarmaan ah.
6 Replies to “Fikradda Ah “Lacag Samaynta Internet-ka””
Mohamed bashir hassan
Jun 16, 2023
Masha Allah, runtee ustaad aad baad umahadsantaxay, waan la dhacay mowduucan, anigana waxaan kamid ahay dhalinyarada aaminsan in internetka in lacag laga sameen karo, lkn wali aan hilin xirfadahee ku haboonaa, insha allah waxaan rajaynayaa inaan ka faaidaysan doono, Adigana Jazaakallah
6 Replies to “Fikradda Ah “Lacag Samaynta Internet-ka””
Masha Allah, runtee ustaad aad baad umahadsantaxay, waan la dhacay mowduucan, anigana waxaan kamid ahay dhalinyarada aaminsan in internetka in lacag laga sameen karo, lkn wali aan hilin xirfadahee ku haboonaa, insha allah waxaan rajaynayaa inaan ka faaidaysan doono, Adigana Jazaakallah
thanks wll
Asc
Mahadsanid ustaad, aniga ahaan waan aminsanhy in internetku lacag lagasameyn karo balse wali maanan helin fursadas, xirfadaha iyo aqont ayaan filaa iney iga maqantahy ….suasheydu waxay tahay anigoo jooga kenya ecomerce mabilaawi karaaaa?? If yes meqo upfront investment ah ay iigabahanthy inaan ecomerce bussiness bilawo?
[…] Sii Daalaco: Fikradda Ah “Lacag Samaynta Internet-ka” […]
[…] Sii Daalaco: Fikradda Ah “Lacag Samaynta Internet-ka” […]