Kadib weerar lagu soo qaaday barta X, waxaa la diwaangaliyay in ku dhawaad 40kun oo ruux aynan gali karin akoonnada ay ku lahaayeen barta X, mulkiilaha X ee Elon Musk ayaa yidhi si degdega ayaan u xallinnay arrintaas.
Koox hackers ah ayaa ku lug lahaa weerarkaas lagu qaaday X, kooxdaas oo fadhiisinkoodu yahay dalka Ruushka.
SpyoSecure oo ah koox dhinaca cybersecurity-ga ka shaqaysa ayaa tibaaxday in kooxda Dark Storm ay sheegteen inay ahaayeen kuwa ka dambeeyay diidmada uu system-ka X diiday in ay dadku galaan, cilladdan oo lagu magacaabo Distributed-denial-of-service(DDoS).
Xigasho:- SpyoSecure
Telegram channel-kii ay soo dhigeen warka ay ku sheeganayaan weerarka ayaa hawada laga saaray maadaama uu khilaafayo shuruucda telegram, balse waxa barta X lasoo dhigan screenshots tusaya sheegashada kooxda Dark Storm iyo screenshots kale oo tusinaya dad gali kari la’ akoonnadooda ay X ku lahaayeen.
Ed krassenstien, oo ah qof baraha bulshada caan ka ah sidoo kale ka mid ah aasaasayaasha suuqa NFT-ga ee NFTz.me, ayaa bartiisa X ku sheegay inuu la xidhiidhay madaxa kooxda Dark Storm sheegtayna inay ka dambeeyeen falkaas.
Kooxdan Dark Storm oo ah koox qadiyadda falastiin aad u taageersan ayaa si firfircoon u hawlgalaysay tan iyo 2023kii, waxayna xidhiidh la leeyihiin dawladda Ruushka sidoo kale waxay beegsadaan dawladaha NATO.
Sidoo kale mulkiilaha X, Elon Musk ayaa qiray inuu weerarkan jiray, balse ay si degdeg ah u xalliyeen caqabaha la hor dhigay.
Waxa uu weerarkan dhacay iyada oo uu socdo olole ah “Take down Tesla” oo ka dhan ah shirkadda Tesla oo uu leeyahay Elon, maadaama waaxda dabagalka qarashaadka dawladda ee DOGE uuna isagu aasaasay ay shaqaalihii dawladda dabagashay oo qaar badanna shaqada ka caydhisay.
Elon Musk ayaa sheegay inuu aaminsan yahay inay samaynayaan wax sax ah, oo ay qarashaadka dawladda yaraynayaan.
Sidoo kale saamiga TSLA ayaa hoos u dhac weyn ku yimid, kaas oo gaadhaya 15%, qiimo ahaanna TSLA ayaa ku soo laabatay aagga $222.
Xigasho:- Google Finance
Guud ahaan TSLA waxay sannadkii hore kor u kacday 24%, iyada oo gaadhay meeshii u sarraysay 17kii December oo ahayd $480.
Our Courses
- Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
- Forex Trading A-Z Af-soomaali
- Website Design WordPress.
- Cisco Certified Network Associate (CCNA 200-301)
- Dropshipping Mastery Course
- Somali alibaba Online Course
- MongoDB No-SQL Database
- Ultimate react JS course
- HTML and CSS beginner to advanced Course
- Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
- Facebook Ads (Digital Marketing).
- Somali Alibaba Online Course.
- Git and Github Course
- Modern Javascript master Course
- Graphic Design Course.
- Basic Computer and Office Mastery.
- Premiere Pro (Video Editing).
- Python for beginners
- Blogging & Monetisation(WordPress).
- E-commerce Course.
- Tailwind CSS modern Course.
Our Services
- Website Design
- Business Consulting
- Digital Marketing