Waa Maxey Bitcoin ?

  • July 21, 2021
  • Comment 8



(adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});

 

Marka qofka aduunka igu taajirsan uu taageero u muujiyo Bitcoin, waxaa dareemeysaa in ay lacag jirto tahey.
Elon Musk ayaa u sheegay dadka baraha bulshada isticmaalo in Bitcoin ay tahey lacagta mustaqbal fog badali doonta lacagta aan hada isticmaalno.
faaladaas kaliyah ayaa hal mar kor u qaadey qiimaha sarifka ee Bitcoin-ka.

Wa maxey Bitcoin?

Bitcoin waxaa lagu qeexi karaa markii loo fiirinayo cryptocurrency ahaan, waa lacag ( Digital ama Virtual ah ) oo macnaheedu yahey lacag qaab elektaroonig ahaan ku shaqeyso.
Waa lacag aad shirkadaha iyo tukaamada aad wax oga iibsan kartid sida badeecadaha lkn shrikado badan baadan wax oga iibsan karin.
laakiin, waxaa soo badanayo markasta shirkada aqbalayo in wax looga iibsado Bitcoin.
October sanadkii hore , tusaale ahaan , xawaalada online ah ee la dhaho Paypal ayagaa usheegtay in ay macaamiisheeda itsicmaali karaan lacagta Bitcoin oo wax ku iibsan(Buy) karaan sidoo kalana iska iiibin( Sell) karaan.

Sidee dadka u heli karaan Bitcoin ?

Waxaa jiro sadex qaab oo dadka u heli karaan Bitcoin.
1. Waxad ku iibsan kartaa Bitcoin lacagta caadiga ah.
2. Waxad iska iibin kartaa shey sida guri ama badeecad kale adigoo dadka dhahayo Bitcoin ahaan lacagta igu siiya.
3. Waad abuuri kartaa Bitcoin adigoo isticmaalayo computer-ka.

Maxey Bitcoin qiimo badan u leedahay ?

Wax yaalo kale oo qiimo leh baa jiro oo aanan ahayn lacagta sida Dahabka iyo Dheymanka. Sidaas si la mid ah bey Bitcoin qiimo u yeelatey ayadana.

Maxey dadka u doonayaan Bitcoin ?

Bangiyada iyo dowladahaba midkoodna ma koontaroolaan lacagtan bitcoin. Taas baa keneyso in dad badan daneeyaan lacagtan.
Waxa xiisaha usii yeelayo waxa weeye, lacag malaayiin ah oo bitcoin ah hadii ay kusoo gasho, cid ku ogaaneyso maleh.

Sidee loo qotaa Bitcoin ?

Sidaan horey kusoo xusey, lacagta bitcoin sifooyinka loo helo waxaa ka mid ah in aad abuurtid.Taas oo macnaheedu tahay in aad qodotid( Mining ). waxaa u baahantahay computer xooog leh iyo internet markaad rabtid in aad qodotid bitcoin. qodoshada bitcoin waxey cuntaa koronto aad u badan marka bisha dhamaadkeeda waxaa sugtaa in lagugu soo dalaco koronto aad u badan.

Sidee loo maalgashtaa Bitcoin ?

Waad iibsan kartaa bitcoin, kadibna bilba bisha ka danbeyso qiimaheedu korbuu isii kacaa. laakiin waxaa jirta mar mar uu hoos udhaco tasoo keenta dad badan in ku qasaaraan suuqan.

Gunaanad

Waxaa talo ahaan ku siin lahaa in aad inta aad awoodid aad maalgashatid suuqan. $100 ilaa $1000 waad ku maalgashan kartaa suuqan. Waxaana macquul ah in aad 5 sano kadib ay kuu noqoto $35000.

8 Comments

  1. Zxpow aniga Bisha Ugu dambeyse MT4 Al Majid finance Aya iga maqan 700$ ah ilaa iyo hada war kama haayo maxa talo ah an sameya mazuul

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×