Bilaabidda Dukaan Online Ah
Waxa aan qarsoonayn in dunidu haatan ay marayso dhibaatooyin dhaqaale oo waaweyn oo heer walba leh, kuwaas oo ay ugu horreeyaan shaqo la’aan iyo mushahar yarida, taasoo dhallinyarada ku keentay inay dib u milicsadaan bilaabidda fikrado iyo mashaariicyo guul leh, waxaana sidoo kale shaki ku jirin bilaabidda dukaan online ah in ka mid tahay mashaariicda ugu guulaha badan wakhtiyadan danbe, waana waxa aynu ka hadlaynaa maanta –eebe idamkii-.
Waa Maxay Dukaanka Online-Ka Ah?
Dukaanka online-ka ah waa website ay macaamiishu booqan karaan, iyagoo iibsan karaan alaabada iyo adeegyada lagu bixiyo website-kaas.
Dukaanka online-ka ah wuxuu ku shaqeyn karaa noocyada kala duwan ee ganacsi sida B2C, B2B ama C2C. Haddii aad leedahay mehrad ama dukaan, ama aad tahay adeeg bixiye, waxaad mehradaada ama ganacsigaaga u badali kartaa qaab online ah, iyadoo kaliya kaaga baahan maalgashi yar.
Sidee Loo Bilaabaa Dukaanka Online-Ka Ah?
- Dooro fikradaada ganacsi: Talaabada ugu horeysa ee lagu dhisayo dukaanka online-ka ah waa ogaanshaha badeecadaha ama adeegyada aad u soo bandhigi doonto macaamiishaada.
- Samee falanqayn: Si aad u ogaato cidda kula tartameysa iyo suuqa aad ku tartamayso, samee falanqeyn buuxa adigoo dhan walba iska dul taagaya.
- Dhiso astaantaada: Marka aad aqoonsato suuqa aad beegsanayso iyo kuwa kula tartamaya, waa wakhtigii aad dooran lahayd magaca summada saxda ah ee ku habboon mashruucaaga.
- Dhiso Website: Shirkadeena Ka GELLE DIGITAL SERVICES, Waxaynu Ku Takhassusnay Samaynta, Qaabaynta Iyo Horumarinta Website-Yada, Haday Noqon Lahayd E-Commerce Website, Personal Website, Small Business Website, Portfolio Website, Blog Website, News Website, Educational Website, Event Website, IWM.
- Suuqgee dukaankaaga: dhis oo hirgeli istiraatiijiyad suuqgeyneed oo ku aadan sumaddaada ganacsiga. Sidoo kale wax ka baro SEO iyo SEM si uu wabsite kaagu u yeesho taraafik (booqdayaal) badan.
Faa’iidooyinka Uu Leeyahay Dukaanka Online-Ka Ah
Waxaa laga yaabaa inaad is weydiiso, “Maxaan ka faa’idayaa dukaanka online-ka ah, anigoo furan kara mid maxalli ah? Ama waa maxay faa’iidooyinka uu la dheeryahay dukaanka online-ka ah?
- Helitaanka: Haddii ganacsigaagu uu online yahay, macaamiishaadu waxay wax ka iibsan karaan dukaankaaga online-ka ah meel kasta oo ay joogaan. Si kale haddii loo dhigo, dukaankaaga online-ka ah ayaa laga heli karaa goob kasta iyo goor kasta oo la joogo.
- Kharashka lagu bilaabayo oo yar: furitaanka dukaanka online-ka ah waxay suurtagal u tahay heerar aad u macquul ah oo uma baahna maalgashi weyn oo bilaw ah.
- Soo koobidda wakhtiga: furitaanka dukaanka online-ka ah wuxuu u soo koobayaa ama uu u badbaadinyaa wakhti badan oo ay ku lumin lahaayeen shaqada, hadii uu maxalli ahaan lahaa ganacsigu.
- Korodhka Iibka: Wuxuu kodhinayaa iibka waliba si aan xad lahayn, waxaana dhici karta in kun qof ama 5 kun oo qof ay hal mar wax wada iibsan karaan, taas oo aan suurtagal ka ahayn ganacsiga maxalliga ah, oo uu u baahanayo shaqaalooyin badan.
- Soo bandhigidda tiro badeecado/adeegyo aan xad lahayn: dukaanka online-ka ah waxaa lagu soo bandhi karaa badeecado aan xad lahayn, taas oo uu u suutagalinaysa in ay macaamiishu iibsadaan waxa ay rabaan.
Isku soo wada duub, hadii aad si dhab ah u rabtid barashada ganacsiga iyo ka shaqaynteedaba waxaynu kuu diyaarinay koorso dhamaystiran, tasood ku baran doontid ganacsigan bilaw ilaa dhamaad.
Waxayna koorasani ku dhawaad gaadhaysaa ilaa 50 video, oo isugu jira Theory, Practise, iyo Presentation, kuwaas oo gacan weyn ka gaysanaya fahamka iyo ka mirodhalinta ganacsigan e-commerce ahi, adigoo awood buuxda u yeelan kara marka aad dhamaysato koorsadani inaad ganacsi kuu gaar ah bilaaban karto.
Hadii aad danaynayso koorsadan waynu kugu soo dhawaynyanaa, iskuna diyaari inaad dhaqaale ahaan madax-bannaanaan doonto –eebe idamkii- Yaa naga mid ah oo doonayya inuu gaaro madax-bannaani dhaqaale?
Ha Ka Waaban Inaad Nagala Soo Xidhiidho Whatspp Lambarkan: +252-90-5582875 Ama WhatsApp Link-Gan: https://wa.link/Zjb442, Ama Telegram Link: https://t.me/gellebashi, Ama aad gujjiso badhankan hoose.