4 Siyaabood Oo Aad Lacagtaada Ku Kaydsan Karto, Adigoon Noloshaada Hoos U Dhigin
Moha
8 Comments
August 9, 2023
4 Siyaabood Oo Aad Lacagtaada Ku Kaydsan Karto, Adigoon Noloshaada Hoos U Dhigin
Wakhti xaadirkan in lacag la kaydsao waxay u muuqataa mid adag, maadaama mushaharkii la qaadanayay uu si tartiib tartiib ah u kordhayo (amaba uusan kordhayn), kharashaadka maalinlaha ahna uu ka badan yahay sidii hore.
Dadka badankiisu riyada ah inay lacag kaydsadaa waxay u noqotay mid fog, halka dadka qaar kalena ay aaminsan yihiin in kaydtinta lacagta mustaqbalka si hadhoow loogu iibsado guryo iyo gawaadhi ay tahay ama ay la micno tahay inaad ku noolaato nolol hoose, iyo inaad xidhiidhada u goyso asxaabtaada, iyo qaraabadaadaba. (Laakiin tani waa mid ka fog xaqiiqda).
Maqaalkan waxaan ka soo xiganay qoraaga, “William Jolly“, oo uu nooga warramayo waayo-aragnimada uu u leeyahay mas’uuliyadda baahiyihiisa iyo tan qoyskiisa isagoo ilaalinaya farxadda noloshiisa.
U guur bandhiyada internetka, joojina inaad lacagtaada ku bixiso dhammaan waxyaabaha aan wax qiimo ah kuu keenin, taasina waxay ina gaadhsiinaysaa barta xigta.
2. Lacagtaada U Keydso Waxyaabaha Muhiimka Ah:
Haddii aad rabto inaad wax kaydsato, maaha inaad samayso liis xaashi oo ka kooban 1,000 saf, si aad u diiwaangeliso dhammaan kharashaadkaaga, ama aad noqoto mid aad u liita oo aad ku khasbanaato inaad dib u warshadaynayso ama dib u xaraashto waxyaabaha gurigaaga yaal.
Taas micnaheedu ma aha inaadan dhimayn waxyaabaha kaaga baxa kharashaadkaaga, waxaadna hubaal ahaan kartaa mid iska dhaafa gadashada kafeega maalin kasta (waa hadii aad tahay mid maalin katsa iibsada kafeega (Coffee), taasoo si fudud kuu kaydin karta lacago badan.
3. Ka Takhalus Kaararkaaga Deynta Ah:
Haddii ay kugu adag tahay inaad lacag kaydsato oo aad weli haysato kaarka deynta, iska saar oo ka takhalus.
8 Replies to “4 Siyaabood Oo Aad Lacagtaada Ku Kaydsan Karto, Adigoon Noloshaada Hoos U Dhigin”
Mnshalh horumar wacan
thanks wll
Thnks bro
welcome wll
Masha allh
Sare
1aad
2aad