Maamulaha Goldman Sachs David Solomon ayaa ku magacaabay Bitcoin oo ah cryptada tii ugu horreysay ee asalka ahayd inay tahay mid la saadaalin karo oo xiiso leh.
Maamulaha shirkaddan David Solomon uma arko Bitcoin inay khatar ku tahay dollarka balse waxa uu u arkaa inay tahay mid qiimo ugu fadhida baananka.
” Uma maleeyo Bitcoin mid khatar ku ah Dollarka” ayuu yidhi David Solomon 22 January waraysi uu siinayay wargayska CNBC Xilli uu ka qayb galay shirkii dhaqaalaha caalamka ee lagu qabtay Davos, Switzerland.
Solomon ayaa sheegay inuu yahay mid aad u aamminsan dollarka Bitcoin-tana waxa uu ku sheegay mid la saadaalin karo oo xiiso leh.
Waxa uu ku daray, teknooloojiyadda ay Bitcoin ku salaysan tahay waa mid ay shirkadda Goldman Sachs ay cilmibaadhis ku samaynayso si ay ugu tijaabiso maaliyadaha kale oo habsami ka fiican tii hore loo yeelo.
“Aad ayay muhiim u tahay” ayuu Solomon ku daray hadalkiisa, balse xeer ahaan waxa uu sheegay inay waxba iska baddalin dhinaca inta Bitcoin ee ay baananku inay haystaan u bannaan.
” Hadda ahaan, dhinaca sharciga haddii aan ka eegno, ma hantin marno Bitcoin, ma maamuli karno sidoo kale Bitcoin maba dhex gali karno“.
” Haddii adduunka wax iska baddalaan waan ka wada hadli lahayn” ayuu ku daray hadalkiisa.
Hadalka uu Solomon yidhi waxa uu la mid yahay kii uu yidhi Lee Bratcher oo ah madaxweynaha shirkadaha lagu magacaabo Texas Blockchain Council.
Bratcher ayaa u sheegay wargayska Cointelegraph in Coins-ka stable-ka ah ee ku xidhan dollarka ay kor u qaadayaan qiimaha dollarka maadaama sidii dollarka loo adeegsanayo.
” Haddaan rabno in sharafta Maraykanku sii jirto, waa inaan dollarka ku haynaa inuu sii ahaado lacagta ganacsi ee adduunka, si ay taasi u dhacdana waa inaan dhiirri galinna stablecoin-ka ku xidhan dollarka si bulshada caalamku ay dollarka u helaan” ayuu yidhi Bratcher.
DXY oo ah index-ka dollarka ayaa ah 108.310 oo kor u kacay 0.14% soddonkii maalmood ee la soo dhaafay, isla xilligan aan joogno Bitcoin waxay joogtaa $102,911, iyada oo kor u kacday 7.89%.
Waxaa la sheegay in shirkadda Goldman Sachs ay qorshaynayso inay soo saarto qayb shirkadda ka mid ah oo ka shaqaysa cryptada iyo Blockchain-ka.
Hadda ahaan, Mathew McDermott oo ah maamulaha guud ee qaybta digital-ka ah ee shirkadda Goldman Sachs ayaa sheegay in bilaabidda shirkaddaas ay qaaday karto min 12 bilood ilaa 18 bilood, iyada oo la sugayo inuu xeerku u oggolaado.
Our Courses
- Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
- Forex Trading A-Z Af-soomaali
- Website Design WordPress.
- Dropshipping Mastery Course
- Somali alibaba Online Course
- MongoDB No-SQL Database
- Ultimate react JS course
- HTML and CSS beginner to advanced Course
- Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
- Facebook Ads (Digital Marketing).
- Somali Alibaba Online Course.
- Git and Github Course
- Modern Javascript master Course
- Graphic Design Course.
- Basic Computer and Office Mastery.
- Premiere Pro (Video Editing).
- Blogging & Monetisation(WordPress).
- E-commerce Course.
- Tailwind CSS modern Course.
Our Services
- Website Design
- Business Consulting
- Digital Marketing