Bitcoin oo kor u dhaaftay 65K iyo ETF-yada oo maalgashi badan helay.

  • September 28, 2024
  • Comment 1

Bitcoin oo kor u dhaaftay 65K, 26kii September gallinkii dambe, ayaa waxa ay sababtay in ETF-yada American-ka ah inay soo gasho lacag dhan $360m oo lagu maalgasheday ETF-yadooda, kadib laba bilood oo wax naf leh aynan soo galin.

Wadarta guud ee soo gashay 11-ka ETF ee American-ka ah ayaa gaadhay $365.7m shalay 26 September sida uu sheegay wargayska Farside investor.

Lacagtii ugu badnayd ee soo gasha waxay ahayd $486m taariikhdu marka ay ahayd 22 july, 2024 taas oo ahayd maalinkii lixaad ee xidhiidh ah ee ay soo gasho lacag aad u badan.

ARK 21Shares Bitcoin ETF ayaa lacagta ugu badan soo gashay oo ah $113.8m, waxaana ku xiga BlackRock iShares Bitcoin Trust oo ay soo gashay hanti dhan $93.4m.

BlackRock maalinkii ay lacagta ugu badan soo gashay darraad 25 September ayay u ahayd maadaama ay soo gashay maalgashi dhan $184.4m.

Sidoo kale Fidelity Wise Origin Bitcoin Fund waxaa soo galay $74mBitwise Bitcoin ETFna $50.4m, VanEck Bitcoin ETF na $22.1m ayaa soo gashay shalay oo Kali ah.

Sidoo kale waxa ay wax yar soo galeen Invesco, Franklin iyo Valkyrie ETFs oo kala helay $6.5 million, $5.7 million iyo $4.6 million sida ay u kala horreeyaan.

Greyscale waa shirkadda kali ah ee ay wax ka baxeen shalay oo $7.7m ayaa ka baxday.

                                         Maalgashiga soo galay ETF-yada bisha September  Farside investor

Maalgashigan shalay soo galay ETF-yada American-ka ah waxa uu ka dhigaya wadarta guud ee maalgashiga soo galay ETF-yada ilaa iyo markii la ansixiyay hanti dhan $18.3B.

September 25keedii taxliiliyaha wargayska bloomberg ugu xilsaaran dhinaca ETF-yada Eric Balchunas, ayaa sheegay in iibsashada Spot Bitcoin ETF-yadu ay tahay kansho(Fursad) ah 92% oo aad ku heli karto 1million oo Bitcoin ah iyo kansho ah 83% oo aad ku dhaafi karto inta Bitcoin ee  satoshi nakamoto uu haysto.

Qiimaha spot Bitcoin waxa ay kaceen ku dhawaad 13% kadib markii Fed( Federal reserve) ay ku dhawaaqeen hoos u dhigidda xaddiga ribada ee baanka maraykanka.

Balse Spot Ethereum ETF-yadu ma helaan maalgashi intaas ka ag dhow maadaama 26 September ay wadarta guud ee ka baxday 9ka Spot Ethereum ETF-yada ay ahayd $100k

Inkasta oo BlackRock iyo Fidelity ay u heleen $15m Spot Ether ETF-yadooda, haddana Greyscale oo kor u qaadday khidmadda Spot Ethereum trust-geeda ayaa keentay inay ka baxdo hanti dhan $36m maalinkii khamiiseed.

Our Services
  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing
Our Courses
  • Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
  •  Website Design WordPress.
  • Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
  • Facebook Ads (Digital Marketing).
  • Somali Alibaba Online Course.
  • Graphic Design Course.
  • Basic Computer and Office  Mastery.
  • Premiere Pro (Video Editing).
  • Blogging & Monetisation(WordPress).
  • E-commerce Course.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×