Bitcoin ETF-yada ayaa suuqa crypto hadal hayn badan ku lahaa sannadkii aan soo dhaafnay ee 2024, balse ETF-yada oo suuqa ku cusbaa darteed maalgashi la mid ah sida kan hadda ay helayaan ma lahayn, lix maalin oo ka mid ah siddeeddii maalin ee suuqu ugu dhaqaaq fiicnaa BTC ETF-yada wax uun baa ka baxay maahin e ma helin maalgashi cusub.
Spot BTC ETF-yada fadhiisinkoodu yahay dalka Maraykanka ayaa diwaangaliyay ku dhawaad $1.9 billion oo maalgashi cusub ah maalinkii 3aad ee bishan January iyo shalay oo ahayd 6dii bisha, iyaga oo la moodo inay ka soo rogaal celiyeen hoos u dhici isku xig-xigay ee soo gaadhay bishii December ee sannadkii tagay.
Bitcoin ETF-yada ayaa soo jiitay maalgashi dhan $978.6 million maalinkii shalay, iyada oo maalgashiga ay ku hoggaaminayso shirkadda Fidelity wise origin Bitcoin fund oo ay soo gashay $370.2 million, halka ARK 21shares Bitcoin ETF iyo BlackRock iShares Bitcoin ETF ay soo galeen $153 million iyo $209 million sida ay isugu xigaan, waxayna sidaas ku noqdeen saddexda shirkad maalgashi ee crypto ee maalgashiga ugu badan helay sannadkan.
Bitwise Bitcoin ETF iyo Greyscale ayay wadar ahaan soo galeen $70 million, halka VanEck Bitcoin ETF iyo Franklin ETF ay kala heleen $17.3 million iyo $8.9 million sida ay isugu xigaan.
Spot ETF-yada Invesco, Valkyrie iyo Wisdom tree ayaa waxba aynan soo galin shalay.
Maalgashigii soo galay Bitcoin ETF-yada intii u dhaxaysay Dec 19 ilaa Jan 6, xigasho:- Farside Investor
Labada maalin ee suuqu u fiicnaa ETF-yada ayaa dib u soo celiyay $1.9 billion ee ka baxay maalgashigooda laga bilaabo Dec 19 ilaa Jan 2.
Marka lagu daro hantida soo galaysay maalmahan dambe, spot BTC ETF-yadu waxa ay guud ahaan heleen maalgashi dhan $36.9 billion min maalinkii la ansixiyay mashruucan.
BlackRock ayaa dhammaantood ku hoggaaminaysa $36.9 billion waxaana ku xigta Fidelity oo ay soo gashay $12.4 billion, dhinaca kale Greyscale celcelis ahaan waxaa ka baxday $21.4 billion.
Warbixin soo baxday October 25, sannadkii tagay ayaa sheegaysa in dadka badan ee shirkadaha ETF-yada ka iibsaday saamiyada aynan ahayn shirkadaha ama ganacsadeyaasha waaweyn balse ay tahay ganacsatada yaryar.
Tani waa sababta ay Bitwise u saadaalisay in Bitcoin ay $200,000 gaadhi doonto sannadkan iyo VanEck oo ayadna tidhi $180,000 ayay gaadhi.
Our Courses
- Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
- Forex Trading A-Z Af-soomaali
- Website Design WordPress.
- Dropshipping Mastery Course
- Somali alibaba Online Course
- MongoDB No-SQL Database
- Ultimate react JS course
- HTML and CSS beginner to advanced Course
- Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
- Facebook Ads (Digital Marketing).
- Somali Alibaba Online Course.
- Git and Github Course
- Modern Javascript master Course
- Graphic Design Course.
- Basic Computer and Office Mastery.
- Premiere Pro (Video Editing).
- Blogging & Monetisation(WordPress).
- E-commerce Course.
- Tailwind CSS modern Course.
Our Services
- Website Design
- Business Consulting
- Digital Marketing