

Waayadan dambe, adeegsiga CV-gu waxa uu noqday mid lama huraan ah, hadday tahay waxbarasho, shaqo iyo mid socdaalba…Taasi waa sababta aan had iyo jeer u raadinno sidii aan u qori lahayn CV qurux badan oo wanaagsan islamarkaana noo damaanad qaada inaan gaarno waxa aan hiigsaneyno. Shaki kuma jiro in CV-ga guuleysta uu ka tarjumayo guusha qofka iska leh. Haddaba maqaalkan, Kaliya kuguma hagi doono sidii aad u qori lahayd CV qurux badan, ee waxa aanu sidoo kale ku siin doonaa qaababka ama qaab-dhismeedka (Templates) CV-yada oo diyaarsan, Diyaarana u ah in la isticmaalo.
Maqaalkan, waxaad ka heli doontaa macluumaad ku saabsan: sida loo qoro qaybaha CV-ga tallaabo tallaabo, sida loo dhigo macluumaadka, maxay yihiin xirfadaha ugu muhiimsan ee lagu xusi karo iyo ilaha ugu wanaagsan ee naqshadaha CV-ga.
Marka ay timaado codsashada shaqo ama mid wax barasho jaamacadeed, CV-gu waa tigidhka aad ku heli lahyd fursada aad raadinayso. Laakiin sidee ayaad ku heli kartaa CV qurux badan oo xirfad leh oo ka dhex muuqda ama ka dhex soocaya codsadayaasha kale halkii lagu tuuri lahaa qashinka?
Runtii ma u baahan tahay inaad lacag bixiso si aad u hesho CV qurux badan? Taa beddelkeeda ma awoodaa inaad adigu sameyso? Dhab ahaantii, way ka sahlan tahay sidaad u malaynayso, qof kasta oo aqoon aasaasi ah leh wuxuu qori karaa ama samayn karaa qaab-dhismeedka (Templates) CV-ga iyadoo ay u sahlan tahay wax ka dadelkeed xilli kasta uu rabo qofku.
YouTube waxaad ka daalacan kartaa ood ka faa’idaysan kartaa tobaneeyo muuqaalo oo kaa caawiyaan inaad qorto CV qurux badan, Sidoo kale waxaa iyaguna jira tobaneeyo shabakado oo bilaash ah oo kaa caawiyaan qorista iyo helitaanka CV qurux badan oo diyaarsan, Diyaarana u ah in la isticmaalo.
Qaybta xogta shakhsiga ah ama Personal Details ee CV-gu waa qaybta koowaad waana qayb ka mid ah qaybaha ugu muhiimsan ee marxaladda qorista CV-ga, markaa waxaa muuqata inaadan khaladaad ka gelin qaybtan muhiimka ah. Waa maxay macluumaadka ay tahay in lagu xuso qaybtan?
Marka laga hadlayo macluumaadka ku habboon qaybta waxbarashada iyo aqoonta inta badan waxay la xidhiidhaan aqoontaada waxbarasho iyo waayo-aragnimadaada shaqo.
Dadka waayo-aragnimada shaqo hore u lahaa, waxay waayo-aragnimadooda gelin karaan goob gaar ah. Dadkani waxay ka hor marin karaan qaybta waayo-aragnimada shaqada tan waxbarashada iyo aqoonta.
Marka laga hadlayo dadka dhawaan dhameystay waxbarashadooda ama weli wax baranaya, waxaa habboon ama lagu la talinayaaba in si weyn xooga loo saaro qeybta waxbarashada iyo aqoonta oo lagu daro macluumaadyo faahfaahsan oo ku saabsan aqoonta waxbarasho ee ay halkaas ku kasbadeen.
Haddii aadan weli jaamacada dhamayn, waxaad qori kartaa waxbarashadii ugu danbaysay ee aad dhammeysay, waxaadna tilmaami kartaa inaad wali waxbarasho aad ku jirto, dhamaanaysana muddo cayiman (haduu eebe inagu simo). Tusaale ahaan, Waxbarashadu waxay ku bilaabantay taariikhdan, waxbarashaduna way socotaa (iyagoo xusay in la doorbidayo in la sheego taariikhda la filayo in ay dhamaanayso waxbarashadu). Sheegista taariikhaha heer kasta oo waxbarasho (bilwgeedii/dhamaadka) waa muhiim marka la qorayo CV-ga.
Haddii aad dhamaysay jaamacadda oo aad qaadatay koorsooyin la xidhiidha waxbarashadaadii, waxa aad dhammaan aqoonta waxbarasho ee aad leedahay ku dari kartaa qaybta waxbarashada iyo aqoonta ee CV-gaaga, iyada oo la xusayo taariikhda bilowga iyo dhammaadka waxbarasho kasta.
Dadka leh khibrad shaqo oo hore ama waayo-aragnimo hore, waxay samaysan karaan qayb khibrad shaqo kaliya waxayna ku qorayaan khibradda la xidhiidha goobta ay dalbanayaan. Tusaale Ahaan waxaad codsaneysaa barnaamij jaamacadeed si aad u barato caafimaadka, waxaa kaliaya kugu filan inaad sheegto khibrada shaqo ee aad u leedahay arrimahan.
Si cad, haddii aad tahay qoraa wax qora, ama aad tahay mid ka faallooda maqalka, ama tifaftira muuqaalka ama tarjuma, oo aad codsanayso barnaamij jaamacadeed ama aad ka shaqaynayso qaybta injineernimada, laguma talinayo inaad sheegto khibradaha shaqo ee aan la xidhiidhin goobtan. Haddii aad rabto inaad sheegto khibradaha shaqo ee aan la xidhiidhin shaqada aad codsanayso, waxaad ku xusi kartaa qaybta waxqabadyada manhajka (extracurricular pursuits) ee dhammaadka CV-gaaga.
Guud ahaan, Marka la dhisayo CV-ga, aqoonta iyo waayo-aragnimada waxaa loo habeeyaa ama la taxa ama loo xusaa siday u kala horreeyaan iyo kuwa ugu qadiimsan. Si kale haddii loo dhigo, waxaan marka hore taxaysaa ama aad xusaysaa shahaadooyinka akadeemiyadeed (waxaa lagu muujiyaa qaybta hoose ee aqoonta), ka dibna waxaad mid mid u taxsaa (xusaysaa) aqoontii u dambeeysay (oo lagu muujinayo qaybta sare ee aqoonta).
Markaad dhigato aqoon cilmiyeed ama koorso gaar ah, macluumaadkan soo socda ayaad ku dhex xusi karaa CV-gaaga:
Ka dib markii aannu ka soo hadalnay qaybaha ugu muhiimsan ee CV-ga oo ah qaybta macluumaadka shakhsi ahaaneed, qaybta waxbarashada iyo aqoonta iyo waayo-aragnimada, waxaan ku dari karnaa qayb si weyn u xoojin doonta CV-ga. Shahaadooyin noocee ah ayaa lagu dari karaa?
Ugu horrayn, Shahaadada waxaa lagu qeexi karaa dukumeenti cadeynaya heerka guusha ama wax qabadkiisa ama waaya aragnimada uu u leeyahay goob gaar ah. Caadi ahaan, waxaad heli kartaa shahaado ka dib marka aad dhammayso koorso aqooneed ama ka dib markaad ku gudubto imtixaanada khuseeya goobtaada waxbarasho ama midda shaqado.
Inta badan waxa diiradda la saaraa shahaadooyinka ay bixiyaan machadyada waxbarashada ama hay’adaha caalamiga ah iyo shirkadaha. Si gaar ah, waxaa habboon in la xuso shahaadooyinka la xiriira goobtaada waxbarasho iyo midda shaqado, kana fogaato inaad xusto ama aad taxdo shahaadooyinka koorsooyinka khadka tooska ah ee aad ka soo dhammaysatay ama ka qaadatay goobaha bilaashka ama xitaa kuwa lacagta ah.
Haysashada wax ka badan hal shahaado oo ka socota Udemy, tusaale ahaan, macnaheedu maaha in ku sheegista qaybtan ay wax badan ku caawin doonto. Laakiin haddii ay la xiriiraan goobtaada waxbarasho ama midda shaqo, sheegidda qaarkood waxay noqon kartaa doorasho furan.
Qaybta shahaadooyinka marka la qorayo, macluumaadka waxaa sidoo kale loo habeeyaa sida ay ukala horreeyeen. Iyadoo la xusayo magaca shahaadada, hay’adda abaal-marinta, taariikhda la helay iyo goobta (haddii ay suurtagalayso).
Laakiin ka waran haddii qofku aanu haysan wax shahaado ah?! Ma jirto wax dhibaato ah, ma jirto baahi loo qabo in xuso shahaadooyinka, kaliya haddii ay jirto macluumaad loo baahan yahay cadayntiisa ama hoos i manaya shahaada markaa waad xusi kartaa.
Marka la eego muhiimada ay u leeyihiin luqadaha qalaad CV-ga, had iyo jeer qayb dhan ayaa u heellan. Haddaba, Aynu ogaano sida loo kala sarraysiiyo luqadaha qalaad qaybtan.
U fiirso sida aan u kala hormarinay luqadaha markasta waxaa ugu horaynaya luqadda af-kaaga hooyo, kadibna luqadaha kale ayaa xigaya, iyaguna way kala sarreeyaan (Faxiix- Dhexdhexaad-ilaa bilawga oo ugu hooseeya) waana tallaabo lagama maarmaan ah markaad qoreyso CV-ga.
Inta badan qaab-dhismeedka (Templates) CV-ga ee horay loo sameeyay ayaa noo ogolaanaya inaan doorano heerka saxda ah, waxaana jira lix heer luqadeed oo kala duwan oo laga yaabo in lagu qeexo qaab-dhismeedka. A1, A2, B1, B2, iyo C1.
Maadaama ay luqad kasta oo adduunka ka mid ah ay leedahay afar xirfadood oo ay yihiin: xirfada dhegeysiga, xirfada akhriska, xirfad ku hadalka iyo xirfad qoraalka, qaar ka mid ah qaababka (Templates) CV-yada ee diyaarsan ayaa inta badan bixiya ikhtiyaarka lagu cusboonaysiinayo heerka ku habboon xirfad kasta. Laakiin inta badan way ku filan tahay in la go’aamiyo heerka luqadda guud ahaan.
Qaybta luqadda marka aad qorayso CV-gaaga aad bay muhiim u tahay haddii aad qorshaynayso inaad ka codsato barnaamij kasta oo waxbarasho jaamacad si aad dibedda wax uga barato ama haddii aad rabto inaad ka codsato fursadaha aad kaga shaqaysan lahayd shirkadaha caalamiga ah, maadaama isgaadhsiinta inta badan ay u baahan tahay inaad ku hadasho luqado oo aan ahayn afkaaga hooyo.
Ugu dambeyntii, qaybo kale ayaa lagu dari karaa qaab-dhismeedka (Templates) CV-ga iyadoo lagu saleynayo shahaadooyinkaaga.
In kasta oo nuxurka guusha CV kasta ay tahay in la xuso macluumaadka la xidhiidha goobtaada waxbarasho, shaqo ama waayo-aragnimo, laakiin mararka qaarkood qaarkood waxay door bidaan inay sheegaan xirfado dheeraad ah oo muujinaya xiisaha ay u qabaan dhinacyada kale ee la xidhiidha tignoolajiyada, diiradda, awoodda shaqo ee a koox iwm. Tusaalooyinka caanka ah waa:
Waxaad dooran kartaa xirfadaha kaa sooca kuwa kale, xirfadaha ugu muhiimsan ee loo isticmaalo marka la qorayo CV-ga waa:
Marka la eego doorka muhiimka ah ee tignoolajiyada ay ka ciyaarto nolol maalmeedkeena, haysashada xirfadaha kumbuyuutarka ee farsamada waxay noqotay lama huraan si loo codsado fursad kasta oo shaqo. Markaad baranayso sida loo qoro CV, waxaad isticmaali kartaa mid ka mid ah xirfadahan soo socda haddii aad leedahay:
Xirfadaha jilicsan ama soft skills waa xirfadaha muujiya kartida aad u leedahay inaad la xiriirto, diirada saarto, u fakarto si dhab ah, maareyso arimaha cakkiran, iwm. Xirfadaha jilicsan ee ugu muhiimsan ee lagu sheego CV-yada waa:
Goobo ama shabakado badan ayaa ka jira online-ka kuwaas oo aad ku dhisi karto qaab-dhismeedka (Template) CV-ga, laakiin dhibaatadu waxay tahay inta badan goobahan ayaa u baahan lacag-bixin ka dib marka aad tafatirto CV-gaaga oo aad damacdo inaad daabacdo ama aad la soo dagdo.
Waxa aanu baranay sida loo qoro CV qurux badan, Haatanna aanu baranno goobaha ugu wanaagsan ee laga helo qaab-dhismeedka (Template) CV-yada iyagoo bilaash ah, oo aad isticmaali karto xilli walba si aad u hesho qaab-dhismeed (Template) diyaarsan, waxnana ka badali karto, soona dajisan karto si bilaash ah.
Haddii aad internetka ka raadiso qaab-dhismeedyada (Templates) CV-ga waxaad heli doontaa tobaneeyo shabakado oo kala duwan oo midba midka kale ka adeegyo dheeryahay. laakiin kuwa aan kor ku soo xusnay ayaa kugu filan amase kaa badan mararka qaar kood, buuxinayana baahiyahaaga.
Sii Daalaco: Sideed U Noqon Kartaa Naqshadeeye Guulaysta?
qorista CV qurux badan waa arin u baahan dadaal iyo waqti, sidaan hore u soo sheegnayna CV-gu waa tigidhka aad ku heli lahyd fursada aad raadinayso. Sidaa darteed, waxaa habboon in si fiican looga shaqeeyo samaynta CV qurux badan, oo loo habeeyo qaab habaysan oo sahlan. Caadi ahaanta CV-gu ka ma badto laba bog (marka laga reebo xaalado gaar ah).
8 Replies to “Sida Loo Qoro CV Qurux Badan”
Omar
thanks wll
Thanks
thanks wll
Great information. Lucky me I came across your blog by chance (stumbleupon).I have saved it for later!
THANKS WLL
Hey, thanks for the blog article.Thanks Again. Fantastic.
Waxaan doonayaa in lay isameeyo cv aad u fah fahaasan oo sawirkayguna ku yaalo