ETFs ( Exchange-traded funds).

  • August 28, 2024
  • Comment 0

ETF(Exchange-traded funds)

ETF(Exchange-traded funds) waxay u shaqeeyaan qaab ah fududaynta gadashada cryptaha adiga oo aan la xidhiidhin crypto exchange balse aad ka gadan karto cryptada saami ka mid ah brokerrada ama dillaallada suuqyada financial-ka ah ka shaqeeya sida Charles Schwab, fidelity…IWM, waxaad gadanaysaa ma aha bitcoin adigu aad leedahay ee waa saami ka mid ah bitcoin-ta ay haystaan shirkadda aad saamiga ka iibsanayso.

Bitcoin ETF-kii ugu horreeyay waxaa la sameeyay 2013kii oo Cameron and Tyler Winkelvoss ay aas-aaseen balse lama diwaan-galin xilligaas.

Kadib jan 10,2024 markii SEC( securities and exchange commission) oo ah haayad madax bannaan oo kala hagta maamushana suuqyada financial-ka ah sharciyadana siisa shirkadaha maalgashiyeed ay ansixisay spot Bitcoin ETFs waxaa cirka isku shareeray qiimaha bitcoin markii ay dhammaatay bisha january oo hoos u dhac ku yimid.

Hoos u dhacaas qaar xeel-dheerayaasha suuqa ka mid ah waxay shegeen inuu sababay is-baddalka ay sameeyeen shirkadaha ETF-yada leh oo galay xaalad kala wareeg oo ay hantidooda bitcoin ah ay ka dhigayeen spot bitcoin ETFs iyo maalgashadeyaasha saamiga ka haystay ETF-yada oo saamiyadii iska iibiyay maadaama  kor loogu qaaday Comission-kii laga qaadayay.

Sidoo kale spot Ethereum ETFs ayay SEC ansixisay july 2024 balse dhaqaaq sida bitcoin fiican maynan samayn Ether, waxaase la filayaa in ay kor u kici doonto sida bitcoin maadaama ay maalgashi horleh heli karto xilli kasta.

Shirkadaha spot bitcoin ETF-yada ugu waaweyn waa BlackRock iyo greyscale oo wadar ahaan haysta 600k bitcoin.

Sidoo kale waxaa jira Futures ETFs oo ka duwan Spot ETFs.

Waxay ku kala duwan yihiin habka ay u shaqeynayaan oo spot bitcoin ETFs waxay ku dhisan yihiin dhaqaaqa suuqa ee wakhti xaadirkan sida uu yahay oo waxa uu ku xidhan yahay sida ay u dhaqaaq fiican yihiin ama u dhaqaaq xun yihiin,

Haddii aan soo bandhigno waxa ay ku kala duwan yihiin labada ETF waa :-

  Spot etfs

  • Waxay u dhigantaa bitcoin-ka ay shirkaddu haysato.
  • qiimaha bitcoin ay wakhti xaadirkan socoto ayaa saameeya.
  • khatarta ka dhalan karta waxay la mid tahay khatarta haddii aad bitcoin iibsato ka dhalan lahayd.

  Futures etfs

  • waxay u dhigantaa contract(qandaraasyada) mustaqbalka ee bitcoin lagu galay.
  • waxaa saameeya qiimaha qandaraasyada mustaqbalka ee la Kala gadanayo.
  • khatarta ka dhalan karta waa mid la xidhiidha qandaraasyada mustaqbalka sida ay waxtar u yeeshaan iyo dhaqaaqa xooggan ee ay sameeyaan sidoo kale waxaa si dadban u saameeya qiimaha bitcoin.

Futures bitcoin ETFs-kii ugu horreeyay oo ay proShares bitcoin strategy ETFs lahayd ayay SEC ansixisay October, 2021.

Futures contracts ( qandaraasyada mustaqbalka) waxaan ku sharrixi doonna maqaallada soo socda insha’Allah.

 

Our Services

  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing

Our Courses

  • Crypto Bilaw Ilaa Dhamaad Af:Somali Course
  • Ecommerce & Marketing Course
  • Graphic Design Course-Master Class
  • Video Editing in CapCut | Beginner to Pro | Desktop + Mobile Course
  • Basic Computer And Office Mastery
  • Blogging Google AdSense Course
  • Somali Alibaba Online Course.

WhatsApp-keenna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×