Afar Xaqiiqo Oo Ku Saabsan Ganacsiga E-Commerce Bisha Ramadaan

Afar Xaqiiqo Oo Ku Saabsan Ganacsiga E-Commerce Bisha Ramadaan
  • April 2, 2023
  • Comment 0

Afar Xaqiiqo Oo Ku Saabsan Ganacsiga E-Commerce Bisha Ramadaan

Ganacsade kastaa waxa uu danaynayaa in uu kordhiyo iibkiisa, Ramadaantuna waa fursadii uu ku kordhin lahaa iibkiisa. Maqaalkan, waxaynu dul istaagaynaa xaqiiqooyinka aad uga baahan tahay dabeecadda ganacsiga e-commerce ah bisha Ramadaan – inagoo ka hadlayna heerka isticmaalka internetka, badeecada aadka loo codsado, iyo waqtiyada wax iibsiga. Waxaasoo dhamina waxay awood kuu siinayaan, kuuna fududaynayaan inaad si fudud u horumariso qorshehaaga suuqgeyneed, kaasoo kaa caawinaya inaad kordhiso iibkaaga.

Bisha Ramadaan, waxaa sare u kaca qiimaha dalabka, hab-dhaqanka macaamiisha iyo waqtiyada dhaqdhaqaaqa baraha bulshada, iyadoo isbeddel uu ku imanayo hab-socodka nolosha qofka inta lagu jiro bishan barakeysan, suuqa bisha Ramadaan waa mid gaar ah… Maxay tani ka dhigan tahay?

Sadarada soo socda, waxaan si wadajir ku ogaan doonnaa innagoo soo bandhigayna afar xaqiiqo oo ku saabsan ganacsiga e-commerce bisha Ramadaan. Marka la eego dabeecadda suuqa, hab-dhaqanka macaamiisha, badeecadaha ugu iibsiga badan iyo qaybaha ugu koritaanka badan inta lagu jiro bishan barakeysan.

Haddii aad tahay ganacsade leh dukaan online ah ama aad rabto in aad bilowdo ganacsigaaga e-commerce ahi inta lagu guda jiro bisha Ramadaan, markaa maqaalkani waa kaagii.

Kow: Qiimaha iibka alaabooyinka tafaariiqda ah ayaa kor u kaca 10-ka maalmood ee ka horreeya Ramadaanta, intaa ka dib waxay bilaabaan inay hoos u dhacaan ka dib 10-ka maalmood ee ugu horreeya bisha Ramadaan.

Dhaqdhaqaaqa ganacsiga ayaa bilaaba inuu kordho ka hor bisha barakeysan ee Ramadaan si loogu diyaar garoobo bishan, isla mar ahaantaana la buuxiyo meelihii ka bannaanaa ganacsiga.

Dhaqdhaqaaqa ganacsi ee firfircoon wuxuu socdaa inta lagu guda jiro labada toddobaad ee ugu horreeya bisha barakeysan, taas oo ka muuqata kororka iibka suuqyada ee heerarka kala duwan iyadoo ku xiran nooca badeecadaha iyo adeegyada ay bixiyaan suuqyadaas.

Labaad: Qiimaha dalabka dharka iyo ballansashada duulimaadyada ayaa kordhay usbuuca u dambeeya bisha Ramadaan

Toddobaadka u dambeeya, dalabaadka/iibsiga alaabaha tafaariiqda (gaar ahaan dharka) ayaa kor u kaca 67% iyo ballansashada duulimaadyada iyo safarada 14%, sababyuna waa ah diyaargarowga maalinta ciida.

Saddexaad: Heerka isticmaalka internet-ka ayaa marna kordha, marna hoos u dhaca

Isbeddelka waqtiyada hurdada (inaad soo toosto ama soo kacdo waaberiga hore si aad u cunto suxuurtaadii) iyo wakhtiyada cuntada (inaad affurto qorrax dhaca ka dib ama eedaanka salaada makhrib ka dib) waxay saameeyaan wakhtiga dhaqdhaqaaqa internetka. Wakhtiyada affurka ee 6-7 habeenimo, waxaa hoos u dhaca heerka isticmaalka internetka, wuxuuna kor u kacaa saacadaha hore ee waaberiga (afar subaxnimo)), waxaana kordha iibka. Ramadaankii hore ee 2020, iibka tafaariiqda ayaa kordhay 17% saacadu markay ahayd 4 subaxnimo.

Afaraad: Raashinku waa kuwa ugu dalabka iyo iibka badan bisha Ramadaanka

Qaybta dalabaadka cuntada iyo rashiinka ayaa qayb libaax ka qaata marka loo eego baahida qofka, iyadoo ay kor u kacday baahida cunnada ee shakhsiyaadka iyo qiimaha ay ku iibsadaan cuntada, gaar ahaan timirta, casiirka, caano fadhi, iyo sidoo kale nacnac.

Qeybaha dharka, barafuunnada, safarrada iyo dalxiisyada ayaa ah kuwa baahi weyn loo qabo iyadoo shaqsiyaadka ay isu diyaarinayaan ciidda.

Gabagabadii, waxaan dhihi karnaa bisha Ramadaan waxay leedahay astaamo u gaar ah oo ay tahay in lagu xisaabtamo si aad u gaarto faa’iidooyinkeeda ugu badan, korna u qaado iibkaaga, iyo guud ahaan ganacsigaaga, baahida loo qabo wax iibsiga online-ka ah iyo wax ka dhex iibsashada internetka ayaa si aad ah u kordheysa bisha ramadaan, taas oo ka dhigaysa ganacsatada inay doorbidaan ganacsigan e-commerce ah.

Haddii aad tahay mulkiile ganacsi oo aanad lahayn dukaan online ah, wax badan ayaa kaa maqan, oo aad wayday!

Se haddii aad ka fekereyso inaad bilowdo ganacsi kuu gaar ah, samee dukaankaaga online isla wakhti xaadirkan!

Adigoo isla haddadan naga soo dalban kara dukaan waafaqsan mehradaada iyo dabeecadda ganacsigaaga!

Kaliya nala soo xidhiidh, muddo koobanna ku hel dukaankaagii!

Hadaynu nahay GELLE DIGITAL SERVICES, macmiil waxaynu kuu dhisaynaa website ka midho dhaliya yoolalkaaga!

Ha Ka Waaban Inaad Nagala Soo Xidhiidho Whatspp Lambarkan: +252-90-5582875 Ama WhatsApp Link-Gan: Https://Wa.Link/Zjb442, Ama Telegram Link-ga: Https://T.Me/Gellebashir amaba guji badhaka hoose.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×