Habka Loo Furo Dukaan Online Ah Oo Guulaysta
Wakhti xaadirkan inaad furto dukaan online ah aad bay u fudud tahay, hasa yeeshee inaad ka guul ka gaadhaa aad bay adag tahay.
Dukaanka online-ka ah ee guulaystaa wuxuu u baahan yahay dadaal joogto ah, hormarin joogto ah, qorshe bedelid joogto ah, suuqgeyn joogto ah, iwm.
Run ahaantii guusha dukaanka online-ka ah waxay ku xidhan tahay arimo fara badan, oo badan, oo badan.
Hasa yeeshee kaliya waxaynu ka hadli doonoaa -eebe idamkii- saddex qodob oo aynu u aragnay inay tahay qodobada aasaasiga ah, ee ay lama huraanka tahay in si weyn loo tixgaliyo, waxayna kala yihiin:
1. Doorashada Badeecad/Adeeg
Doorashada badeecadda/adeega aad iibinayso waa tallaabada ugu horreaysa, uguna muhiimsan, maxaa yeelay waa waxa aynu ku dhisayno tallaabooyinkeena xiga.
Inta aanad dooran waxa aad rabto inaad dukaankaaga ku iibiso, ugu horrayn hubi heerka ama xajmiga suuqa.
Amaba si kooban daraasad kooban samee, oo ku saabsiisan baaxadda suuga inta ay le’eg tahay, oo is weydii su’aashan, badeecadan ama adeegan aan rabo inaan iibiyo suuq intee le’eg buu leeyahay.
Tusaale suuqa dharku wuu ka baaxad weyn yahay suuqa eletarooniga, maxaa yeelay dharku ama maryuhu waxay ka mid yihiin waxyaabaha aasaasiga ah, ee aanuu bini’aadamku ka maarmi karin.
Mid ogsoonoow tallaabada waa tallaabada ugu muhiimsan, waxayna si weyn uga qayb qaadanaysaa guusha ama guuldarrada dukaankaaga.
Sidaa darteed waa inaad tixgalin gaar ah aad siisaa, ugu yaraan wakhti xoogaa ah geli daraasaynta suuqa, iyo macaamiisha.
2. Yeelashada Dukaan
Tallaabada xigata waa yeelashada dukaan online ah.
Si fudud, dooro madasha ku habboon mashruucaaga ama ku habboon nooca waxa aad rabto inaad iibiso, adigoo baadhitaan iyo is-barbardhig ku samaynaya goobaha bixiya adeegyada yeelashada dukaan online ah.
Qaar ka mid ah goobaha bixiya adeega yeelashada dukaan online ah waxaa ka mid ah:
- Shopify (ugu caansan)
- WooCommerce (WordPress (kaalinta labaad))
- Wix
- BigCommerce
- Squarespace
- Ecwid
- Iyo qaar kaloo badan
Goobahan badankoodu waa goobo aan u baahnayn inuu qofku khabiir ku yahay coding-ka ama programming-ka, kaliya waa drag and drop, taasoo fudaydinaysa yeelashada dukaan online ah.
3. Suuqgeyn
Tallaabadan weeye tallaabada ugu adag, waana sidii aad ku suuqgeyn lahayd dukaankaana, dadkana u tusin lahayd waxa aad iibiso, si lagaaga iibsado.
Qaar ka mid ah hababka suuqgeyneed ee uu ku guulaysan karo dukaankaaga online-ka ah waxaa ka mid ah:
- Inaad isticmaasho baraha bulshada, oo aad halkaa isugu suuqgeyso.
- Inaad yeelato list email ah, si aad email marketing ahaan ugu suuqgeyso.
- Inaad dukaankaaga ku soo daabacdo qormooyin talo bixin ah, oo si guud ku saabsan waxa aad rabto inaad iibiso.
- Inaad isticmaasho xayaysiimaha lacagta ah, sida Google, Facebook, Instagram, iwm.
Hababkani waxay kaa caawinayaan inaad suuqgeyso dukaankaaga online-ka ah, misna aad dad badan gaarsiiso.
Ugu Danbayntii
Guusha dukaankaaaga online-ka ah waxay ku xidhnaandoonaa, sida aad aqoon ahaan u tayaysan tahay, sida aad badeecaddaada/adeegaaga iyo macaamiishooda aad u fahamsan tahay, sida aad dukaankaaga u suuqgeyn taqaan, sida aad sida joogtada ah isu hormarinayso, adiga iyo dukaankaagaba.
Hadii aad si saxan u fuliso qodobadan, iyo kuwo kaleba, fursada guusha dukaankaagu aad bay u sarrayn doontaa, -eebe idamkii.
Hadiise aad rabto inaad hormariso xirfaddaada ku aadan yeelashada dukaan online ah, waxaan kugu la talin lahayn inaad qaadato koorsadan hoos ku xusan.
Tusaalena inagaa kaaga filan, si aan koorsada hoos ku xusan aan u suuqgeyno, waxaan soo daabacnay qormadan aad hadda akhrisanayso, oo talo bixin iyo tilmaan soo jeedin ah, isla mar ahaantaana tayo leh, taasoo suuqgeyn u ah.
Sidaa dareed, ku soo dhawoow mid ka mid ah koorsooyinkeena, sidoo kalena ku soo dhawoow academy-deena.