Bitcoin waxa ay qarka u saaran tahay in ay hoos u sii socoto kadib marka Maraykanku cashuur ku soo rogay dalalka caalamka badankood, ma u eegtahay inay soo laamayso hoos u dhacii 2021ka?
Bitcoin ayaa jihada baddalatay kadib cashuuraha Trump iyada oo u socota qiimahii 2021ka ay joogtay!
sidoo kale waxa ay jabisay support-yadii ka caawin lahaa kor u kaca ama laga filanayay inay ka kacdo oo waxa ay isu baddaleen resistance uu suuqu hoos uga sii dhaadhici doono.
Warkii CPI-ga oo soo bixi doona toddobaadkan isna waxaa saamayntiisa badin doonta cashuurahan maalmahii dhawayd la soo rogay.
Crypto-layda iyo traders-ka kale ayaa sawiranaya hoos u dhac la mid ah kii 1987kii iyo kii COVID –19 ee suuqu aadka u daatay.
Dadkii Bitcoin rajada weyn ka lahaa oo ay u badan tahay inay is dhiibeen oo ay samaynayaan iska iibin degdeg ah (panic sell).
Hoos u dhaca Bitcoin oo qiimaha keenay meelihii u sarreeyay 2021.
Bitcoin waxa ay ku dhowdahay inay ka hoos marto meeshii hore ee ugu sarraysay 2024ka bishii march, sida ay sheegayaan xog ka soo baxday Cointelegraph iyo shaxda Tradingview.
BTC/USDT xigasho:- Tradingview
Kadib markii Bitcoin ay ka hoos martay $75,000 markii ugu horreysay laga soo bilaabo November, Bitcoin waxa ay si degdeg ah ugu soo laabanaysaa supports raagay oo aasaasmay sannadkii 2021ka.
“Tani waa fursaddii ugu dambaysay ee Bitcoin ay ku ilaashan lahayd kor u socodkeeda” ayuu ku yidhi Kevin Svenson bartiisa X.
Bitcoin shaxda 1-maalin laha ah xigasho:- Kevin Svenson.
Waxaa ka mid ah trend-lineska lumiyay support-nimadooda exponential moving average -ka (EMA) 50 toddobaadlaha ah kaas oo ahaa $77,000.
Bartiisa X ayuu ku sheegay CrypNuevo oo ah trader in qiimaha oo ka hoos mara support-gaas ay isaga u tahay mid tusinaya hoos u sii socoshada suuqa.
Sidoo kale waxa uu sheegay haddii inta hoos laga maro haddana kor kiisa lagu soo laabto oo uu suuqu ku xidhmo, inuu u qaadan doono meel adag oo kor u kac tilmaamaysa.
BTC/USDT iyo 50-weeks (EMA), xigasho:- CrypNuevo.
Sidoo kale waxaa la arkaa in fikraddii kor u kaca ee badanaa dadka suuqa ka ganacsada ay ka haysteen Bitcoin ay soo yaraanayso, rajadii laga qabayna ay quus isu beddelayso haddii warka CPI-ga ee khamiista 10ka April soo baxaya uunan suuqa wax ka beddelin.
Sidoo kale waxaa meeshii u hooseysay taagan indicator-ka fear and greed kaas oo jooga meeshii ugu cabsida badnayd.
Fear & greed index xigasho:- CNN.
Si kasta oo ay ahaato waxaa la arkaa hoos u dhaca suuqa waana wax soo jireen ah, balse waa muddo kooban, waxaana hubaal ah in la arki doono qiimo ka sarreeya meeshii u sarraysay ee uu suuqu gaadhay goor ay ahaataba.
Our Courses
- Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
- Forex Trading A-Z Af-soomaali
- Website Design WordPress.
- Cisco Certified Network Associate (CCNA 200-301)
- Dropshipping Mastery Course
- Somali alibaba Online Course
- MongoDB No-SQL Database
- Ultimate react JS course
- HTML and CSS beginner to advanced Course
- Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
- Facebook Ads (Digital Marketing).
- Somali Alibaba Online Course.
- Git and Github Course
- Modern Javascript master Course
- Graphic Design Course.
- Basic Computer and Office Mastery.
- Premiere Pro (Video Editing).
- Python for beginners
- Blogging & Monetisation(WordPress).
- E-commerce Course.
- Tailwind CSS modern Course.
Our Services
- Website Design
- Business Consulting
- Digital Marketing