

Waxa lagu ogaaday ra’yi ururin ay samaysay Gartner oo ah shirkad cilmi-baadhis ku samaysa suuqa, in 89% tartanka suuqa soo socda uu noqon doono dhinaca khibradda macaamiisha, taas oo la macno ah in shirkaduhu ay ka shaqayn doonaan sidii ay faa’iido u heli lahaayeen, isla markaana ay u kordhin lahaayeen iibka, iyadoo laga faa’iidaysanayyo khibradda macaamiisha.
– Macmiilka kaliya ma ahan kan wax kaa iibsada, bal se waa qofka xiiseeya macluumaadka iyo xogaha ku saabsiisan badeecaddas ama si guud, ku saabsiisan shirkadaada ama ganacsigaaga.
Khibrada adeegga macaamiishu waa mid ka mid ah waayo-aragnimada gaarka ah, maadaama ay kuu horseedayso inaad la macaamilto qaybaha kala duwan ee macaamiisha, laga bilaabo macmiilka suurtagalka ah ee wax ka akhriya badeecadaada ama ka maqlay, iyo macmiilka difaacayya alaabtaada sida inuu isagu leeyahay alaabta.
Sidaa darteed, waxaa lagama maarmaan noqotay in la ogaado nooc kasta oo macmiil ah; Si loo horumariyo istiraatiijiyadda ku habboon ee lagula tacaali karo macmiil kasta.
Maqaalkan, waxaan ka wada hadli doonaa sifooyinka ama astaamaha noocyada macaamiisha ugu muhiimsan, iyo sida ugu wanaagsan ee aad ula macaamili karto mid kasta oo iyaga ka mid ah, si loo helo qanacsanaanta ugu badan.
Waa qofka bartay alaabtaada ama adeegaaga markii ugu horeysay, waxaana laga yaabaa inuu ka arkay xayaysiisyada, talo bixin ka timid asxaabtiisa/teeda, ama baraha bulshada. Laakiin dhab ahaantii qofka noocaan ah looma tixgelin karo macmiil, maadaama uu san jirin wax xidhiidh ah oo ka dhexeeya isaga iyo alaabta ama adeegga.
Haddaba, macmiilkani waxa uu u baahan yahay fiiro gaar ah, si uu xiisihiisa alaabtaada uu u noqdo mid ku qanacsan oo la dhacsan oo uu u noqdo macmiil dhab ah. waxaadna u baahan tahay inaad qaado tilaabooykan soo socda:
Run ahaantii, waxa kaliya ee aad qabatay tallaabadii hore, waa inaad macamiilka iman kara aad u badashay macmiil cusub, kadib markii aad ku qancisay Alaabtaada ama adeegaaga, laakiin markan si ka duwan sidii hore ayaa loola dhaqmayaa:
Waa macmiilka dhabta ah ee qaadan kara eraygan MACMIIL, wuxuuna sii wattaa iibsiga alaabtaada iyo adeegaaga, isagoo qiimaynaya qiimaha ugu macquulsan ee uu ku heli karo alaabtaada ama adeegaaga, xitaa haduusan awoodin, Sidaa darteed, macmiilka noocaan ahi waa in lagu ilaaliyaa istiraatiijiyad gaar ah oo leh tillaabooyinka soo socda:
Macmiilka noocaan ahi waxa uu jecel yahay alaabtaada ama adeegaada, isaga oo aan eegayn waxa ay tartamayaashu suuqa ku soo bandhigaan (xitaa hadii ay ka fiican yihiin ama qiima ahaan ay ka jaban yihiin), maadaama xidhiidhka ka dhexeeya macmiilkan iyo alaabtaadu ama adeegaadu uu noqday xidhiidh saaxiibtinimo ah iyo mid shucuureed.
Macmiilka noocan ahi, waxaabad moodaa inuu yahay suuqgeeyaha alaabta ama adeega, waxaadna arkaysaa isagoo mar walba ka hadlayya ama hadal hayya sida isaga oo asxaabta iyo qoyska kala hadlyya wax kaste oo ku saabsiisan alaabtan ama adeegan haday tahay: sifooyinkeeda, iyo faa’iidooyinka uu qofku ka helayyo, iyo dhibaatada ay xallinayso, IWM. Sidaa darteed helitaanka macmiilka noocani ahi way adag tahay, ha sa yeeshee la macaalika macamiilkan waxay u baahan yihiin dhawr tillaabo oo ay ka mid yihiin kuwan soo socda:
Ugu danbayntii, waxaaynu ogaanay siyaabaha kala duwan ee loola macaamilo nooc kasta oo macmiil ah, qaybta faalada noogu sheeg, nooca macmiilka aad raadinaysay, inaad ka ogaato habka ugu habboon ee lagula tacaali karo. Ma haysaa talo kale oo aad ku darto maqaalka?
Sii Daalaco: Sidee Interneedka Loogu Iibiyaa Adeegyadaada?
Sidoo Kale: Freelancing-Ahaan Sideen Ku Heli Karaa Macmiilkayga Ugu Horreeya
Leave a Comment