Kaydka Bitcoin ee istiraateejiga ah ee maraykanku uu samaysanayo waxaa ugu horreyn laga maal-gelin doonaa hanti dhawrka guud ee dalka Maraykanka, kaas oo gacanta ku haya Bitcoin gaadhaysa 198,109 BTC, taas oo dad si sifo sharciga ka baxsan ah ugu shaqaysanayay looga xayiray.
Dawladda Maraykanka ayaa haysata tirada Bitcoin-ta ah ee aan kor ku soo sheegnay, lacag ahaanna u dhiganta $17.7 billion, sida uu qabo taxliiliyaha Arkham Intelligence, kaas oo ah mid ka faallooda lacagaha u xayiran dambiyo la gaystay awgeed.
Qayb ka mid ah Bitcoin taas ayaa ka mid ah kaydka Bitcoin ee maraykanku uu samaysanayo kaas oo uu Trump saxeexay maalinkii shalay ee 6da March, waxa uu qaraarkaas caddaynayaa in ” Bitcoin-ta sharci darrada lagu qabto iyo sidoo kale ta dadka rayidka ah magdhow ku baxshaan lagu dari doono kaydka dawladda”.
Sidoo kale qaraarkan waxa uu amray qayb walba oo dawladda ka mid ah inay sheegaan inta Bitcoin ee u xayiran si looga mid dhigo kaydka dawladda.
Dhawrkan dhacdooyin ayaa ka dhigay Maraykanka dawladda haysata Bitcoin-ta ugu badan ka dawlad ahaan.
69,370 BTC oo la qabtay November 2020
Xukuumadda Maraykanka ayaa qabatay 69,370 BTC November 2020kii — kaas oo ah Bitcoin-tii ugu badnayd ee hal mar la qabtay qiimo ahaanna xilligaas joogtay $960 million, Bitcoin-taas oo laga qabtay qof la garan waayay oo jabsaday suuqa online-ka ah ee Silk Road.
94,636 BTC oo la qabtay bishii January 2022
Waaxda sharci ilaalinta ee dawladda Maraykanka ayaa ka qabatay 94,636 BTC hacker jabsaday shirkadda Bitfinex oo Ilya Lichtenstein lagu magacaabi jiray bishii January 32keedii sannadkii 2022, kadib markii ay galeen dawladda Maraykanku cloud storage-kiisa, kaas oo ay ku jireen ku dhawaad 2000 oo akoonno Crypto ahaa ah iyo private keys.
Bitcoin-ta laga qabtay hacker-kan waxay ahayd 80% intii uu ka xaday Bitfinex oo ahayd 119,754 BTC.
Xigasho:- Scott Melker
Lichtenstein iyo xaaskiisa ayaa dhaqay Bitcoin-tii soo hadhay oo gaadhaysay 25,111 BTC, inta aan la soo qaban.
Ila wareedyada qaar ayaa sheegaya in lacagtan loo celin doono Bitfinex maadaama markii horeba iyada laga soo dhacay.
51,351 BTC oo mar labaad laga dhacay Silk Road
Xukuumadda Maraykanka ayaa qabatay 51,351 BTC ah oo laga xaday mar labaad Silk Road waxaana xaday hacker lagu magacaabo Jimmy Zhong bishii March ee 2022.
Bitcoin-taas oo qiimo ahaan ku fadhiday xilligaas $3.38 billion, taas oo ka dhigaysa Bitcoin-tii qiimo ahaan ugu badnayd ee la qabtay xilligaas.
Bitcoin-ta uu Maraykanku iibiyay
Bitcoin ah 9,861 BTC ayay iibisay dawladda Maraykanku siisayna $215.7 million, March 14keedii sannadkii 2023, taas oo ahayd Bitcoin-tii laga qabtay Zhong.
Bishii koowaad ee sannadkan ayaa waaxda cadaaladda ee Maraykanka loo oggolaaday inay iska iibiyaan 198,109 BTC ee ay ka haystaan Silk Road, balse xukuumadda Biden iyada oo wax qaraar ah aan ka qaadan ayaa Trump la caleemo saaray.
Our Courses
- Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
- Forex Trading A-Z Af-soomaali
- Website Design WordPress.
- Cisco Certified Network Associate (CCNA 200-301)
- Dropshipping Mastery Course
- Somali alibaba Online Course
- MongoDB No-SQL Database
- Ultimate react JS course
- HTML and CSS beginner to advanced Course
- Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
- Facebook Ads (Digital Marketing).
- Somali Alibaba Online Course.
- Git and Github Course
- Modern Javascript master Course
- Graphic Design Course.
- Basic Computer and Office Mastery.
- Premiere Pro (Video Editing).
- Python for beginners
- Blogging & Monetisation(WordPress).
- E-commerce Course.
- Tailwind CSS modern Course.
Our Services
- Website Design
- Business Consulting
- Digital Marketing