Waa maxay Marketing? Iyo qaybihiisa kala duwan

Waa maxay Marketing? Iyo qaybihiisa kala duwan
  • October 31, 2022
  • Comment 6

Waa maxay Marketing? Iyo qaybihiisa kala duwan

Waa maxay Marketing? Iyo qaybihiisa kala duwan

Maanta, Marketing-ku ama suuqgeyntu waa shay ay tahay in shirkad kasta iyo urur kastaa ay ku dhaqan galiso istiraatijiyaddeeda korriineed. Shirkado iyo ganacsto badan ayaa isticmaala farsamooyinka suuq-geynta si ay u gaaraan hadafkooda.

Dadku inta badan si sax ah uma garanayaan waxa ay tahay suuqgeyntu, marka la weydiiyo, waxa ay ku qeexaan iib ama xayaysiis. In kasta oo jawaabahani aanay khalad ahayn, haddana waa qayb ka mid ah suuq-geynta.

Waa maxay Marketing?

Waxaa jira qeexitaanno badan oo laga yidhi Marketing-ka (suuqgeynta), kuwaas oo ay ugu muhiimsan yihiin:

      • Suuqgeyntu waxa lagu qeexi karaa hab ka kooban heerar lagu horumarinayo laguna iibinayo badeecadaha ama adeegyada, oo ay ku jiraan cilmi-baadhista suuqa iyo xayaysiinta.
      • Suuqgeyntu waa hab ku saabsan aqoonsiga rabitaanka macmiilka iyo ka shaqaynta qancinta rabitaankaas.
      • Suuqgeynta waxaa lagu qeexaa nidaamka iyo hannaan-socodka abuurista, xiriirinta, gudbinta iyo kala baddalashada dalabyada suuqgeyneed, kana shaqeeya dalabyadaas si ay u noqdaan kuwo qiimo u leh macaamiisha iyo guud ahaan bulshada.
      • Suuqgeyntu waxa loola jeedaa hawlaha ay shirkadu qabato si ay u horumariso gadashada ama iibinta badeecad ama adeeg. Suuqgeyntu waxay ku lug leedahay xayaysiis, iibinta iyo gaarsiinta badeecadaha macaamiisha ama ganacsiyada kale. Qaar ka mid ah hawlgallada suuq-geyneed waxaa fuliyaa shirkado ka wakiil ah shirkadda.

Qaybaha kala duwan ee Marketing-ka

Qaybaha kala duwan ee Marketing-ka

Qaybaha hababka suuqgeyntu waxaa loo qaybaa dhowr qaybood, waxaanse xusi doonaa -eebe idamkii- 4 ka mid ah, kuwaas oo ay ugu muhiimsan yihiin:

1. Badeecada:

Badeecada waxa lagu qeexaa in ay tahay waxa uu iibiyuhu ku soo bandhigo suuqa, oo ay ku jiraan dhammaan faa’iidooyinka ay leedahay Badeecadda, ama dhibaatooyinka ay xallinayso, iyo faa’iidooyinka uu iibsaduhu helayo marka uu alaab ama adeeg soo iibsanayo.

2. Qiimaha:

Soo-saaruhu waa inuu go’aamiyaa qiimaha ay macaamiishu rabaan inay ku bixiyaan badeecad gaar ah, habka qiimuhuna waa mid u dhigma kharashka wax-soo-saarka ee la bixiyay, iyo faa’iidada.

3. Goobta:

Doorashada goobta saxda ah waa arrin muhiim ah oo ka mid ah hababka suuq-geynta, habkan, goobta ayaa lagu qeexay inay tahay goobta lagu soo bandhigo, iibiyo, laguna qaybiyo alaabta.

4. Horumarinta:

Waxaa jira hawlo badan oo xayaysiis ah oo la heli karo kuwaas oo gacan ka geysta soo bandhigida alaabada iyo adeegyada macaamiisha, oo ay ku jiraan xayeysiinta, xeeladaha iibka, Heshiisyada la maalgeliyey, horumarinta iibka, xiriirka dadweynaha, iyo suuqgeyn toos ah.

Tallaabooyinka Marketing-ka

Waxaa jira tillaabooyin badan oo ku saabsiisan habka Marketing (suuqgeynta), ha sa yeeshee waxaynu soo qaadanaynaa kuwa ugu caansan inagoo soo koobayna:

      • Suuqa oo la fahmo, adoo diyaarinaya cilmi-baaris ku habboon suuqa.
      • Macaamiisha bartilmaameedka ah oo la beegsado.
      • Macaamiisha ugu muhiimsan shirkadda oo la daryeelo.
      • Dabagalka iyo ilaalinta hababka ugu muhiimsan suuqgeynta.

Xirfadaha Marketing

Waxa jira xirfado kala duwan oo ay u baahan yihiin in ay adeegsadaa suuqgeynayaashu, oo kala ah:

      • Xirfadaha isgaarsiinta suuq-geynta.
      • Xirfadaha iibka iyo soo iibsashada.
      • Xirfadaha xallinta dhibaatada.

Sii Daalaco: 10 Xirfadood Oo Ay Tahay Muhiim Inaad Barato

6 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×