Maxaa Ethereum ku dhacay?

  • August 25, 2024
  • Comment 0

Ethereum iyo bitcoin yaa la xiisaynayaa?

Ethereum waa coin-ka labaad ee cryptocurrency-ga ugu market cap weyn ama ugu maalgashi badan.

  • Waxaan arkaynaa in Ethereum uu samayn kari la’ yahay dhaqaaqa ay bitcoin samaysay oo kale, haddaba maxaa u sabab ah?
  • Toddobaadkii u dambeeyay oo kali ah ETF-yada Ethereum waxaa ka baxay lacag gaadhaysa $5.7million.
  • Lacagta ku dheh xidhan ETF-yadan ayaa ah lacag dhan $7.65billion waxaana ugu jeeb weyn greyscale Ethereum trust oo haysata $5billion.

Sababaha loo aanaynayo inay Ethereum dhaqaaq fiican yeelan waxaa ka mid ah:-

   1. Maalgashadeyaasha oo dib uga jooga Ethereum
  • Maadaama bitcoin ay samaysay dhaqaaq fiican waxay xeel-dheerayaasha suuqani sheegayaan in maalgashadeyaashu ay la dhacsan yihiin bitcoin oo ay xiiso u qabin Ethereum, Balse waxaa la filayaa in Ethereum ay heli doonto maalgashi fiican wakhtiyada soo socda marka loo eego sida ETF-yada dahabku ay u xidheen hanti dhan $100billion halka ETF-yada silverku ay xidheen lacag ka yar $20billion oo qudha oo macnaha guud waa in sida loo kala wayn yahay uun loo kala maalgashi badan yahay.
   2. Ethereum oo ka dhaqaaq liidata bitcoin.

  • Bitcoin sanadkan waxay kacdan 45% halka Ether uu 20% kacay waana sabab kale oo maalgashadeyaashu uga joogaan Ethereum.
  • Ethereum waxaa dhaqaaq xumadan u sababay tartanka adag ee ay kula jirto solana iyo tron oo hadda door weyn ka qaadata stablecoin transaction-ka.
Booqo website-keena ah “gellecrypto.com”, ama nagala soo xidhiidh whatsapp numberkeenan ah +252 90 432 1044, oo bilaw safarkaaga cusub ee ku aadan maalgashiga cryptocurrency.
 

Our Services

  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing

Our Courses

  • Crypto Bilaw Ilaa Dhamaad Af:Somali Course
  • Ecommerce & Marketing Course
  • Graphic Design Course-Master Class
  • Video Editing in CapCut | Beginner to Pro | Desktop + Mobile Course
  • Basic Computer And Office Mastery
  • Blogging Google AdSense Course
  • Somali Alibaba Online Course.
 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×